shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Waxbarashada  & qaabka  Ardaygu ku imankaro Dalka India.

Ardayda soomaaliyeed waxay bilawday inay hindiya u soo waxbarasho doonato horaantii sideetamaadkii, waxa iyana u soo qaxay qoysas badan oo soomaaliyeed markii ay burburtay dawladii soomaaliyeed. Waxay ardayda soomaaliyeed si xad dhaaf ah u yimaadeen dalkan hindiya intii ka dambaysay sannadkii 2000, Hada waxa lagu qiyaasaa ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta hindiya ilaa 1500 Arday,  

Maadooyinka ay bartaan ardayda soomaaliyeed ee ay u badan yihiin waxaa ka mid ah B.COM (Bachelor of Commerce), BBA (Bachelor of Business Administration), BBM (Bachelor of Business and Management), IT(Information Technology), Computer Science, Microbiology, BCA (Bachelor of Computer Application), Engineering, Kalkaaliyenimada,Lab-Technician iyo weliba Law. 

hadaba waxaan halkan idinku soo gudbinayaa 3 ka mid ah Jaamacadaha India ku yaala siiba kuwa kuyaala Magaaladan Hyderabad ee Gobolka Andra Pradesh.

 

1. Osmania University

 

Jaamacada Osmania waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1918,

waxayna bixisaa Field yo kala duwan.

 

    Bachelor Courses: -

1.   BA (Bachelor of Arts).

2.      B.Sc Comp (Bachelor of science).

3.      B.Com (Bachelor of Commerce) Comp/Hons/Voc/Prof.

4.      BCA (Bachelor of Computer Application).

5.      B.Pharmacy

6.      B.E (Bachelor of Engineering).

 

Master Courses: -

1.     M.A.

2.     M.SC.

3.     M.Com

4.     MCA

5.     MBA

6.     M.E

    Osmania University

 

 

2. Manipal University,

Field-yada  ay bixiso jaamacadan ayaa kala ah sidan:

Bachelor courses: -

1.       Bsc(IT)  (Bachelor of Science in Information Technology).

2.       BBA   (Bachelor of Business Administration).

3.       BCA   (Bachelor of Computer Application).

4.       BCOMIS  (Bachelor of Commerce Information System).

5.       BAJM  (Bachelor of Arts In Journalist & Mass Communication).

6.       BSCMLT (Bachelor of Science in Medical Laboratory). 

Master Courses:

 

1.     MSCIT.

2.     MBA.

3.     MBAIT.

4.     MCA.

5.     MSCTT.

Manibal University

 

  3. JAWAHARLAL NEHRU TECHNOLOGICAL UNIVERSITY,

jaamacadan ayaa bixisa maadooyinka Engineering waxaana ka mid ah Field-yada ay bixiso jaamacadan :

Bachelor courses: -

1.     B.Tech (Information Technology).

2.     B.Tech (Computer Science).

3.     B.Tech (Electronics and Communication).

4.     B.Tech (Electronics and Electrical Engineering).

                                                  JNTU

Hadaba Ardayga jecel in uu India waxbarasho usoo raadsado waxaan halkan ugu soo gudbinayaa talooyin ku saabsan qaabka uu ku imankaro Ardaygaasi,

Ardayga waa in uu afartan shuruudood soo dhamaystiraa si ay u sahlanaato Imaatinkiisa India.

 

1. Basaboor
2. Admission ( ama ogolaansho jamacadeed).
3. Visa (ardaynimo).
4. shahaado dugsi sare.

1. Basaboor

Sida aan la wada socono basaboorka somaliga ah mudooyinkii ugu danbeeyey way adkaatay in lagu qaato visa ardaynimo ama visa kaleba, taas bedelkeedii waxay ardayda somaliyeed sameeyaan in ay tagaan Ethiopia (itoobiya ) oo ka soo qaataan basaboor itoobiyaan si ay ugu fududaato in ay ku qaadan karaan Visa ardaynimo.

Hadaan basaboorka somaliga ah dib ugu noqdo waxa jirta in Nairobi dad kaga soo qaatay taas oo ay dhib u mareen . waxaa basaboorka somaliga ah visa ardaynimo ku heli kara ardayda somaliyeed oo joga wadama carabta taas oo ay u sahlayso in ay wadama ay degan yihiin ay kaga haystaan ciqaamado (deganaansho) iyo waliba iyaga oo waxbarshada ka dhamaystay wadamaadaas .
 

2. Admission (ama ogolaansho jamacadeed)

Admission ka waxaad ka helaysaa Jamacada aad rabto inaad wax ka barato. Admission macnehiisu waa inaad ogolaansho ka heshid jamacad in ay kuu ogolaatay madada aad rabo inaad ka bilawdo jamacaadaas. Markaas admissionka waxaa kuu soo saari kara qof jooga India ama meesha ay jamacadu ku taal.

Admissionka ujeedadiisu waxaa weeye in ardaygu uu ku helo visa ardaynimo.
 

3. Visa ardaynimo

Ardayga waxaa waajib ah inuu sito visa ardaynimo hadii uu rabo inuu galo waxbarasho jamacadeed. Hadaba madaama aysan ka jirin safaarado ay India ku leedahay somaliya waxaa ardaydu tagaan wadama deriska ah sida itoobiya oo markay basaboorka itoobiyaan ah qaataan waxay u tagaan safarada India ay ku leedahay Addis ababa si ay visada ardaynimada uga helaan iyaga oo wata admissionkii ay ka heleen jamacada ay rabaan in ay wax ka bartaan , markaas ayaa safarada India ay ku leedahay ay siisaa Visada ardaynimada.
 

4. Shahaadada dugsiga sare

Ardayga somaliya ku soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sare waxaa wanaagsan inuu waydiiyo qofka u soo saaraya admissionka shahaadada looga baahan yahay. Waayo somaliya shahaado dawladi bixiso oo muctarif ah ma jirto sidaa daraadeed waxaa wadanka India laga xaraystaa oo lagu helaa admissions ka shahaado ka duwan kuwa ay wataan.

Taas macneheedu maaha in la diidayo ardayga shahaadada uu sito ee waxaa la eegayaa danta guud oo ardayda somaliyeed waayo arday kasta haduu la yimaado shahaada ka duwan tan kale waxaa hubaal ah in ardayda somaliyeed ay wayaan fursadii waxbarasho.

 

Liibaan  Maxamed  X. Cali  

Hyderabad                 India

 

Tajmahal

 

webmaster@ceegaag.com