shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku saabsan Weerar Cirka ah oo lala Beegsaday Ururka Alshabaab.

(G/Sh/Hoose,  September 14,  2009 Ceegaag Online)

Galabta Casarkii ayaa Waxaa Duqayn aad u xuni ka dhacday Deegaanka Roobow oo 30KM u jira Magaala Xeebeedka Baraawe ee G/sh/Hoose iyo 250 km (155 miles) oo ay u jirtay Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ,Weerarkan oo u muuqday mid qorsheysan ayay goobjoogyaal ku sugan tuulada uu ka dhacay sheegeen inay fuliyeen 6-diyaaradood oo Helicopters ah, Kuwaasi oo labbo ka mid ah Dusha ka waardiyaynayeen Halka 4 Kalena dhulka si caadiya ugu soo degeen ,iyadoo askar kasoo dagay diyaaradaha ay qaateen maydadka dadkii ay dileen.

"Diyaaraduhu waxay si lama filaan ah ugu soo dageen dhulka, waxayna rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa Surf oo ay wateen saraakiisha Al-shabaab ka tirsan, waxaana aragnay maydadka afar qof" ayuu yiri goobjooge ka agdhowaa Goobta ay Dhacdadan ka dhacday,Xogo dheeraad ah oo aan isku daynay inaan ka ogaano sida ay wax u dheceen ayaa waxaa Wararka aan helnay Ka mid ah in Gaarigani uu ka yimid Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/hoose Koonfurta Fog ee Somalia iyadoo Ay saarnaayen Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo Maraykanku ku daray Liiska waxa loo yaqaan "Argagixisadda".

Warar Iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya Cidda ku dhimatay Weerarkan ay Diyaaraduhu Maanta fuliyeen Wararka Qaar ayaa sheegaya inuu ku dhintay Ninka sida weyn Maraykanku u doonayo ee Saalah Cali Salah Nabhan oo u dhashay Kenya iyadoo Maraykanku u haystay Dambiyo la xiriira Qaraxyadi Safaaradihi Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998,Halka wararka Qaarna sheegayaan inay ku dhinteen Saraakiil Somali iyo Ajaanib isugu jira oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo ka mid yahay Madaxii Xiriirka Siyaasadda Al-Shabaab ee Goboladda Dhexe Sheikh Xuseen Cali fiidaw.

Wararka ayaa intaa sku daraya in dadka la dilay ay ku jireen xubno cadaan ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, balse aan la garanayn dalalka ay rasmi ahaan u dhasheen, waxaana weerarkooda uu yimid iyagoo ku socda Baraawe kana yimid Kisamaayo ,"Xabadaha waxaa lagu furay hal gaari oo keliya, kuwii kale ee la socday waxba lama gaarsiin, sidoo kale dad xoolo dhaqato ah oo meesha ka dhawaa wax gaaray ma jirto" ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan tuulada Roobow.

Yaa Fuliyay:-

Marka la eego Weerarkan ay Galabta fuliyeen 6 Diyaaradood ayaa u ekaa Mid la soo qorsheeyay oo ay ka shaqeeyen Sirdoon Somali ah oo Goobta ka ag Dhowaa si kastaba ha uga Qeybqaateen Iyadoo marka la isbarbardhigo Weerarkan iyo Weerarkii hore ee Maraykanku ku dilay Hogaamiyihi Militaryga Al-Shabaab [May 01, 2008] yihiin Kuwa isa shabaha ayaa hadana Waxaa la dhihi karaa waa mid Kharas lagu bixiyay.

Weerarki Hore ee Maraykanku fuliyay Wuxu ku cadeeyay inuu Bixiyay Kharash gaaraya 7Million oo isugu jira,Basaasiinti,Gantaaladi,Shidaalki iyo Qalabki GPRS ee sahlay Bartilmaameedka,Waxaana Diyaaradaha Fuliyay Galabta Duqayntani ka soo keceen Maraakiibta Dagaalka ee Wadamadda Reer Galbeedka Qolo kasta ha lahaate.

Wakaaladaha Wararka iyo Ilaha Xog waranka Caalamiga ah ayaa Durba qoray in Weerarkani ay Fulisay Dawladda France,Hase yeeshe Afhayeen u hadlay Wasaaraddda Difaaca Dawladda France Christophe Prazuck, ayaa shaaca ka qaaday inaanay Dawladda Faransiisku wax luga ku lahayn Weerarkii ka Dhacay G/sh/Hoose Koonfurta Somalia "Ma jiraan Wax ciidamo Fransiis ah oo aan leenahay oo jooga Gobolkaasi.....Ma hayno Cadaymo muujinaya in Ciidamadeenu Joogaan aagaasi" ayaa uu yiri Prazuck oo ku sugan Paris.

Bashir Abdi Wuxuu ka mid yahay Dadka Degan Deegaanka Duqayntu ka dhacday Wuxuuna u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters "Ciidamo Kamaandoos ah oo Ajaanib ah ayaa ka soo degay Diyaarad Dhulka soo Fariisatay,Waxay wateen Calanka France iyo Labiska Darayska Ciidamadda Faransiiska".

Al-Qaacidada Somalia iyo Bartilmaameedka:-

Xoogaga Cadaanka Islaamiyinta Jihaad doonka ah ayaa ku soo badanayay Bilihi ugu Dabmbeeyay Somalia Markii Xoogaga Al-Shabaab Dabayaaqadi Bishii May isku dayeen inay la wareegan Qasriga Madaxtooyadda ee Muqdisho halkaasi oo ay ku dhantahay Xukuumadda Maanta Somalia ka talisa,Labadda nin ee la kala dhoho "Abu Talha al-Sudani" iyo "Salah Nabhani" ayaa Maraykanku sheegay inay Joogaan somalia kuwaasi oo uu Maraykanku ku Eedaynayo ka qeyb ahaanshaha Weeraradi ka dhacay Kenya iyo Tanzania.

Bartilmaameedka La doonayay in laga Takhaluso Galabta wali si Cad looma Shaacin ha yeeshe Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in uu Dhintay Salah Nabhani oo Kenya u dhashay,Run iyo Xanshaashaq midba War jiraaba Cakaaru Iman.

Isku soo wadda Duubo Somalia waxaa Hareeyay Sanadihi ugu Dambeeyay Dagaallo Diinta Islaamka Salka ku hay Taasi oo keentay in Kumanaan Ajaanib Carab ah ay Jihaad u soo doontan Somalia iyagoo Marti gelin ka helay Ururka Alshabaab,Dagaalki ugu Dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay Dad kor u dhaafaya 18,000 halka ay Guryohoodi ka barakeceen 1.5 Million somalia ah oo ku dacdaraysan Dhul banaan oo ku teedsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia,Halka Qaar kalena Naf la caarigi u soo carareen Dhulalka Nabadu ka jirto Sida Puntland iyo Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com