shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taariikh madow oo soomartay culuma-udiinka iyo heerka ay maanta taaganyihiin

 

Maalin sabti ah oo bisha muxaram ay tahay 6 sanadkii 1395 taariikhda hijriga kuna beegnayd 18 january sanadkii 1975tii waxay soo saartay maxkamadii melitariga ahayd ee dawladii xukunkii siyaad bare  in ladilo qaar kamida culumadii ka horyimid xeerkii ay soo saartay dawladaas ee ahaa xeerka qoyska

daawo sawirada arxan darada ah ee lagu laayey culumada ama Halkan ka dhagayso

.


Culumadan waxaa la qabqabtay maalintii jimcaha ahayd ee ka horeysay sabtida salaadii jimcaha kadib, subax khamiis ah bishuna ahayd 11ka muxaram 1395 kuna aadanayd 23 january 1975 ayey fuliyeen ciidankii ka amar qaadanayey dawladaa dilkaa argagaxa lahaa waxaana lagu fuliyey garoon u dhaw dugsiga booliska ee kuyaala xeebta badda,kaasi wuxuu ahaa fal argagax iyo cadho ku reebay umda soomaaliyeed kana sii guuxaya wali dhagahooda  lana aaminsan yahay inuu sabab u ahaa burburka ilaa maanta kataagan dalka.


xeerka qowska ee ay soo saartay xukuumadaasi waa mid dhigayey in raga iyo dumarku siman yihiin taas oo si toosa u burinaysa naska quraanka ee ilaahay jideeyay subxaanohu watacaalaa ee ah in labku mar kabadsado dhediga dhaxalka marna ay siman yihiin iyadoo mararka qaarkood dhedigu ayba qaataan dhaxalka oo dhan.


waa kuwan magacyada wadaaddadii la xasuuqay
1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2-Sheekh Muuse Yuusuf
3-Sheekh Axmed Iimaan
4-Cali Xasan Warsame
5-Xasan Ciise Iley
6-Maxamed Siyaad Xirsi
7-Cali Jaamac Xirsi
8-Aadan Cali Xirsi
9-Saleebaan Jaamac Maxamed
10-Yaasiin Cilmi Cawil

 Ilaahay ha u naxariisto culimadaas Shuhadada ah ajarkoodana Ilaahay innagama xarrimo.  Aamiin.....Aamiin.

Xigasho:- Buugga la yidhaahdo Soomaaliya iyo xididada dhibaatada haysata ee uu qoray Dr. Cali Sh. Axmed Abokor.

webmaster@ceegaag.com