shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad Misjid Jaamaca Buuhoodle loogu Qabtay arday dhamay satay xafidaada Quraanka kariimka ah

(Buuhoodle ,  January  31,  2010 Ceegaag Online)

Hadaladii Mushaa'ikhdu ka jeediyeen munaasabada

Sheekh Axmed Sheekh Cumar Dhagayso

Sheekh Cumar Soodaani Dhagayso

Misaajidka Wayn ee kuyaala bartamaha magaalada Buuhoodle waxaa galabta lagu Qaybtay munaasabad balaadhan oo shahaadooyin lagu Gudoonsiinayey arday dhamaysatay Quraanka Kariinka ah 114, waxna xaflada balaadhan oo lagu qabtay Masjid jaamac wayn gudahiisa ka soo qayb galay culumo waalidiin iyo waxgaradka kale.
 
Waxaana ugu horay halkaasi ka hadlay Sheekh Axmed Sheekh Cumar oo sheegay inay ardaydani ka soo baxday Madarasada Nijaax oo kamid ah malcaamada Buuhoodle kuyaala waxaana uu intaasi Raaciyey inay jiraan arday kale oo malcaamadaasi iyo kuwa kaleba  dhamaystay Quraanka balse ardaydani maanta nasiib u Heleen in loo qabtay xafladani oo shirkda taleefoonada Telesom companay gacan ka gaystay inay maanta ardayni xafladaasi u Qabato dhaqaalaha bixisay iyo diyaarinta Barmaamijkani maanta.
 
Dhinaca kale Waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Cumar Soodaani oo kamid ah culumada Buuhoodle waxaana uu sheegay inuu maanta aad ugu farax san yahay ardaydani maanta loo Qaybatay xaflada dhameeyey Quraanka kariinka ah ee la gudoonsiiyey shahaadooyinka.
 
Sidoo kale Waxaa xafladaasi maanta ka hadlay waxgaradka Buuhoodle waalidiin sheegay inay maanta aad ugu faraxsan yihiin ardayda dhamaysatay Quraanka kariinka ah mahadna u celinayaa Maclimiintii Quraanka soo baray iyo Shirkada Telesom oo gacan lixaad leh ka gaysay xafladani.
 
Maamulka shirkada Telesom Buuhoodle ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey ardaydan galabta shirkada Telesom u Qabtay xaflada Quraank ardaydu ku dhamaysat waxaana uu Xaaji Maxamed deeq Xaaji xasan uu sheegay inay shirkada Telesom arimaha barmaamijkani soo Qaban qaabisay waxaana uu maamulku sheegay inay gacan lixaad leh ka gaysanayaa arimaha bulshada waxyaabaha lagu horumarinayo laguna dhiiri galinayo ardayda Buuhoodle mana aha markii ugu horaysay ee shirkada Telesom  xaflado noocan oo kala ah ay kaalin ka Qaadato gaar ahaan dhinaca kor u Qaadista ardayda Quraanka dhamaystay iyo dhiiri galintooda.
 


Cali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com