shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaga iyo Tigreega  (Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”)
  

   Waa dhab maahmaahda tidhaahda ”Lax waliba shillalka ay
isdhigto ayaa lagu qalaa”. Umadda Soomaalida dibindaabyo aanay iyadu sababsan
shisheeye uma geysan. Markii ay ahayd ummad hagaagsan oo si dabiici ah
u dhaqan xataa iyada oo itaal yar ayaa laga haybaysan jiray.
  
  Gumaysigii reer Yurub wuxuu kacay markii uu xaqiiqsaday in aanu sii
joogi karin. Sannadihii toddobaatannadii, markii ay Soomaalidu isyara
abaabushay, Faransiis waa kii hadh cad baqoolay, Itoobbiya iyo Kiiniyana
waxay qarka u saarnaayeen dhulalka ay haystaan in ay ka yaacaan.
Maantana waa taas qawmiyadda tirada yar ee Tigreegu Soomaalidii ku
cayaaraysa. Odayadii, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo qabiilooyinkii Soomaaliyeed
ee sharafta lahaa maanta waa kuwaas u gumoobay wiilka kurka xun ee
Senaawi.

  
  Taliska Tigreega ee qawmiyadaha Itoobiya gumaysta waxaa laga kari la
yahay in uu Soomaalida faraha kala baxo. Haddii ay jiraan dalal
arrimaha Soomaalida ugu jira in ay danahooda meel u helaan, Tigreegu waxay ugu
jiraan oo keliya in ay ka shaqeeyaan in aan dadka Soomaalida lugi lug u
raacin. Koox kasta oo u dhego nuglaata hub ayay siinayaan si ay koox
kale oo dhego adaygtay ugu dilaan. Haddana cid kasta oo isu dhiibta tari
mayaan taageero ka badan in ay ka dhigtaan ul ay Soomaalida kale la
dhacaan.
  
  Soomaalida oo dhami iyaga oo guuraya haddii ay caawa Senaawi u tagaan
oo yidhaahdaan ”adiga ayaannu addoomo kuu nahay ee dawlad aad raalli ka
tahay noo dhis” ma kula tahay in uu u dhisi lahaa? Ha ka yaabin, kuwaas
addoomaha u wada noqday ayuu sii kala qaybin lahaa oo isku baabbi’in
lahaa. Waa taas siyaasadda Tigreega ee Soomaalida ku saabsani.
Soomaaliduna iyaga oo xaqiiqadaas wada og ayay haddana runta isdiidsiiyaan oo
aanay xataa naftooda u qiranayn. Qaybo badan oo umadda ka mid ahi iyaga oo
runta sidaas u og ayay haddana isu sheegayayaan Tigreegu in uu iyaga
saaxiib la yahay oo dantooda wado.

  
  Maanta Maamulka Tigreegu markii uu arkay isbeddelka Koonfurta
Soomaaliya ka socda waa kaas bilaabay halgan uu guushaas ku dhicisaynayo
Soomaalida godka madow madaxa kala soo baxdayna dib ugu celinayo.
  
  Taliska Tigreegu wuxuu og yahay, aadna ugu faraxsan yahay,
cadawtinnimo badan oo uu Soomaalida la damacsanaa in ay dad Soomaaliyeed u
fulinayaan. Sidaas darteed Senaawi iyo maamulkiisa xaaraanta ah ee ku dhisan
kelitalisnimada, gumaysiga iyo cunsurinnimadu maanta naftiisa ayuu
bogaadinayaa oo u hambalyaynayaa. Soomaaliduna maalinba ta ka dambaysa ayay
sii gumoobayaan. Gobol uu joogaba faca Soomaaliyeed ee maanta
barbaarayaa wuxuu ku barbaarayaa gunnimo iyo daciifnimo. Wuxuu ku garaadsanayaa
in ay isaga Tigreegu ka sarreeyaan mar haddii ay sandulle ugu taliyaan.

  
  Xadgudubka joogtada ah ee ay ciidammada hubaysan ee Tigreegu dhulka
Soomaalida ku hayaan, iyo cagahooda nijaasta ah ee ay ciidda daahirka ah
kula tumanayaan, wax fudud oo ay taariikhdu iska illaawi doonto ma aha.
Taariikhdu dhacdadan laba siyood ayay mid uun u xusi doontaa. 1) waagii
uu socday ololihii ay qawmiyadda Tigreegu isirka Soomaaliga ku
gumaysay, jiritaankoodii ummadnimana kaga takhallustay. 2) waagii uu socday
isku-daygii ay qawmiyadda Tigreegu ku hawaysatay in ay qawmiyadda
Soomaalida daadduumiso, intii aanay Soomaalidu kacdoomin dibna isu abaabulin.
Ma jiri doonto xasuus saddexaad oo ay dhacdooyinkan maanta socda
taariikhdu ka qori doontaa. Waa labadaas mid uun, kala-doorashaduna weli
soomaalida waa ay furan tahay, waqtiguna weli wuu dihin yahay.
  
  Facyo badan oo Soomaaliyeed oo inaga horreeyay ayay taariikhdu
imtixaankan soo marisay, inta badanna waxay kaga soo gudbeen guul, haddii
kale maanta ma aynaan ahaanneen ummad jirta. Imtixaanka maanta yaallaana
kama adka kamana fududa kuwii hore, waxaase shaki leh faceennani dadnimo
ahaan in aynu la mid nahay kuwii hore ee jiritaankan inoo soo gudbiyay.

  
  Qawmiyadda Tigreegu waxay addoonsataa tobannaan qawmiyadood oo
qaarkood iyada aad uga tiro badan yihiin. Qawmiyadahaas ma jirto wax ka
dhexeeya aan ahayn in dusha lagaga wada tuuray magac faalso ah oo la
yidhaado ”Itoobiya”. Waa qawmiyado kala dad ah, kala diin ah, kala af ah oo
kala dhaqan ah. Beri fog ayaa dhulkaas lagu naanaysay ”Madxafkii
ummadaha”. Itoobiyadaas faalsada ah ee xoogga la isugu hayaa daqiiqad kasta
ayay kala daadan doontaa laguna kala dhaqaaqi doonaa. Cid walba oo si
firfircoon siyaasadda gudaha ee dalkaas dan ka lihi si aad u fudud ayay
kacdoon iyo fawdo uga dhex abuuri kartaa. Magaca ”Itoobiya” waa doqon
nasiib leh.
  
  Haddaba Tigreegu mar haddi ay xaalad sidaas u nugul xoog iyo xaaraan
kaga taliyaan, guri quraarad ahna ku jiraan, waxay ahayd in ay ka
dhawrsadaan farogelinta iyo fidnada ay ka dhex wadaan bulshada Soomaalida ee
isku aabbaha iyo hooyada ah. Taas in ay yeelaan daaye waxay caado ka
dhigteen, awoodda oo dhanna saareen, soomaalida in ay isku baabbi’iyaan
oo kala daadiyaan.

  
  Marka la eego dhulka Soomaalida laga haysto iyo godobta gaamurtay, ee
la eego sida aanay Itoobiyaanku u ahayn dad wax isu ah, dhammaan
waxyaalaha ay Tigreegu Soomaalida ka dhex wadaan waa waxyaalihii ay
Soomaalidu Itoobbiya ka dhex samayn lahayd. Soomaalidu haddii ay ahaan lahayd
ummad feker qumman oo talo habboon run ahaantii dalka loo yaqaan
”Itoobiya” beri fog ayaa lagu kala tegi lahaa. Laakiin Soomaalidu waxay ku
shuqlan yihiin in ay sidii foodlay adhijir ah dhexdooda u murmaan.
  
  Maanta ciidammada Tigreegu iyaga oo aad u hubaysan ayay soohdinta iyo
gudaha dhulka Soomaalida hoganayaan. Kun digniinood ayaa Tigreega loo
diray. Xilkaska Soomaalida iyo ummadaha duniduba waxay kula taliyeen in
ay dhulka Soomaalida ka baxaan, arrimaheedana faraha kala baxaan. Ha
ahaatee waa tii hore loogu maahmaahay ”Rag i daa kuguma daayo ee aynu
isdayno ayuu kugu daayaa”. Mid kalena waa tii ahayd ”Nin aan warankaagu
gelin weedhaadu ma gasho”. Tigreegu Soomaalida ayay ka il heleen. Iyaga
oo qaar innaga mid ah oo ay taladu ka xumaatay iska soo horraysiinaya
waa kuwaas soo maqiiqan ee soo qamaamaya.


  Gaar ahaan maanta ciidammada tigreega waxaa yool u ah dhaqdhaqaaqa
maxkamadaha ee awooday in ay qaybo badan oo dalkooda ah ku soo celiyaan
nabad iyo kala dambayn. Nabaddaas iyo kala dambayntaas ayay Senaawi iyo
maamulkiisu ka dhimanayaan kana shaqaynayaan in ay burburiyaan.
  
  Haddaba dagaalku haddii uu gudaha Soomaaliya ka dhaco ugu horrayn
waxa isku halaagmayaa waa dadka Soomaalida, dhulka burburayaana waa
dhulkooda. Taas darteed Tigree haddii ay ka waantoobi waayaan faragelinta ay
wadaan, kagana dhabeeyaan gulufka colaadeed ee ay abaabulayaan, waxaa
habboon dagaalka in loo raro gudaha Itoobbiya, awoodda oo dhanna taas la
isugu geeyo. Maanta laga bilaabo xabbadda waa in wadnaha lagala
beegsadaa maamulka Tigreega ee edebdarrada ku qaangaadhay. Taasna waa in looga
shaqeeyaa si la mid ah sida ay Tigreegu uga shaqaynayaan burburinta
soomaalida.

  
  Bulsho aad u weyn oo Soomaali ah ayay qawmiyadda Tigreegu gumaysataa
oo madaxa kaga taagan tahay. Tobannaan qawmiyadood oo kale ayay ku
haysaa xaalad aan dhaamin addoonsi. Malyuumaad bani aadam ah oo leh
dhaqammo, diimo, afaf iyo isirro kala duwan ayaa taliskaas arxanlaawaha ah ku
hoos dulman. Intaas oo fursadood ayaa jira haddii la doono in Tigreega
looga jawaabo fawdada ay dhulka soomaalida ka wadaan.
  
  Geeska Afrika waxaa nabad iyo xasillooni lagu celin karaa laguna
ilaalin karaa haddii la isu dheellitiro awoodda qawmiyadaha geyigan ku wada
dhaqan. Taasina waa in ay ka bilaabataa Tigreega in si dhab ah loogu
sheego in ay xushmeeyaan qawmiyadaha kale, haddii ay yeeli waayaanna waa
in la tusaa muruq ay ka baqaan. Imika ka dib warqadda keliya ee
Tigreega lala ciyaari karaa waa dagaalka ay Soomaalida ka dhex hurinayaan oo
gudaha Itoobiya loo raro. 


  Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
E-Mail:Ibraahinhawd@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com