shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer  Gedo Colka Jooja, Dullaankana Cagta u Dhiga. 

  Diyaarinta qoraalkan waxa ay igu dhalatay kadib markii diyaar garwga ay reer Gedo ugu jiraan duulaan ay ku qaadaan magaalada Kismaayo uu gaaray meeshii ugu sareysay iyada oo ujeedada duulaankooda lagu soo koobi karo:

1-     In beeshu soo ceshato qabkeedii siyaasadeed ee dhaawacmay kadib markii si farsameysan gacanteeda looga saaray awooddii buuxday oo aan lala wadaagin oo ay magaalada ku laheyd.

2-     In la soo celiyo karaamada hogaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay beeshu u haysay abaal ballaaran, inkasta oo arinkan  ay hareeyeen waayadan dambe su’aalo badan kadib markii hogaamiyuhu dagaalo la galay dhibaatooyina u geystay xubno firfircoon oo beesha kamida iyo taageerayaashoodaba.

Waxaan ka hadal laheyn maadaama uu dalku ku sugan yahay xaalad xasilooni daro iyo qulqulatooyin siyaasadeed ah in ciddii dareenta in masaalixdeedii khatar ku jirto ay u guntado sidii ay masaalixdaa ku difaacan laheyd siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba, waana tan keentay in beesha Sade ay dagaal u guntato markii  lagu bahdilay magaalada Kismaayo bartamihii iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii, laakiin waxaa is weydiin leh in dagaalku yahay xalka keliya ee lagu difaacdo masaalixda aad leedahay xilli kasta, iyo in ay jiraan wadooyin kale oo aad wax ku difaacan karto.

Haddii aan dib u milicsano taariikhda dhaw, beesha Sade waxa ay hormuud u aheyd hogaankii xukuumaddii milateriga aheyd ee ka jirtay Soomaaliya 1969-1991, waxayna kaalin firifircoon ka qaateen xubnaha beeshu difaacii midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, hase yeeshee markii burburkii ku yimid dawaladdii dhexe ee Soomaaliya beesha waxaa soo waajahay xaalad siyaasadeed cakiran, taasoo ah in ay hor timid labo masa’lo oo u baahnaa kala doorasho:

1-     In ay difaacadaan masaalixdooda siyaasiga ah iyaga oo ah beel kamida beelaha Soomaaliyeed.

2-     In ay soo celiyaan karaamadii Alle ha u naxariistee Gen. Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii Qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba labadan mas’alo waxaa u kala guntaday u ololeyntooda siyaasiyiintii iyo waxgaradkii beesha Sade, waxaana la xasuustii sidii siyaasiyiintii u ololeynayay qodobka 2aad oo ah in Madaxweynaha lagu celiyo Villa Somaliya ay uga awood roonaadeen qoladii kale ee is tustay in Madaxweynuhu lahaa waqti, waqtigiisiina uu soo qaatay, aysana muuqan fursad kale oo u harsan, lama huraana ay tahay in la xeeriyo maslaxadda guud ee beesha oo laga shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa oo ay danaheeda u difaacan laheyd iyada oo ah beel kamida beelaha Soomaaliyeed.

Sida la xusuusto guushii raacday qolyihii u ololeeynayay in la soo celiyo karaamada Madaxweynaha waxa ay ku dhamaatay in beeshu qaaddo labo duullaan oo waaweyn khasaarihii ka dhashayna ilaa manta laga sheekeeyo, iyadoo duulaankii labaad wixii dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare hanti ahaa marka laga soo tago 400 oo rag ah oo u dhashay beesha Sade maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaalkii ka dhacay Mukayga Afgooye, kaasoo uu hogaaminyay Col. Barre Aden Shire “ Hiraale”, waxaa intaa dheeraa in dhamaan deegaanada gobolka Gedo ay gacanta u galeen isbahaysigii SNA ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Gen. Maxamed faarax Caydiid.

Haddaba maanta oo ay beeshu marayso marxalad lamida tii 1991 waxaa lama huraan ah in aan lagu degdegin duulaan la qaado, ee bal marka hore si dhab ah loo fekero oo la raadiyo wadooyin looga fursan karo in dagaal lagala hortago xoogaga maxkamadaha Islaamiga ee la wareegay talada Kismaayo sida ay ula wareegeen awooddii magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kalaba.

Si haddaba ay u sahlanaato in fekerkeenu nagu hogaamiyo in aan ka baaqsano dagaal aan hubo in caaqibadiisu ay aad u xuntahay kana darnaan doona kii 1991, waayoo xilligan waxaa magaalada Kismaayo ku suga boqolaal dagaalyahano ah oo u dhashay beesha Sade oo ka tirsan xoogaga maxkamadaha Islaamiga ah, iyadoo isku dhaca dhex mara ciidamada Sade ee ka soo duulaya Gedo iyo kuwa ku sugan Kismaayo natiijadeedu ay tahay nuqsaan iyo burbur ku yimaada xoogga beesha Sade, iyadoo aan la socono in beesha Sade ay ka soo baxday xiligan dagaalo dhexdeeda ah iyo kuwa beelaha ay oodwadaag la tahay ah.

  Ka baaqsashada  ayaa waxa ay ka dhalanaysaa in marka hore aan ka jawaabno su’aasha ah, sababta aan duulaanka ugu qaadeyno Kismaayo waa maxay?, haddii jawaabtu tahay waa in aanay beesho waayin xuquuqdii madiniga aheyd iyo tii siyaasiga aheyd ee ay degaanka ku laheyd waa in aan baaritaan iyo diraasad ku sameynaa arinkaa oo aan eegnaa kaalinta beeshu kaga jirto maamulka ay maxkamaduhu dhiseen ama xooga ay beeshu ku leedahay hogaanka maxkamadaha ee deegaanka, dabadeedna ay beeshu ka tashataa wixii ka soo baxa baaritaankaas.

Hadiise jawaabtu noqoto in la soo celiyo karaamada hogaamiyihii beesha Col. Barre Aden Shire “ Hiiraale”, si uu uu hogaamiye uga sii ahaado magaalada, waxaan qiyaasayaa in fursadaasi dhamaatay, oo aanay dib u soo noqon doonin, lana mid tahay tii 1991 ee Gen. Maxamed Siyaad Barre. Sidaa darteed waxa ay taladeydu tahay in loo mahad celiyo Col. Barre, loona duceeyo kaalintii uu ka soo qaatay soo dhicinta xuquuqda beeshu ku laheyd Kismaayo, lagana codsado inuusan isku laynin beesha Sade, oo sharaf weyn u haysa, magaciisa iyo taariikhdiisana aanu iska wasakheyn.

  Ugu dambeyn haddii isbedalada dhacaya ay noqdaan qaar keena xasilooni iyo kala dambeyn oo mashaakilka Soomaaliya haysta halkaa ku dhamaadaan iyadoo beesha Sade ka baaqsatay dagaal ay la gasho xoogaga maxaakimta Islaamiga ah, beesha iyo hogaamiyaheeduba waxa ay noqon doonaan dad sharaf mudan, qeybna ka qaata hogaanka mustaqbalka ee dalka. Haddii fashal dhaco oo Soomaaliya ay ku sii jirto xasilooni la’aanta iyo xasaradda siyaasadeed, dibna loogu laabto dagaaladii qabaa’ilka, beesha iyo hogaamiyaheeda ayaga oo isku duuban ayeey difaacan doonaan masaalixdeeda, sidaa daraadeed reer Gedoow colka jooja, oo duulaanka cagta u dhiga, waxaa laga yaabaa in taladan ay  dad badan ka careysiiso, laakiin waa mid hor Alle iyo habeenkii aakhiro ah, haddii maanta la maqli waayana maalin danbe unbaa la soo xusuusan doonaa.

Maxamed Gaarshireedle.

gaarshireedle2000@yahoo.co.uk

webmaster@ceegaag.com