shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fadlan Ka Qeyb Qaado Dhismaha Masaajidka Degmada Ceegaag

  (Ceegaag,  February 14,  2010 Ceegaag Online)

Ma Jeclaan lahayd inaad wax tarto Waalidkaa ama waalidkiis, mase og- tahay inaad u samayn karto camal u socda iyaga oo dhintay, Masjid dhiskuna uu ka mid yahay camaladaas? Fadlan fursadaanu yey ku dhaafin Ka Qeyb Qado Dhismaha Masaajidka Degmada Ceegaag laga dhisayo.

Culimada Iyo Dadweynaha deegaanka ayaa ka codsaday Dadka Khayrka Jecel inay ka qeyb qatan Dhismaha Masaajidka, Haddaba Ummada Somaliyeed ee Muslimiinta ah ee dooneysa inay ka qeyb qaadato Dhismaha Masaajidka Fadlan Ha La Xiriiraan Labada Masuul oo u Qaabilsan Ururinta Kharashka lagu dhisayo Masaajidkaasi.

Xuseen Fiin  + 1- 617 921 3989 – Boston, USA   ama

Cabdi Xaaji Cali Cilmi  +252 - 2449 – 2691 Ceegaag, Somalia

Xagee marayaa Dhismaha Masaajidka Magaalada Ceegaag (Daawo).

 (Ceegaag,    Feb 22,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (C.riigle) Dhageyso

 Culumaa'udiinka Degmada Ceegaag Dhageyso

Magaalada Ceegaag Waxaa laga Bilaamay dhismaha Masjid Jaamacii labaad ee ay yeelato Degmada Ceegaag, Masjidkan oo ah ka ugu weyn Guud ahaanba dhulka Gamaha ah ee buuhoodle ka xiga dhinaca Waqooyi misaajidkan ayaa laga bilaamay xaafada Ceegaagta Bari.

Shabakada Wararka Ceegaag Online ayaa u suurto gashay in ay Booqasho ku tagto magaalada Ceegaag oo laga bilaabay misaajidkani aad sawirkiisa aragtaan oo ah kii ugu waynaa ee laga hir galiyo mandaqadaasi waxana ceegaag online dhismaha misaajidka inta uu le'eg yahay ka waraysatay Gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji cali Cilmi (C/riigle) oo Ceegaag online sharaad dheer kasiiyey halka uu misaajidku marayo isagoo ugu baaqay gudoomiyuhu dhamaan umada Islamka ah inay gacan ka gaystaan dhismaha misaajidkan  oo hada aad bilowgiisa aragtaan iyo halka uu marayo.

Dhinaca kale Culumada Diinta ayaa ugu baaqay dhamaan umuda Islaamka ah iyo jaaliyada dibada iyo kuwa u dhashay Ceegaagba inay gacan ka gaystaan si ay uga qaybqaataan dhismaha misaajidkan waxaana culumada ka hadleen khayrka iyo ajarka uu leeyahay misaajid aad ilaahay hortiis uga Qayb Qaadato oo aad gacan ka gaysato.

Sidoo kale waxaa dhismaha misaajidkani soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan Guud ahaanba Degmada Ceegaag oo sheegay inay baahi wayn u Qabaan dhismaha misaajidkani oo ay sheegeen inay aad ugu farxasan yihiin waxayna ugu baaqeen umuda islamka ah inay gacan dhaqaale ka gaystaan misaajidkani oo ah kii ugu waynaa ee Degmada  Ceegaag laga hirgaliyo.

Daawo Sawiradda

Xagee Marayaa Dhismihii Masjid Jaamaca Degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  March 13,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa wali si habsami leh u socda dhismaha Masjid Jaamaca Degmada Ceegaag, sida Howl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha Masaajidka  ay u sheegeen Wariyaha Ceegaag Online Cali Cismaan Yuusuf (Cali Dhagjar) oo socdaal gaaban ku tagay Degmada Ceegaag.

Howlwadeenada Masjidka ayaa ka codsaday dhamaan walaalaha khayrka jecel iney ugu baaqayaan dal iyo dibadba inay ka qayb qaataan dhameystirka dhismaha Masjid Jaamaca Ceegaag.

Daawo Sawiradda

Xagee marayaa dhismaha Misaajida Ceegaag bari iyo Pro. Lafoole oo ugu baaqay dadka Islaamka ah inay gacan ka gaystaan dhamaytirka Masaajidka

(Ceegaag,  March 27,  2010 Ceegaag Online)

Lafoole oo ugu baaqay dadka Islaamka ah inay gacan ka gaystaan dhamaytirka Masaajidka  

Dhagayso

 

 


 
 

webmaster@ceegaag.com