shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmadda Xaafuun oo Laga Bilaabay Dhisme Wado dhererkoodu Gaarayo 54KM+Sawiro.

(Xeebta Xaafuun,  September 25,  2009 Ceegaag Online)

Degmadda Xaafuun waxay Dhanka Bariga ka xigtaa Magaaladda Qardho 320KM oo ku teedsan Xeebta Bariga Fog ee Indian Ocean,Degmadaasi waxay ku taala Dhul aad u fog hadana waa masaafo aad u badan iyadoo ay Degmadadaasi tahay Jaziirad ay Biyo ku teedsanyihiin waxaana Labadda dhinac kaga Wareegsan Badweynta Hindiya,Dec-2004tii Waxaa ka dhacay Degmadda Xaafuun Badgariirki Tsunami oo Burburiyay Guryihii iyo Xarumihi kale ee asaasiga ahaa ee ku yaalay Degmadda Xaafuun balse Dib ayaa loo dhisay Magaaladi waxaana La saaray Goob taaga oo ka soo saraysa Biyaha Badweynt Hindiya..

Waxaa adkayd in lagaaro Degmadda Xaafuun ee Bariga fog ee Somalia iyadoo loo socon jiray 6 beri Markii la isticmaalayo Gaadiidka Caadiga iyadoo loo aaneynayay Burburka Haysta Wadada loo aado Degmadda Xaafuun ee Bariga fog ee Somalia,Odayaasha iyo Dadka Deegaanka oo Iskaashanaya ayaa 3 Todobaad ka hor Bilaabay Dhismaha Wado Dherarkeedu gaarayo 54 KM oo ku soo eg Deegaanadda Hoos yimaada Degmadda Beyla oo 100KM ka soo xigta Xaafun Dhanka Magaaladda Qardho.

Gudoomiyaha Degmadda Xaafuun Maxamed Yuusuf Garow (Booliwade) ayaa Shabakadda Ceegaag Online uga Waramay Dhismaha Wadada iyo sida ay hawshu u socoto "Runtii wadadaan waxaa Dhisaya Dadka Deegaanka oo isu xilqaamay inay iyagu wax qabsadaan intii ay Dad ka sugi lahaayen inay wax u qabtaan,Odayaasha,Maamulka Degmadda Xaafuun iyo Dhalinyaradda ayaa leh doorka ugu wayn hadana sida Muuqata waa "Hawl kama Daale wali waa hogadii" Marka Wadadaan hadda waxaan dhismay Qiyaasti 10KM inta noo dhimana waxaan ku dadaalaynaa inay noo hagaagto,Waxaan Balanqaad ka helnay Hay'adda WFP iyadana waxba kama hayno wali" ayaa uu yiri Gudoomiyaha Degmadda Xaafuun Maxamed Booliwade oo u waramayay Shabakadan.

Si kastaba ha ahaate Haddi lagu guuleysto Dhismaha Wadadaan waxay Guul u tahay Shacabka reer Xaafuun oo isu xilqaamay Wax ka qabashada Deegaankooda waxayna sidoo kale tani meesha ka saaraysa Dhibaatadi ay Gaadiidleydu ku qabeen u safrida Degmadda Xaafuun ee Bariga fog ee Somalia.

Daawo Sawirada

Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com