shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/samad Cali shire oo shir ja’raaid ku qabtay Boosaaso ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab dilalka qorsheysan ee Boosaaso ka dhacay.

  (Boosaaso  Feb 18,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Boosaaso waxaa habeenimadii xalayto ka dhacay dilal Qorshaysan oo gabi ahaanba lagu weeraray Qaarkamid ah masuuliyiin katirsan dawlada puntland iyo Qaarkmaid ah shacabka magaaladaasi kunool, iyadoo sidoo kale fashilmay weerar la doonayey in lagu khaarajiyo mid kamid ah culumada ugu magac dheer deegaanada puntland waxaana weerarkaasi ku geeriyooday mid kamid ah eheladii Shiikh axmed daahir.

Magaalada boosaaso waxaa kaloo habeenimadii xalayto lagu dilay ugu yaraan 3 kamid ah shacabka magaladaasi boosaaso kunool oo lagu dilay bartaha magaaladaasi kadib markii madax loo soo duubtay madaxna lagala dhacay Boostoolado waxba weerarkaasi canbaareeyey shacabka magaalada boosaaso maadaama lagu weeraray isku biil oo kaliya oo ragani ka soo jeedeen.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire waxaa uu kaga warbixiyay xaaladda Puntland siiba xaaladaha Amaan iyo dilalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo deegaano ka tirsan Puntland.

Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu sheegay dilalkaasi lala eeganayo masuuliyiinta dowlada iyo shacabkaba in ay ka dambeeyaan kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waxaana suaalaad laga weydiiyay arimahaasi uu ku qeexay in ay dilalka iyo qalaalaasaha taaganba ay ka dambeeyaan kooxaha Xarakada Shabaab Almujaahidiin ee ka dagaalanta gobolada koonfureed,

C/samad Cali Shire waxaa kale oo uu shirkiisa Jaraaid ku sheegay in dabagal lagu sameyndoono Dadka ka dambeeyay falalkii ka dhacay Boosaaso kuwaas oo uu sheegay in la soo qaban doono islamarkaana markii la soo qabto lagu qaadidoono shaciga, isagoo ka dalbaday Dadweynaha in ay Gacanbuuxda ku siiyaan ciidamada Amaanka uguna baaqay isku tiirsanaan shacabka.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Puntland falalka dilalka ah ee ka dhaca Puntland ay si toos ah ugu eedeyso Xarakada Shabaab Almujaahidiin iyadoo intaasi raacisay in dadkaasi ay gacanta ku soo dhigeyso.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com