Ceegaag Online

Ceegaag news

 

Somali links

RadioLaascaanood1
Realnugaal
Allpuntland
CBC news
CBS news
CNN news
Africa newspaper
Aljazeera
alldarwiish
allmudug.com
allpudhtland
allsanaag
aminarts
baraawepost.com
bashaal.com
buuloburde
dayniile.com
Xuddun news
hawdiyonugal.com
hornafrik
horseediidnet
idaacada SBC
kalabaydh.com
laascaanod.com
markacadeey.net
onkod.net
radio shabelle
Radio widhwidh.com
Radiossc.net
RadioWarsan
riinji.com
somaliland.net
waagacusub.com
wabishabeele
www.xargaga.com

 

shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

                           

 

Caleemo-saarkii Garaadka

Axmed F. Cali “Idaajaa”

Hordhac:

 “Qaab-dhismeedka bulshada Soomaalidu, markii qoyska laga yimaado, wuxuu ku salaysan yahay tolka oo isna u sii qaybsama jilibbo iyo lafo. Kolkii uu qaab-dhismeedkaasi qun isu taageyna, waxa uu tol waliba yeeshay nin u madax ah oo wax u guddoomiya, guud ahaanna maamulka arrimihiisa looga dambeeyo.

Ma jirto cid, dhab ahaan, u sheegi karta sidii ay ku abuurmeen madaxdii ugu horraysey ee tolalka Soomaaliyeed. Oo weli su’aasha aan jawaabta loo hayni waxay tahay: Ma inta, maalin maalmaha ka mid ah, la shiray ayaa nin la wada oggol yahay farta lagu wada fiiqay, markaasna madaxnimadii loo shuumay? Mase inta la diriray oo la kala adkaaday ayaa, ugu dambaystii, waxaa taladii sandulle kula wareegey dagaalyahan ka tirsan lafaha tolka middood? Waa arrin baaris-cilmiyeed ka sugeysa aqoonyahannada kasmooyinka bulshada iyo buuniyada ku foogan barashada hababka kala-dambaynta ee sinjiyada aadanaha.  

Si kastaba ha ku abuurmee, Soomaalidu waxay leedahay hannaan madaxtooyo oo ay u badan tahay inuu jiritaankeeda la da’ yahay. Taasina waa wax aan iyada keliya ku koobnayne, ay kala mid tahay dadyowga kale ee dunida ku dhaqan, maxaa yeelay goor hore ayay bulshooyinka aadanuhu dareemeen inay noloshoodu sii wacnaan karayso, haddii ay tu’ waliba yeelato madax agaasinkeeda ay ku aamminto, iyadana kala hagta.

Siday u badan yihiin, tolalka waaweyn ee Soomaalida waxa uu mid waliba iskiis u leeyahay nin u madax ah; kaas oo ku abtirsada jilibka ama lafta tolkaas isaga ah ugu curadsan. Waa hannaan, sida boqortooyooyinka lagu yaqaan, dhaxaltooyo ku salaysan oo, geeri ka dib, inanka curadka ahi uu aabbihiis uga haro.

Kolkol aad dhif u ah ayay dhacdaa inanka curadka ah in jagadii uu aabbihiis banneeyey, si ku-meel-gaar ah ama weligeedba, loo weydaarsho; iyada oo sabab looga dhigaayo da’diisa oo yar, fayoobidarro xagga maanka ah, cudur, oogo ahaan, u halakeeyey, iwm. Inanka oo da’ yar haddii odayga dhalay oo madaxda ahi uu geeriyoodo, waxaa badanaa duubka boqortooyo loogu dhiibaa adeerkiis run ah ama, haddii aan adeer jirin, ciddii markaas ugu sokaysa. Dabadeed, kolkii uu qaangaar noqdo, loona filo inuu xilka ku fillaan karo ayaa madal loo dhan yahay lagu shuumaa, guddoonkuna uu uga soo noqdaa, intii uu yaraa, ciddii u haysey.

Madax-dhaqameedyada Soomaalidu waxay kala sitaan magacyo kala duwan oo, in door ah oo ka mid ah, macnaha iyo halka ay ka soo jeedaan aan la qeexi karin, kolka loo eego af-soomaaliga oo ah tolalka ay madaxdaasi u taliyaani afka ay ku wada hadlaan. Waxaa ka mid ah Ugaas, Malaakh, Garaad, Boqor, Wabar, Islaan iyo qaar kale. Tol waliba wuxuu leeyahay madax-dhaqameedkiisa u gaarka ah; kaas oo huwan magac magacyadaas ka mid ah. Ma kala sarreeyaan oo haddii ay goob keliya ku wada kulmaan fadhiga iyo hadalkaba way u siman yihiin. Dhinaca kale, ma laha ku-xigeenno hawlaha guddoonka la qaybsada, in kastoo ku’ walba agihiisa lagu arko dhaxlsuge loo malaynaayo inuu isagu talada uga hari doono maalintii uu geeriyoodo”.

 

London, 3dii Mey, 2006

Arrimahaas ayaan ka fekaraayey intii aan fadhiyey kuraasta socotada loogu talo-galay ee gegida dayuuradaha ee London/Gatwick. Isla iyaga quhooda ayay maskaxdaydu ku hawllanayd markii aan sii tafaayey jaranjarada dayuuraddii ii duulinaysey Afrikada Bari. Runtiina, waxaa la igu oran karaa: halkii aan ku sugnaa iyo arrimahaas maankayga ku wareegaayey way kala fogaayeen, ha yeeshee ma sabab la’ayn. Waxaan u socdaa waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Laascaanood. Martiqaad degdeg igu soo gaarey, degdegna aan u yeelay ayaan haystaa. Garaad cusub (Dhulbahante) ayaa loo ballansan yahay in dhowaan magaaladaas lagu caleemo-saaro, looguna dabbaaldego. Markaas bay qabanqaabiyeyaashu, iyaga oo ku mahadsan, waxay garteen in la igu daro ergooyinka madashaas goobjoogga ka noqon doona. Wuxuu ahaa martiqaad aan u bogey, ina farax-geliyey.

Dadkuse waa kala maan. Waa tii la yiri: hal nin la toosani nin la tuur lehe, garoonka London/Gatwick intii aanan ka ambo-bixin ayaan wacay nin aannu wadey nahay oo ka mid ah Soomaalida Waqooyiga Yurub ku nool. Waxa aan u sheegay ulajeeddada sodcaalkayga iyo meesha aan u socdo. Markaas buu inta qoslay igu yiri: “Saaxiibow, maxaa shaqo la’aan kaa badatay? Ma intaas oo dhul ah ayaad u jaraysaa oday la caleemo-saarayo dartiis?!”. Aamus baan kaga jawaabey, maxaa yeelay waxaa aad u kala fogaa arrintu sidii ay saaxiibkay ugu muuqatey iyo sidii aan anigu u arkaayey.

Xaggayga, waa madal uu joogitaankeedu abdo ii yeelan doonto, maxaa yeelay: marka koowaad, waxaa suuraggal ii noqon doonta in aan, kolkii iigu horraysey, ka qayb-galo madax-dhaqameed Soomaaliyeed  oo xilka hoggaaminta qoladiisa loo shuumaayo. Marka labaad, waxaan arki doonaa qayb ka mid ah hiddihii hore ee Soomaalida oo hortayda laga dhaqan-gelinaayo. Marka saddexaad, taariikhda suugaanta Soomaalida sidaan ka dhex-helay, waxaa jirey maalintaas oo kale siyaabo ay Soomaalidu u weyneyn jirtey. Taas qudheeda waxaa ii suuraggeli doonta inaan wax ka ogaado bal wixii ay waayuhu hiddahaas ka beddaleen iyo wixii ay ku kordhiyeen.

Haddaba, saaxiibow, intaasi miyay tahay wax la fududaysan karo? Jawaabtu waa ‘maya’ siday ila tahay.

* * *

Garoonka intaan joogey, sheekooyinka hareerahayga ka socdey sida iiga dhadhantay, dadka dayuuradda ila raaci doona waxaa ka mid ah Soomaali Ingiriiska qaxootinnimo ku soo gashay, haddase ‘British’ ah; waraaqo ahaan. Waxaa ka dhex-muuqda odayo waayeelay iyo islaamo gaboobey oo uu socodkuba dirqi ku yahay. In kastoo ay guyaal door ah Yurub ku noolaayeen, haddana weli cimilada qaaradda ma qabatimin. Weli waxay ka eed-sheeganayaan qabowga oo bisha Mey aan sidaasba u sii ridneyn. Waayeelkaasi waxay u hilawsan yihiin inay mar kale soo arkaan dhulkii qorraxda lahaa ee ay yiqiinneen, haddii ay toodii ku gashana ay ku dhintaan.

Waxaa iyaguna socotada ka mid ah haween dhallin yar oo qaarna uu raggoodii la socdo, qaarka kalena ay keligood yihiin. Intooda badani waxay gacnaha haystaan carruur ugu dhalatay London iyo magaalooyinka kale ee Boqortooyada Midowdey (UK); kuwaas oo ay u wadaan fasax gaaban oo qaraabo-salaan iyo faanfaanba isugu jira!

* * *

Paris, 3dii Mey 2006

Hawada sare markii ay dayuuraddii ku xasishay ayaan iska furay suunkii bedbaadada. Waxaan dherarayaa inaan barto Jaamac Garaad Cali oo, maalmo ka dib, tolka Dhulbahante inta loo caleemo-saaro Garaad Jaamac loogu yeeri doono. Awel horeba waan u war-hayey, isaga oo Maraykan ka yimid, inaan ku kulmi doonno duullimaadkan aan aniguba ku jiro, mase ahayn, magac guud mooyee, nin aannu isgaranayney. Toyasho gaaban ka dib, waxaan ogaadey inuu fadhiyo kuraasta dayuuradda kuwa ugu dambeeya; halkaas oo intaan ugu tegey aan isku gacan-qaadnay. Waa nin da’ yar oo aan soddonkii wax weyni u dheerayn. Kolkaan ka soo noqdayna, waxaan dareensanaa inuu yahay nin culus oo aan fudaydkii dhallinyarnnimadu ka muuqan, ka dib markaan sii bartayna waxaa ii caddaatay malahaygaasu inuu run ahaa.

* * *

Kursigii aan fadhiyey markaan ku dangiigsadey ayaan dib ugu noqday taariikh-bulshadeedka Soomaalida, gaar ahaanna madax-dhaqameedyadii hore ee tolalku kaalintii ay ku lahaayeen iyo wixii ay hawshoodu ahayd.

Waxaa ii soo baxday inay ahaayeen rag warkooda la maqlo, taladoodana la raaco. Siday u badnaayeen, waxay ahaayeen rag qoor-iyo-xero leh. Rag aan damiirkooda cid kale amaahin oo afkooda iyo uurkoodu aanay kala tagganayn. Rag ay bulshadoodu ku maamuusi jirtey tilmaamihii wanwanaagsanaa ee lagu bartay; kuwaas oo runta iyo dhiirranaantu ay ugu waaweynaayeen. Maantii shiranka la yahay, iyaga ayaa afkooda la dhawri jirey oo talo la mahadiyona keeni jirey, wixii geedka lagu gooyona tolka u guddoomin jirey. Waxay ahayeen rag dadka ay u taliyaan daacad u ah oo meel-marinta danahooda aan waxba dhaafsan. Rag aan sandareerto lagu sabin, maalintii ay xiniinyo-taabad joogtona aan ‘shisheeyaha’ u debcin.

Waxaa madax-dhaqameedka Soomaaliyeed laga fili jirey wixii xaq ah oo dadkiisa tolalka kale kaga maqan inuu, si uu yeeloba, ka soo dhiciyo, wixii lagu sheeganayana uu ka daafaco. Haddii ay lagama-maarmaan noqoto, isaga ayaa go’aanka colaad-qaadashada ku dhawaaqi jirey, ciidanku inta aanu dhaqaaqinna u nabaaddiino-xiri jirey oo inuu Eebbe soo guuleeyo ugu ducayn jirey!

Ugaaska, Garaadka, Suldaanka iyo madax-dhaqameedyadii kale ee la midka ahayd ma ay lahayn ciidammo iyaga u qoran oo ay guddoonkooda ku fuliyaan. Haddaba, su’aashu waxay tahay: sidee bay taladoodu ku meel-mari jirtey? Marka koowaad, inta aanay wax guddoomin waxay kala soo tashan jireen odayada kale ee tolka. Sidaas darteed, waxay u badnayd inay madasha keenaan wax la isku soo raacay, kagana dhawaaqaan. Marka labaad waxaa lagaga dambeeyey haybad gaar ah oo markii la caleemo-saaraba ka soo if-bixi jirtey; taas oo fududayn jirtey in warkooda dhegaha loo raariciyo. Marka saddexaadna waxaa, wadar ahaan, loo rumaysnaa inay leeyihiin karaamo ay ku waxyeellayn karaan kooxdii ama ninkii kolba ku gacan-sayra amaba aflagaaddo u geysta. Waxaa, hidde ahaan, lagu tiriyaa dhawr kooxood oo bulshada Soomaalida ka tilmaaman; kuwaas oo habaarkooda iyo dhaawashadoodaba laga baqi jirey sida waalidka, wadaadka, ilmiriglaha (nin col baqday lagala haray), Yibirka, daan-ku-qalinlaha (ardayga Quraanka barta) iyo qaar kale.

* * *

Hiddaha Soomaalidii hore sidii aan ugu maqnaa ayaan ku baraarugey dayuuraddii oo cago-dhiganaysa gegida ku magacaaban Charles De Gaulle ee ku taal duleeddada Caasimadda Ilayska; Baariis (Paris). Waa magaalo qurux badan oo magaceeda lala xusuusto ilbaxnimo, falsafadaha casriga ah, suugaan, hababka dhar-xirashada wacan, fanka kariska cuntada macaan, cadar-samaynta iyo wax walba oo ay nafta aadanuhu u beer-raqdo.

Maxayse iigu taallaa haddii aanu danjirihii joogin? Muxuu milicsigeedu i tarayaa, haddii iilka la dhigay Maxamad Siciid Samatar; diblomaasigii aan sannadaha badan ugu iman jirey ee qaybaheeda taariikhiga ah i kala baray? Sow inaan dhex-mushaaxaa iima beelin haddii aanu ‘Gacaliye’ igu sugeyn rugta tareennada ee Gare de Lyon? Isaga oo i xifaalaynaya haddii aanu i daawisiineyn Tour Eiffel, Quarter Latin (Xaafadda Laatiinka), waddada Champs-Elysees iyo makhaayadaha yaryar ee dhinacyadeeda sariiran, Boulevard de la Bastille, kaniisadda Notre Dame, Arc de Triomphe (Qaansada Guusha), Chateau de Versailles, daamaha webiga Seine iyo goobaha kale ee wax-ka-soo-qaadka leh, dalxiiseyaashuna ay magaalada ku jecel yihiin?!

* * *

Waxba yaanan nin-doorkii tegey garwaaqsane, aan ku noqdo sodcaalkaygii oo aan iraahdo : Mar labaad ayay dayuuraddii hawada nala gashay ; iyada oo afka saartay Afrikada Bari iyo halkii ay awelba u rarnayd. Waxaa nagu soo kordhay uun askar Faransiis ah oo, markuu fasaxii u dhammaaday, ku noqonaysa Jabbuuti iyo xeryaha ay, mindhaa, ku leeyihiin.

Markii iigu horraysey ayaan isweyddiiyey : Oo, tolow, dayuuraddan yaa iska leh ? Tigidkayga iyo wixii ku dhignaa ayaan dib u fiiriyey. Waxa uu Mukhtaar ka soo gooyey shirkadda Daalo (ma aqaan sababta ay Daallo ugu qoraane?), ha yeeshee, sida la ii sheegay, iyadu dayuurado ma laha. Waa shirkad ay samaysteen saamiileyaal Soomaaliyeed ; ka dib markay meesha ka baxday shirkaddii Somali Arilines oo dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay ay lahayd. Daalo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba way ka hawl-gashaa. Waxay Yurub ka uruurisaa Soomaalida dalkooda dib ugu dhoofaysa, markaas bay shirkadaha dunida ka jira dayuurado ka kireysataa ; halkaas oo ay faa’iido ka soo gasho.

Markaan eegay qoraallada xayeysiinta ah ee gudaha dayuuradda ku xardhan ayaan ogaadey inay leedahay shirkad aan dhab loo aqoon oo la yiraahdo Astraeus, dalka Ingiriiskana laga leeyahay.

Cid kastaa ha soo kireysato, cid kastaase ha lahaatee, waxaan ka mashiiqsannay cashadii weelasha balaastigga ah ku jirtey ee, cabbaar ka dib, ay shaqaalaha dayuuraddu noo qaybiyeen. Ilaahay maraggii, tiro iyo tayoba, waxay ahayd hafaryo. Waxaa loo kala bayri waayey inay ahayd casho aan sina ugu dhigmi karin dhererka saacadaha sodcaalka (8 saacadood !); casho la wada qawadey oo, gaajo iyo oon toona, aan waxba nooga tarin!

Dhaqdhaqaaqii shaqaalaha dayuuradduu kolkuu yaraaday ee ay ururiyeen maacuuntii ay cashada ku qaybiyeen ayuu qof waliba isku deyey inuu halkiisa seexdo amaba ku nasto. Anigase, muddo aan hal saac ka yarayn, ayay taasi suuraggal ii noqon weydey.

Waxaan damcay badhankii loogu talo-galay inta aan hoos u riixo in aan kursigayga gadaal u fidsado, si aan hurdo isaga doondoono. Waxaase tallaabadaas iska kay hortaagey nin socotada ka mid ahaa oo fadhiyey kursigii kayga ka dambeeyey. Wuxuu, isaga oo dhirifsan, iga codsaday inaan kursigayga qun ugu fadhiyo, si uu isagu ugu seexdo kii uu xaqa u lahaa iyo mid bannaan oo xigey, sidii sariireedna uu isugu kala bixiyey! Waxaan ku iri : «Saaxiibow, aniga iyo adiguba, innaga oo labadeenna kursi isticmaalaynna ayaynu seexan karaynaa». Hadalkaygii isaga oo aan garowsanayn ayuu yiri: «Haddii aad kursigaaga soo fidisid meesha ayaa ciriiri igu noqonaysa, sidaas darteed sidii uu ahaa ku celi ».

Waxaan isku deyey inaan sheekada kaftan u rogo, markaas baan ku iri : «Ninyahow, waad iga gardaran tahay, waxaana muuqata in aadan wax badan dayuurado raacin! Kuraasta dayuuraddu sariiro ma aha, waxaana loo farsameeyey sida ay yihiin inuu qof waliba ugu nasto.». Waaba ka daray! Intuu fariistay ayuu isku deyey, si xoog ah, inuu kursigaygii u soo toosiyo, taas oo u suuraggeli weydey. Mar saddexaad ayuu i abhiyey, anna waan ka diidey. Kolkii dambe ayaan ku iri : « Ninyahow, aniga iyo adigu, kolka, ismari weynaye, maxaynu yeelnaa?». Wuxuu yiri : « Hablaha dayuuradda ka shaqaynaya inoogu wac ». Waxaan iri: «Habluhu inay yimaadaan mooyee, annagu ma heshiin karayno miyaa ? ». Markaas buu ku jawaabey: «Maya, maxaa yeelay sida iiga kaa muuqata waxaad tahay nin madax adag!». Waxaan iri:«Waa tahaye, garta sidii ay kolba habluhu ku gooyaan ma ku go’daa?». Wuxuu yiri : «Haa». 

Iyada oo ay iga go’an tahay in aan taladiisa yeelo ayaan, haddana, eray kaftan ah ku tuuray. Waxaan ku iri: «Ninyahow, sida aan dareensanahay, adiga oo aan Xamar soo marin ayaad, burburkii ka dib, Yurub soo gashay! Lillaahi, runtay ma tahay ?!». Si kale kuma garatide intuu umlay ayuu karay! Wuxuu dibedda soo dhigay indho cascas oo aan u filay inay dhiig qabaan! Dabadeedna intuu hagaag ii soo dhawray ayuu yiri: «War Xamar oo dhan qaadee, kursiga ma iga durkinaysaa, mase maya!».

Inta aan wax xil lihi dhicin, sow inaan arrinta soo af-jaro talo iilama ekaan? Badhan korkayga ku yaal oo shaqaalaha dayuuradda loogu wacdo ayaan riixay. Wax yar ka dibna waxaa i soo dul-joogsatey haweeney da’-dhexad ah. Waxaan u sheegay aniga iyo ninka iga dambeeyaa waxa aannu isku hayno. Markaas bay si degdeg ah waxay isagii ugu sheegtay inaan xaq u leeyahay kursigyga inaan gadaal u fidsado, kuna nasto. Iyo inuu isaguna sidaas xaq u leeyahay. Hadal kama dambeyn, gartiina aniga ayaa helay.

Sheekadaasi halkaas ayay ku dhammaatay, waxaase habeenkii oo dhan maankayga ku wareegaysey su’aasha ah: Khilaafkeedu heerkii uu doonaba ha joogee, si ay uga heshiiso, Soomaalidu ma waxay ku qasban tahay inuu shisheeye soo dhex-galo? Haddii ay jawaabtu ‘haa’ tahay, waa nasiibdarro iyo hoog iyo ba’!  

 

Jabbuuti, 4tii-7dii Mey, 2006

Sidii noo qorshaysnayd, aroornimada 4tii Mey, 2006da ayaannu Jabbuuti tagnay. Waxaan filaayey dhismaha gegida dayuuradaha inta aan joogo inaan ololi doono; kulaylka iyo hawada qoyan aawadood. Mase dhicin oo, sidii aan ku ogaa, meeshu way ka beddalan tahay. Hadda waa qabow, waxaana, sida la ii sheegay, ugu wacan shirkad Carbeed oo Dabey laga leeyahay, indhowaalena iyadu gacanta ku haysey maamulka dekedda magaalada iyo gegida dayuuradaha labadaba.

Maalmihii dhawrka ahaa ee aannu Jabbuuti wada joogney ayaa waxaa ii suuraggashay inaan Garaadka dhallinta yar la sheekaysto. Wuxuu ka mid ahaa, qaranjabka ka dib, Soomaalidii Waqooyiga Ameerika u qaxday. Intii uu dhulkaas ku maqnaana, wuxuu ku foognaa dhismaha shakhsigiisa iyo danaha qoyskiisa.  Siduu ii sheegay, waxa uu xoogga saaray waxbarashada, taas baana geyeysiisey inuu ka fogaado magaalooyinka iyo gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay. Meel gooyo ah intuu degey ayuu u jeestey inuu wax raandhiis leh ku hawshoodo.

Wuxuu iigu muuqday nin xishood badan oo qofka uu la sheekaysanayo indhaha ka dadba. Intii aan la joogey marna ma aan arag ruux salaan ugu yimid oo uu fadhiga ku gacan-qaadayo. Kol walba wuxuu ila ahaa nin diyaar u ah inuu dhegeysto dadka ka da’da weyn, waxna uu ka barto. Xilkan culus ee uu dhowaanta dusha u ridan doono waa nin durbaba aad u dareensan, wejigiisana laga akhrisan karo. Berrito yeelkeede, maantaas waxaa foolkiisa ku dhignayd inuu yahay nin caleemo-saarkan loogu yeeray dhab uga walaacsan. Aniguna sidii aan is-iri, waxay arrintuba ka joogtey: ‘Ma car baa dhamis leh, ma caanaa qubis leh!’.

Dhawrkaas cisho ee aannu meesha wada degganayn ayaan isla soo qaadnay, inta la xusuusan yahay, heerarkii afarta ahaa ee madax-dhaqameedyada Soomaalidu ay soo mareen:

1. Heerka koowaadi wuxuu ahaa ka hor Gumeysigii Reer-Yurub iyo kan Xabashiduba intii aanay dalka soo gelin. Wuxuu ahaa xilligii ay madax-dhaqameedyadu ugu awoodda badnaayeen, guddoonkooduna uu si dhab ah geyiga uga hirgeli jirey. Taasna waxaa ugu wacnaa iyada oo aysan jirin awood kale oo talada tolka kula tartamaysey.

2. Heerka labaadi wuxuu bilawday markii uu shisheeyuhu dalka wada qabsaday, markaas oo awooddii madaxda dhaqanku ay aad hoos ugu dhacday. Xilkooda ugu weyn waxa uu Gumeystuhu ka dhigay inay dadweynaha ka xigsadaan, si hawsha maamulka dalku ay isaga ugu fududaato. Waxaa loo diri jirey tolka ay u duuban yihiin inay ka soo uruuriyaan kolba magtii lagu sheego, ganaaxii la saarana ay khasnadda dawladda ku soo hubsadaaan. In badan oo ka mid ah ayaa waxaa lagu qasbi jirey qorshaha Gumeysiga inay wax ka fuliyaan, dadka ay u taliyaanna ka dhaadhiciyaan dantooda iyo midda maamulka shisheeyuhu inay mid yihiin! Dabadeed, intii sidaas oggolaatay waxa ay ka dhacday indhihii dadkooda, waxayna weydey maamuuskii ay bulshada dhexdeeda ku lahayd!

Ha yeeshee, giddi madax-dhaqameedyadu sidaas ma wada ahayn. Qorshihii shisheeyaha hawraarsan lama wada oran. Taariikhdu sida ay ina barayso, waxaa jirey rag hoos-u-dhigidda awooddooda ka madax-adaygay, sidaasna qoodhoodii iyo xeradoodii ku xagsadey. Xataa, waxaa la xusuusan yahay kuwo diidey saraakiishii Gumeysiga ka-fool-ka-fool inay ula kulmaan sida Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye (Garxajis, Ciidaggale), Ugaas Cabdille Cali-xaabbuun (Marreexaan, Reer-Diini), Garaad Jaamac Garaad Cali (Dhulbahante, Bah-Ararsame) iyo kuwo kale oo xusuustayda hadda ka maqan.

Si, haddaba, uu raggaas uga aarsado, awooddoodana uu u wiiqo, waxa uu Gumeysigii ka garab-abuuray qaar kale oo uu caaqillo ku magacaabay, mushaarna uu u qoray.  Siday u badnaayeen, waxay ahaayeen rag aan laaluushka ka siqoon, gartana siiya labada wax isku haysata kolba kii lacagta ugu badan jeebabka ugu shuba!;

3. Heerka saddexaad wxuu la bilawdey xilligii ay Soomaalidu gobannimadeeda heshay ee ay dawladda noqotay, kaas oo laba qaybood laga dhigi karo. Qaybta hore (1960-1969) waxaa dalka ka soo taliyey xukuumado rayad ah oo ay hoggaanka u hayeen raggii xukunka Gumeysigii Reer-Yurub kala wareegey. Qaybtan iyada ah waxba ku dheeraan mayno, maxaa yeelay sidii ay madax-dhaqameedyada ula dhaqm jireeni wax sidaas ah kama ay duwanayn sidii uu Gumeysigu ula dhaqmi jirey.

Waxa aynu, kolka, iftiinka ku daaraynaa xilligan qaybtiisa labaad (1969-1991) oo ah markii dhaawicii ugu cuslaa uu madax-dhaqameedka Soomaalida la soo gudboonaadey. Waa xilligii saraakiisha Ciidammadii Qaranku ay maamulkii dalka xoogga ku qabsadeen, jamhuuriyaddiina u rogeen dawlad Kacaan ah oo, beryihii hore, qorshaheeda gacan bir ah ku fulin jirtey. Haddiiba markii ay taladii dalku gacmahooda ku xasishay ayay ku dhawaaqeen inay dhisayaan dawlad casri ah oo cilmi iyo ilbxnimo ku salaysan, sidaas darteedna aan loo baahnayn dhaqammada gaboobey ee aan qorshahaas la saan-qaadi karayn. Dhaqammadaas ay saraakiishu weerarka ba’an ku qaadeen waxaa ugu horreeyey qabyaaladda oo lagu macneeyey iyada iyo dawladnimo in aanay meel wada geli karin, wadana noolaan karin. Sidaas darteed, waxaa la qaaday ol’olihii la-dagaallanka qabyaaladda; iyada oo lagu xoojiyey sharciyo ka soo hor-jeeda ku-dhaqankeeda iyo dhiirri-gelinteeda.

Markii ay ugu darrayd waxay ahayd 1970kii markii la soo saaray xeer lagu baabbi’inaayo hawlihii madax-dhaqameedyadu ay tolka dhexdiisa ka qaban jireen. Doodda dawladdu waxay ku salaysnayd, marba haddii ay dawlad waddani ahi dalka ka jirto, in aan loo baahnayn iyada iyo muwaaddinka inay cid saddexaadi u dhexayso. Dabadeedna, waxaaba dembi ciqaab lagu muto laga dhigay in carrabka la soo mariyo madaxdii hore ee Soomaalidu magacyadii ay, maamuus ahaanta, u lahaayeen sida Ugaas, Malaakh, Garaad, Islaan, iwm!.

Qiyaasta muddo aan 10 sano ka yarayn (1970-1980) ayay madax-dhaqameedydii Soomaalidu ay gacan-ku-gabbad ahaayeen, sidii loogu taliyeyna ay sandulle ku oggolaadeen. Waxa uu mid waliba la awood noqday xubnaha tolkii uu beri u talin jirey  ilaa la soo gaarey sannadihii ka dambeeyey dagaalkii ay Soomaalidu ku jabtay ee iyada iyo Itoobiya dhex-maray (1977-’78). Jabkaas ayaa xoogaa aqoonsi ah waxa uu u sidey odayadii duubka madaxtinnimo dhulka laga dhigay. Sababtu maxay ahayd? Waa sheeko kale oo aan halkani qaadi karin.

4. Heerka afraadi waa xilligan qaran-jabka oo bilawday 1991kii, welina aynu ku jirno. Tiirarkii dawladnimo oo idil waa tii jirdaha loo siibey, markii jabhado qabiil-qabiil ku dhisani ay dhinaca Itoobiya dalka kaga soo duuleen, dabadeedna ay burburiyeen. Degaanka Benaadir waa tii uu ka qarxay dagaal silloon oo mid ‘sokeeye’ lagu sheegay, hase yeeshee ay sokeeyennimadu ku yarayd, ujeeddo la’aanta iyo anshax-xumaduna ay ku badnaayeen! Booliskii iyo Ciidankii Ummaddu waa tii ay kala firdheen. Waa tii la hooshay hantidii Qaranka iyo tii gaar ahaaneed labadaba. Waa tii ay kala-dambayntii luntay. Hay’adihii bedbaadada muwaaddinku waa tii ay, si degdeg ah, meeshii uga baxeen, waxaana mar qura Soomaaliya lagu arkay bulsho, haba yaraatee, aan inna wax hoggaan ah lahayn!

Hannaankii dawladnimo kolkii la waayey ayaa hoggaanka keliya ee Soomaaliya ku soo haray waxa uu noqday madax-dhaqameedyada tolalka. Meel la joogoba, iyagii ayaa la wada eegay. Waxaa loogu yeeray inay la soo noqdaan awooddii, awel hore, laga xayuubiyey; iyada oo laga filaayo inay joojiyaan colaadaha lagu wada hoobtay, guud ahaanna ay u maareeyaan guuldarrada dalka la soo gudboonaatay.

Taasna, in kastoo odayaashu ay isku dayeen, haddana waxba kama naaso-caddaan. Waxaa iska hor-taagey kooxo hubkii dawladda inta gacanta ku dhigay bulshada inteedii kale ku muquuniyey. Sida la og yahay, waxaa gobol kasta ka soo if-baxay dagaal-ooge magac qabiil huwan oo sheeganaya inuu daafacayo qolada uu u dhashay. Dagaal-ooge aan oggolayn talada reerka inay cid kale la wadaagto oo madax-dhaqameedyada haybta la sheeganaya, ha yeeshee aan wax awood ah u aqoonsanayn.

Meel kastaba dalka ha ka joogee, waxa uu dagaal-ooge waliba gacanta ku dhigay ilihii dhaqaalaha ee ka jirey halka ay qoladiisu degto, markaas baa waxaa u suuraggashay deeq ama dil, kolba tii u sahlanaata, inay qorshahooda ku meel-marsadaan!

Madaxdii dhaqanku candhuuf bay dib u liqeen. Dhallinyaro iyo waayeelba, waxaa laga doortay qabqableyaashii dhiigga dhallinyarada Soomaalida ka tanaaday. Kaalintii ay bulshada ku lahaayeen ayaa waxaa la geeyey halkii ugu hoosaysey ee ay weligeed tagto. Waxaa la oggolaysiiyey arrimaha maamulka dalka inay faraha kala baxaan, una daayaan hooggaamiyeyaasha siyaasadda oo loola jeedo ragga hubaysan. Markaas bay ka badin waayeen qorshe kasta oo dagaal-ooguhu u soo jeediyo inay ku  duceeyaan. Si kale kuma garatide, waxay qaayibeen inay noqdaan tiinbare ay ku dhufsadaan kolba xaashidii ay soo qortaan!

 

Jabbuuti, 8dii Mey, 2006

Abbaaraha 8:30kii subaxnimo mar ay ahayd ayaan ka soo degtey qolkii aan ku lahaa Hoteel Caaliya oo ah Garaadka iyo anigu halkii aannu degganayn. Waxaan u socdaa meesha quraacda martida loogu talo-galay oo ku taal dabaqa dhismaha ugu hooseeya. Haddiiba kulaylkii baa foodda iga leefay, waase filaayey oo meeshu waa Jabbuuti. Intii aanan ku leexan halkii aan u socdey ayaan milicsaday rag sheekaysanaya oo ku dangiiga kuraas la dhigay meel u dhow halka hoteelka lga soo galo. Haddii aan xaggooda u soo dhowaadeyba waxaan ka gartay Dr Cali Khaliif Galaydh oo markaan gacanta u soo taagey isna magacayga iigu yeeray. Waan ogaa inuu imaanayo oo Jabbuuti aannu ku kulmi doonno, iskana raaci doonno; isaga oo Garaadka Laascaanood u gelbinaya. Isla maalintaas ayaan ogaadey inuu yahay qabanqaabiyaha koowaad ee hawlaha caleemo-saarka.

In aan anigu Cali gartaa layaab ma lahayn. Laga soo bilaabo sannadkii 2000 waxa uu ku jirey warbaahinta Soomaalida iyo midda adduunweynaha labadaba; taas baana ugu wacnayd xusuusta wejigiisu inay si fudud maankayga ugu soo noqoto. Waxaase layaab lahayd inuu isagu i garto, maxaa yeelay waxaa isugu kaaya dambaysey bartamihii 1900 iyo siddeetannadii; habeen aan Rooma ku wada cashaynnay, ka dibna wax xiriir ah ma aannu yeelan; toos iyo telefoon toona.

Muddo 3 sano ku-dhowaad ah ayuu Cali wuxuu ahaa ra’iisulwasaaraha Soomaaliya. Haddii dhinac la iska dhigo siyaasadihiisii gudaha dalka oo aanan wax kala socon, waxa uu sameeyey laba arrimood oo aan anigu aad ugu bogey, malahaygana taariikhda si wacan ugu geli doona:

Arrinta hore waxay ahayd inuu inoo soo celiyey qab-wadareedkii ummadda oo qaran-jabkeennii ka dib, si degdeg ah, la inooga baduugay, lagana samirsanaa inuu dib inoogu soo noqdo. Waxaan u soo joogney ciidammada Itoobiya oo dalka gudihiisa ka faltamaya, cid hey-hey oran kartaana aanay jirin. Waxaan aragnay dagaal-oogeyaashii Soomaalida oo haddii ay Xabashidu boqollaal disho iyagu dafiraya, inta aanay iyadu dafirin! Waxaa la qaayibey labadii ‘hoggaamiye’ oo isqabtaaba inay Addis Ababa u kala hormaraan, mid walibana uu saraakiishooda nabadsugidda midka kale ku dacweeyo. Waxaa la inaga dhaadhiciyey labadii gobol, labadii qabiil ama labadii kooxood oo colaadi dhex-marto kolba dhinaca ay Itoobiya la jirtaa inuu gar leeyahay!

Isku soo wada duub oo, sidii aynu Jamhuuriyad u ahayn ayaynu is-aragnay innaga oo Itoobiya la inooga taliyo. Kaftan-dhable dadweynaha dhexdiisa ka hirgalay ayaa wuxuu ahaa: ‘haddii Soomaali-Galbeed ay noqotay kililka 5d, Soomaaliya oo idilna kililka 6d ayay ku dambaysey!’

Innaga oo caynkaas ay niyaddu inooga dhimatay, wixii waxgarad ahaana ay ceeb la hagoogan yihiin ayuu Cali ra’iisulwasaare noqday. Madaxeennii ayuu durbaba kor u qaaday, kolkii uu af buuxa  Itoobiya ku xusuusiyey iyada iyo Soomaaliya inay yihiin laba dal oo deris ah, loona baahan yahay inay sidaas u dhaqanto. Isla markii uu xilka qabtayba, si aanay dagaal-oogeyaashu malayn karayn ayuu Addis Ababa ugu sheegay inay ciidammadeeda kala baxdo gudaha dalka, gaar ahaanna 3da degmo oo Gobolka Gedo ka tirsan, si toos ahna ay iyagu uga hawl-geli jireen. Taasina waxay noqoty tallaabo uu ku guuleystey; markii Reer Buulo-xaawo ay subax soo tooseen oo ay arkeen xeradii askarta Amxaarada oo inta ay xalay ka guureen haawaneysa!

Waayadaas ka dib, in kastoo ay faro-gelintii Xabashidu xoog u soo korodhay, haddana waxay ahayd, guud ahaan, tallaabo Soomaali badani ay qabkeedii lumay ku soo ceshatey. Mar labaad waxay noqotay, ilaa maanta, tallaabo Reer-Gedoodku ay Cali ugu abaal-hayaan. Mar saddexaadna waxay ahayd tallaabo muujisay, aadba xoog yaraatide, waxa ay isku-kalsoonidu qaban karayso!  

Arrinta labaad ee xilligii uu ra’iisulwasaaraha ahaa aan Cali ugu bogey waxay ahayd habkii uu jagada kaga tegey. Sida la xusuusan yahay, ismaandhaaf muddoba socdey ayaa dhex-maray madaxweyne Cabdi-qaasin iyo isaga; kaas oo, garashadayda, ay Baarlamaanku si xun uga gar-naqeen. Yeelkeede, Cali oo hawlo qaran dibedaha ugu maqan ayaa waxaa isu bahaystay madaxweynaha iyo af-hayeenkii Baarlamaanka; kuwaas oo, sida la leeyahay, jeebabka u buuxiyey qaar badan oo hay’adda sharci-dejinta xubno ka ahaa, Xamarna isaga tabaalaysnaa! Isaga oo sidii aan soo sheegay Muqdisho ka maqan oo aan isdaafici karayn ayaa jagadii uu hayey waxaa lagu weysiiyey cod Baarlamaanku qaaday oo natiijadiisa la filaayey.

Sidii ay nagu soo gaadhey si la too ah ayay Calina arrintu ku soo gaadhey, saas oo ay ahaydna wuxuu goostay inuu xil-ka-qaadista yeelo. Waxaa, haddana, geesinnimo ahayd inuu Xamar yimaado, dabadeedna wareejiyo galalkii tirada yaraa ee muddadii gaabnayd ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa gacanta maamulkiisa ku ururay. Waxaan isweyddiiyaa: ‘tolow, galalkaasi hadda meel ay ku dambeeyeen ma la yaqaan?! U malayn mayo.

Si doontaba ha ahaatee, in kastoo si khashiinnimo ah jagadii uu hayey looga qaaday, haddana isagu si ilbaxnimo ku dhan tahay ayuu ku wareejiyey. Taas ayaana muujinaysa inuu nin-dawladeed (statesman) ahaan lahaa, haddii ay kasmo jirto oo ay Soomaalidu deysan lahayd.

 

Laascaanood, 9kii-21kii Mey, 2006

‘Ballan fiid jarmaado arooryo ayuu leeyahay’ waa tii la yiriye, goor hore ayaannu ka hilhilannay hoteelkii. Annaga oo 8 ama 9 qof ah ayaannu ku dhacnay dayuurad yar oo garoonka caalamiga ah ee Jabbuuti diyaar noogu ahayd. 10kii barqannimo ayay noola haaddey Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna Laascaanood oo ah halkii aannu u soconney, dabbaaldegga caleemo-saarkuna uu ka dhici doono.

12kii duhurnimo oo wax yar dhimman hadday ahayd ayaannu ku degney Laascaanood; halkaas oo ilaa saaka aroortii magaalada inteedii badnayd ay ku dhammayd. Waxaa dayuuraddii hareeraha ka soo joogsadey fardo dhawr ah oo soo-dhoweynta Garaadka loogu talo-galay, qaar ka mid ah dhallinyarada degaankuna ay ku joogto. Madax-dhaqameedyadii iyo maamulka Gobolka Sool ayaa iyaguna dayuuraddii hoosteeda isa soo tubay, iyaga oo, si kalgacal leh, u gacan-qaadaya Garaadka, Cali Khaliif iyo intayadii la socotey. Isla markaasna waxa ay ishayadu qabanaysey dadweyne aan boqollaal ku qiyaasay oo sugi la’aa inay Garaadka cusub arkaan, haddii ay u suurowdana ay salaamaan. Meel walba waxaa tubnaa baabuur faro badan oo aanan u malaynayn, tiro intaas le’egi, inay Laascaanood joogi karto. Dhawr ‘Landcruiser’ oo loogu talo-galay inay wafdiga Garaadka qaadaan ayaa, isla markiiba, dayuuraddii la ag-keenay. Markaas bay iyagii iyo fardihii isdhex-galeen, isuna midab-ekaadeen. Waxay ahaayeen laba gaadiid oo laba xilli ku kala abtirsada, ha yeeshee ay waayuhu isku soo simeen!

Intii ay salaanta iyo soo-dhoweyntu socotey ayaan u tegey duuliyihii dayuuradda iyo kaaliyihiisii oo meel gees ah taagan, waxa dhacayana fiirsanaya. Nin Reer-Jabbuuti ah oo shaqaalaha Daalo ka mid ahaa ayaan mar hore dayuuradda gudaheeda waxaan ku weyddiiyey nimanka na wadaa cidda ay yihiin. Markaas buu igu yiri: Waa Ruushan. Waan soo ag-joogsadey, aniga oo ku tashan inaan istijaabiyo oo aan ogaado bal inay wax iiga hareen afkii Ruushanka ee bartamihii 1900 iyo toddobaatannadii aan Moosko ka soo bartay. Markiiba waxaan ogaadey in aan nimanku Ruushan ahayne, ay u dhasheen Armenia oo ah dal ka tirsanaa Jamhuuriyadihii Federaalka ahaa ee loo yiqiin Midowga Soofiyeeti, 1991kiina kala daatay. Labadooda kii duuliyaha ahaa oo, malaha, la ashqaraaray sida layaabka leh ee ay soo-dhoweyntu garoonka uga socoto ayaa waxa uu i weyddiiyey: “Raggii aannu wadney ma waxaa ku jira madaxweynihii Soomaaliya?!” Markaas baan ugu jawaabey: “Maya ee waa Garaadkii…gobolkan aynu hadda nimid Garaadkoodii weeye”. Waan hubaa in aan jawaabtaydu waxba ku kordhin, ha yeeshee, madaxa ayuu ruxay, sidii nin ay wax ku kordhisey!

In kastoo hogadii kaliisha la soo dhaafay, laba-saddex jeerna ay roobabkii gugu da’een, haddana maantaas hawadu kulayl bay ahayd oo, sida ay Soomaalidu tiraahdo, cirka weli kicin baa ku jirey. Dadku saaka aroortii ayuu garoonka yimid. Sidaas darteed, waa la daallanaa, lana harraaddanaa. Dhididka ayaa la sayrayaa. Suudigii la taagnaa ayaa lagu gubtey.

Markaas baa waxaa lagu dhawaaqay in wafdiga Garaadka xagga magaalada loo gelbiyo. Dabadeedna, daqiiqad gudaheed ayaa waxaa ku burburay, ilaa saaka lixdii, nidaamkii la ilaalinaayey. Waxaan iskula hadlay: ‘Malaha Soomaalidu dulqaad uma laha wixii lagu ballamo in ay muddo dheer ilaaliso!’. Baabuurtii goobta la keenay ayaa lagu yaacay. Waa la kala halabsaday. Waa lagu garabootamay. Kolkaas bay talo faro ka haaddey. Nin waliba gaarigii u dhowaa ayuu ‘dalaq’ yiri amaba uu dhinaca qabsaday. Wiilal aad u dhallin yar oo aan cidina soo barin ayaa ku’ walba shukaanta u fadhiya. Eebbe ka sokow, iyaga ayaa magan loo yahay. Waddadii baa cagta la saaray. Booliis wax kala hagaa ma muuqdo. Loo meel-deyi maayo inta kiiloomitir oo babuurka lagu wado, waddada dhinaca uu ka maraayo, sida uu midka dambe u dhaafayo midka ka horreeya, laba waliba inta ay isu jirsanayaan iyo dhammaan xeerarka waddo-marinta gaadiidka ee dunida laga yaqaan. Allow sahal!

Si kastaba ha ahaatee, sidii aan is-iri, karaamadii Garaadka ayaa loo aayey. Isma lahayn xawligii waddada lagu maraayey iyo dhibaatadii ka dhalatay. Baabuur qura ayaa shil galay, waxaana ku dhaawacmay nin maalmihiiba Jabbuuti loola cararay, dabadeedna ku geeriyoodey.

* * *

Halkii nala dejin lahaa ayaa naloo wadaa. Waa Laascaanood oo aad u ballaaratay. Waxaa iigu horreysey 1973kii; iyada oo aad u kooban, waxaana iigu dambaysey 2001dii; iyada oo fidday, hase ahaatee inta ay hadda le’eg tahay si aad ah uga darfo gaaban. Guryo cusub oo, qaran-jabka ka dib, si casri ah loo dhisay ayaa dhinac walba ka muuqanaya. Kuwaas ayaa kordhiyey bilicda iyo baaxadda magaalada, in kastoo intooda badan aan la degganayn. Markiibase waxaa kaaga muuqanaya maqnaanshaha adeegyadii ay xukuumad dhexe ku qaybi lahayd, gaar ahaanna waddo la’aanta. Taasina waa goldaloolo la garan karo oo ay garawshiinyo inooga heli karayso. Maxaa yeelay waxay kala mid tahay magaalooyinka Soomaalida ee wixii burburka ka dambeeyey dib loogu soo noqday, dabadeedna inta sidii la doono loo degey u wada fiday si qaab daran oo aad uga fog habka magaalo-qorshaynta casriga ah (modern town planning).

Waxa ay magaaladu ka abuurantay dhawr buurood dhexdood, xagga galbeedka meel ka xigta oo aan waxba ka fogeynna waxaa ku taal buurta Xargaga loo yaqaan oo ah sheeko-xariirada Soomaalida meel caan ku ah, ayna ku noolaan jirtey dadqalato Dhegdheer! Markii ugu horraysey waxaa unuggeeda lahaa, si joogto ahna u degey ciidammadii gobannimo-u-dirirka ahaa ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Sidaas darteed, waxay ku tirsan tahay dhawr-iyo-afartan meelood oo ay Daraawiishi asaastay, dabadeedna magaaloobey. Meelahaas oo waayadaas ilaa maantadan la deggan yahay waxaa ugu magacyo dheer Qardho, Beledweyne, Garoowe, Wardheer, Ayl, Qorraxey, Gallaaddi iyo degaammo kale oo dalweynaha Soomaaliyeed ku baahsan, gaar ahaanna inta u dhexaysa webiga Shabeelle, Badweynta Hindiya, Maakhir-koos iyo Soomaali-Galbeed.

* * *

Maalintii aannu nimid maalintii xigteyba shaqo culus ayaa bilaabatay. Dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa magaalada oo idil laga dareemay. Qabanqaabadii caleemo-saarka ayaa aad loo gudo-galay. Waxaa halhaleel loo magacaabay guddiyo dhawr ah oo ka kooban odayada iyo dhallinyarada degaanka sida Guddiga Dejinta martida, Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Qoraallada iyo kuwo la mase ah oo loo filay inay lagama-maarmaan u yihiin meelmarinta hawlihii meesha loo fadhiyey. Shirarku habeenkii iyo dharaartiiba kalaggo’ ma lahayn.

Ma anigaa? Dhaqan ahaan, ma ahayn in aniga la igu daro guddiyadaas iyaga ah, sababtuna waa mid uu waayeelku wada garan karo. Soomaalida weli hiddaheedii kama wada lumin. Tolka oo shiran ah haddii uu nin marti ahi soo dul-joogsado, geedka lama fariisiyo. Hadalka la haysto inta la hakiyo ayaa la gudbiyaa. Gabbaad iyo geed kale ayaa la geeyaa oo lagu sooryeeyaa ilaa uu ka ambabbaxayo. Xataa haddii loo oggolaado inuu shirka fariisto, arrimaha laga shirayo sooma dhex-galo, isaguna iskuma dayo inuu talo ka bixiyo.

Sidaas darteed, waxaan go’aansaday, inta laga gaarayo maalinta caleemo-saarka, inaan hawlo kale qabsado. Barqadii markay noqoto, ka dib markaan quraacda Saafi Khaliif calafsado, ayaan bartamaha magaalada u baxaa, iyadoo ay qorraxdu si naxariis daran ay foolka iiga garaacayso. Waxaan fariistaa makhaayadaha yaryar ee shaaha lagu gado, halkaas oo aan kula sheekaysto, waayeel iyo dhallinyaraba, dadka magaalada deggan amaba koytada ku ah.

Waa dad og taariikhda ugu weyn ee ay Soomaalidu ku faani karaysaa inay gobolkooda ka soo if-baxday, dhaqdhaqaaqii Daraawiisheedna ay iyagu cudud iyo gabbaadba u ahaayeen. Waxay ku wada dhaataan inay wax isu galeen duubcaddii gobannimada jeclayd ee guutooyinkii Ingiriiska goomanka u qoyn jirey; mujaahidiintii Sayid Maxamad hoggaamin jirey ee Soomaalida iyo magaceedaba adduunka baray. In kastoo cid xilligaas tabargal ahaydi aysan maanta Hawd iyo Nugaalba ku noolayn, haddana dhacdooyinkii Jahaadku xusuus-wadareedda bulshada waa ka buuxaan.

Sidoo kale, waa degaan uu qof waliba suugaanta jecel yahay. Iyaga oo aan cidina u dhigin, dugsiyana aan u gelin ayay in door ah waxay ka og yihiin waayaha maansada Soomaalida iyo heerarkii ay soo martay. Ruuxa ay dhab u dhegeystaani ma aha siyaasiga, mana aha aqoonyahanka. Halkii la isugu yimaadoba waxa ay si wacan ugu wada dheg-taagayaan kolba ninkii yaqaan maansada raggii hore, goleyaashana ka marin kara. Waxaad maqlaysaa iyaga oo isugu warramaya, ‘hebel wuxuu hayaa gabayadii Sayidka, hebelna kuwii Cali-dhuux, hebel kalena kuwii Ismaaciil Mire’. Taasina waa tilmaan wanaagsan oo ragga gabayadaas hayaa ay dadweynaha kale dheer yihiin, maamuus gaar ahna ay uga helaan.

* * *

Aniga oo degaanka iyo dadkiisaba sidaas u aqaan ayaan, sidaan soo sheegay, maalinba makhaayad fariistaa. Markaas baa la igu soo xoomaa isla goortii la ogaado inaan ahay hebelkii ay muddada dheer magaciisa maqli jireen. Ilyarta ayaa isqabata, dadka intiisa badanna inta kuraasta laga buuxiyo ayay sarejoogga wax ku dhegeysanayeen. Mar walbaba odayada ayaan doocdoociyaa, bal inaan ka helo tix gabay ah oo raggii hore iiga maqan, dhacdo taariikheed oo aan i soo gaarin ama sheeko xiiso leh oo berri-ka-maalin aan Soomaalida u tebiyo; iyada oo qoraal ah. Ilaa xilliga harimada la gaarayo ayay gabayada iyo sheekooyinku ay fagaarahaas ka socdaan.

Inta aan wax doocdoocinayo, anigana waa la i doocdoocinaayey. Wax baa la i weyddiinaayey. Wax baa la ii toosinaayey, waxna waa la igu hanbalyaynaayey. Waxay ahaayeen dad aad ula socda hawlihii suugaaneed ee tan iyo ‘70kii aan ku soo jirey, hadday qoraal tahay iyo hadday barnaamij idaacadeed tahayba. Isku soo wada duub oo, dhalliil iyo ammaaniba ma yarayn.

Waxayse iigu darrayd nin makhaayadda fadhiyey markii uu igu eedeeyey Cali-dhuux iyo maansadiisaba inaan gacan-bidixeeyo, halka Sayidka, Qamaan iyo Ismaaciil Mirena aan ka koolkooliyo! Waxaan u qaatay eed igu culus iyo maag aan geed loogu soo gabban. Anna intaan ka dhiidhiyey ayaan cod la wada maqlayo ku iri: “Ninyahow, run sheegi maysid! Cali-dhuux oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee maansada Soomaalida, sidee baan u gacan-bidixeeyaa? Maxaase in aan hagrado i geyeysiin kara?”. Ninkii i maagay markuu arkay inuu meel xun iga taabtay ayuu igu maslaxay: “Horta Ilaah baa ina lehe, Cali-dhuux waxaa aasay Kacaankii; iyada oo loo arkay inuu kacaan-diid ahaa, maxaa yeelay Ina-Cabdille Xasan ayuu ka soo hor-jeestey. Sidaynu og nahayna, xukuumaddii Kacaanku kacaan-diidka ma jeclayn, haddii xataa uu xilligii Daraawiishta noolaa sida Cali-dhuux!”. Qosol baa lala daatay, aniguna mar hadday eeddii iga wareegtey diyaar uma ahayn cid kale iyo nidaam tegey toona inaan daafaco.

Odayadii aan Laascaanood kula kulmay waxaa iigu waxtar roonaa Cali Cabdi Maxamad Weyd oo dadka degaanku ay ‘Cali Qamar’ ku garan og yihiin. Waa nin aad u haya gabayadii ay tirin jireen raggii hore ee maansada Soomaalida magaca weyn ku lahaa sida Sayid Maxamad, Cali-dhuux, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Axmed-Busur, Samatar Baxnaan, Xaaji Cismaan sharma’arke iyo hal’abuurradii la ayniga ahaa ee ay isku xilliga noolaayeen.

Sidoo kale, wuxuu si wacan wax uga garanayaa taariikh-bulshadeedka degaannada Mudug, Hawd, Nugaal, dhulka Galbeedka ah ee ay Xabashidu gumeysato, Bari iyo Togdheer. Maanso iyo sheekaba waa nin sheegi yaqaan, isaga oo maad iyo minqaxba ku daraya. Sida ay Soomaalidu u badan tahay, waa nin aad ugu kalsoon waxa uu sheegayaa inay 100% hagaagsan yihiin. Sidaaas daraaddeed, ma uu jeclaysanayn inay cid kale qalin-daarto amaba ay wax u toosiso marka gabayada raggii tegey iyo sheekooyinkooda uu marinaayo! Dhawr cisho ayaannu isku keliyeysanney, markii aan London ku laabtayna waxaan sitey cajalad 90 daqiiqo ah oo maansadii hore uu Cali Qamar iiga buuxiyey, taas oo uu Cali-dhuux u badnaa.

* * *

Weli hawshii caleemo-saarka oo mugga gebaggebo ah ayaa lagu jiraa. Ergooyinkii la marti-qaaday ayaa iska soo dabo-dhacaya oo magaalada soo buuxiyey. In yar mooyee, madax-dhaqameedyadii Soomaalida ayaa Gobolka Sool caawa ku wada urursan. Waxay u qaybsanaayeen qaar dayuurado lagaga soo qaaday gobollada fogfog sida Jubbada Hoose, Bay, Bakool iyo Benaaddir iyo qaar ka soo galay gobollada Nugaal, Bari, Togdheer iyo Waqooyi-galbeed oo iyagu baabuur ku yimid. Madax-dhaqameed waliba wuxuu wataa ergo dhawr qof ka kooban oo hareeraha ka socota. Hoteelladii ayaa buux-dhaafay. Aqalladii loo banneeyey ayaa ku yaraaday.

Sidoo kale, waxaa iyaguna magaalada soo gaarey ergooyin ka kala socda maamullada Garoowe iyo Hargeysa oo aan jacayl badani dhex-ool! Sida la og yahay, muddo aan sidaas u sii fogeyn ayaa labadaas maamul waxay u dagaallameen lahaanshaha Gobolka Sool iyo xaruntiisa Laascaanood. Dagaalkaas isaga ahi ma noqon mid lagu kala adkaaday, in kastoo ciidammadii Reer Hargeysa ay weli fadhiyaan tuulada Adhi-caddeeye oo xagga galbeedka magaalada kaga toosan, qiyaastiina u jirta wax aan 30 kiiloomitir dhammayn.

Dhinaca kale, madax-dhaqameedyada Nugaal iyo Bari ka sokow, waxaa intii saddex aqoolood ah magaalada ku sugnaa ergo ‘rasmi’ ah oo ka socotey maamulka Garoowe; kaas oo isu haysta in madasha iyo degaankaba isaga marti loogu yahay. Iyagana waxaa hoggaaminaayey maamulkaas isaga ah madaxda ugu sarraysa, kuwaas oo watey  baabuurta dagaalka ee loo yaqaan ‘teknikada’ iyo ilaalo aad u hubaysan.

Dr Cali Khaliif iyo waxgaradkii kale ee qabanqaabada caleemo-saarka aanada u ahaa waxay ku taamayeen hawsha oo idili inay hab-dhaqameed ku dhammaato. Waxay ku dedaalayeen inay xasil iyo xasarad la’aan ku bilaabato, kuna idlaato. Iyaga oo u dhuun-daloola khilaafka siyaasadeed ee degaanka ka aloosan ayay mar walba waxay dadka xusuusinayeen, inta ay hawshani socoto, inaan bawdo-qaawin iyo xiniinyo-taabad toona loo baahnayn. Ma ay doonayn inay noqoto madal murammada maamullada ka dhex-taagani ay ka soo if-baxaan; taas oo, haddii ay dhacdo, magac-xumo ku noqon karta tolka iyo maqalladiisa.

Sababahaas dartood, shalay iyo maanta oo bisha Mey ay 21 tahay, walaacu ma yarayn. Salaad walba dabadeeda, ducada ayaa la dareerinayaa. Waxaa Eebbe laga baryayaa inay noqoto munaasabad, iyada oo la wada nabdoon yahay, berri lagu soo kala dareero. Runtii, wadnaha ayaa farta lagu wada hayaa, maxaa yeelay waxaa laga wada dheregsan yahay nidaam li’ida Soomaaliya ka jirta iyo waxa ay dhali karto. Maanta iyo dhulka Soomaalida markii loo fiirsado, ammaanku ma aha wax lagu tashan karo. Waxaa dhici karta qorshe hagaagsan oo hal sano iyo ka badan uu waayeelku soo wadey in, maalintii laga miro-dhalin lahaa, wiil yar oo iska talo-xumooday uu ka dhigo hal bacad lagu lisay! Allow sahal.

 

Laascaanood, 22kii Mey, 2006

Waa 22kii Mey. Intayadii iska war-haysey, nabad baannu xalay ku seexannay, saakana dhaaddanaan baannu la soo toosnay. Waa san ayuu Eebbe noo beriiyey. Waa maalintii loo ballansanaa. Cid waliba goortii ay toosi jirtey ka hor ayay gogoshii ka jafjafatay. Ninkii goobta dabbaaldegga hawl ku lahaa wuu kallahay. Kii marti ahaana wuxuu la soo baxay hu’gii uu ku talo-galay inuu ku shir-tago. Wuxuu sugayaa cid guddiyada qabanqaabada ka tirsan oo xalayto loo ballamiyey, madashana u kaxayn doonta. Siyaasadda gobolkuba ha u badnaatee, runtii way jiraan waxyaabo dadka degaanku ay isku khilaafsan yihiin, tanise waa arrin la wada oggol yahay oo inay wanaag ku dhammaato uu qof waliba doonaayo. Waa munaasabad, si kal iyo laab ah, ay u soo wada dhoweynayaan oo, siday Ciiddii Arrafo tahay, ay dadweynuhu isugu hanbalyaynayaan!  

Hadda waa 9:00kii iyo hodhodho’. Waxaan u xirxiran nahay togga Geedo-qarsey oo ku yaal dhinaca bari ee magaalada, ahna goobta saaka Garaadka lagu caleemo-saari doono. Waxaan isku lug nahay koox Jabbuuti iska soo raacday oo Garaadka iyo Cali Khaliif ay hormuud u ahaayeen, markii dambena isu aqoonsatay inay tahay ergo ergooyinka kale iska xigta! Aniga iyo kooxdaydiiba waxaa nalagu sharfay baabuurkii uu Garaadku saarnaa in nalagu qaado, barxadda caleemo-saarkana nalagu geeyo.

Cabbaar yar haddii uu gaarigii socdeyba waxaa naga dabo-yimid tobaneeyo faras oo dhallinyaro taaggood fuuli taqaani ay ku joogto. Iyaga oo kadlaynaya ayay hareeraha naga galeen. Waxay gelbinayaan Garaadka; taasina waa wax dhaqankii hore ee Soomaalida ka soo jeeda, gaar ahaan markaynu joogno Nugaal oo weligeedba ahayd geyi fardaha wanaagsan lagu kuunyi jirey.

Nasiibdarro, neefafka fardaha ah iyo dhallinyarada ku joogtaaba ma dhaqaalaysna. Labaduba ma dhaaddana. Intaan muraayaddii daaqadda iska dejiyey ayaan wiilashii midkood sheeko la furay. Dulucdu waxay ahayd in aan u ogaado, fuullaanka ha joogtee, hiddihii hore ee fardaha bal wax ay ka hayaan. Waxaan ku iri: “Adeer, faraskaaga magacii?”. Wuxuu yiri: “Magac ma leh!”. Waan yaabay, maxaa yeelay taariikhda laguma sheegin faras ama geenyo Soomaaliyeed oo aan magac lahayn. Sidii geela, lo’da iyo arigaba ay magacyo gaar ah ugu bixin jireeen ayay fardahana magacyo ugu bixin jireen, weliba aan koolkoolini ka maqnayn. Waxaan weyddiiyey su’aal labaad oo ahayd: “Ma taqaan sengaha aad fuushan tahay geenyadii iyo faraskii iska dhalay?”. Isaga oo aad mooddo inay su’aashu la gurracan tahay ayuu inta muusooday iigu jawaabey: “Garan maayo, adeer! Oo maxaa i baray?”. Kama harine, kol saddexaad ayaan ku iri: “ Marmar intaad wan u qasho, faraska ma ka subag-siisaa?”. Markanna intuu dhab u qoslay ayuu yiri: “Adeer neefka anigu ma lihi!”. Dabadeedna intuu faraskii cagta u rogey ayuu naga hormaray, si sheekada iyo su’aaluhuba ay u soo af-jarmaan!

Maanta oo kale waxay ahaan jirtey fardaha dushooda in laga geeraaro; iyada oo la ammaanayo Garaadka, loona muujinaayo sida daacadda loogu yahay ee taladiisa loo okobban yahay. Waxay ahaan jirtey fardaha inta la soo kiciyo in la hojiyo goobta uu fadhiyo, dabadeedna, iyada oo busku cirka isku shareeray in fardooleyda oo idili ay iskummar ku dhawaaqaan: ‘Garaad mood! Jir oo joog!’.

Waxaase ii soo baxday maanta in aanay shalay ahayn, fardaha iyo wiilasha ku joogaana aanay ehel isu ahayn!  

* * *

Cabbaar haddaan ku maqnaa fardaha iyo Soomaalidii hore ayaan mar keliya waxaan ku war-helay baabuurkii oo joogsadey iyo Garaadkii oo inta hareeraha laga galay ay rag loo qaybiyey u wadaan halkii loogu talo-galay. Buuq iyo isriixriix ayaa xoog u bilawday. Labadii wada timidba way kala habawday. Waxaannu dhexda u galnay mawjado dad ah oo kadinkii madasha laga geli lahaa isku wada kakabinaya. Waxaa foodda isla galay waardiyihii ammaanka madaxda loo saantay iyo raggii ku dedaalaayey inay xoog kaga gudbaan, si ay u helaan kursi meel hoos leh yaal. Tan iyo waabberigii nidaamkii la ilaalinaayey ayaa hal mar ah burburay. Taasina, sidaan isleeyahay, waxay salka ku haysaa Soomaalida oo ku tilmaaman ummad dulqaadkeedu kooban yahay, wax lagu ballamayna aan muddo dheer ilaalin karin.

Yeelkeede, sidaan soo sheegay, goobtu waa tii saaka lagu ballansanaa. Waa bartamaha togga Geedo-qarsey oo geedaha darayga ahi ay si hagar la’aan ah uga baxeen. Cagta dadka iyo shaagga baabuurta midkoodna habaas yar kicin maayo. Waa goob deggan oo toddobaadkii na dhaafay inta roob helay uu ciiddii aad u nabay. Teendhooyin la isku xirxiray ayaa si wacan la isugu dhisay, kuwaas oo ay goor hore soo buuxiyeen Reer-Laascaanood oo soo kallahay iyo martidii timid oo aan qudheedu tiro yarayn. Dhallinyarada darayda fuushan, ragga iyo dumarka taagtaagan iyo madaxda sare mooyee, inta soo hadhay waxay ku fadhidaa kuraasta, badanaa, cadcad ee caagga laga sameeyo, markii Galbeedka dunida la joogona qoysaska fasaxyada u baxaa ay xeebaha u qaataan, fudaydkooda awgiis.

Wax badani kama soo wareegin hawshii la isugu yimid kolkii la gudo-galay. Maanta oo kale halkii wax laga bilaabi jirey ayaa laga bilaabay. Garaadkii ayaa lagu shubay caanihii geela oo ah Soomaalida raacatada ahi wax ay jidiinka mariso waxa ay ugu jeceshahay. Waa astaanta barwaaqada iyo hodontooyada, aroos walba marka la hooyona waxay ugu ducayn jireen wiil iyo caano. Waa tadcaar, dhan ay joogaanba, ay tolalka Soomaalidu ka siman yihiin, rajaduna waxay tahay in xilliga madax-dhaqameedka cusubi uu noqdo xilli uu tolkiis wada mahadiyo, taladiisana ay ku wada liibaanaan.

Caanihii kolkii lagu shubay, sacabka iyo orkuna ay toggii gilgileen ayaa waxaa Garaadkii loo kaxeeyey aqal-Soomaali goobta horay looga dhisay, si uu dharka caanaha leh isaga soo beddalo. Waxaa la ii sheegay aqalkaba in loo dhisay ujeeddadaas oo keliya! Wax yar ka dibna halkii loogu talo-galay ayuu ku soo noqday, isaga oo qaba dhar hidde oo cusub, kii saaka uu ku soo shirayna aan ahayn. Haddana waxaa, isaga oo dharkii hiddaha xiran, isna dhinaciisa fariistay Cali Khaliif oo, in kastoo ay ka horba caddayd, ay maantaasna sii caddaatay inuu boqor-tiirshe yahay.   

Dabadeed, waxaa bilawday qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada kale ee tolka martida loo yahay khudbadihii ay ku soo dhoweynayeen Garaadka cusub. Sidoo kale, ergooyinkii la casuumay raggii hoggaaminaayey ayaa iyagana loogu yeeray inay goobta erayo ka jeediyaan. Taana way yeeleen; iyaga oo marna Garaadka u hanbalyaynaya, marna talooyin siinaaya. Haddiiba madashii ayaa waxay xasishay markii ay khudbaduhu bilawdeen, qof walibana waxa uu u dheg-taagayey hebel oo reer-hebel ka socdaayi waxa uu oran doono.

* * *

Ugu dambaystii, waxaa mikrafoonka lagu soo dhoweeyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo  daqiiqado ka hor la caleemo-saaray. Waa madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo la boqro kii u dambeeyey, malahaygana waa kii ugu da’ yaraa. Waa 34-jir!

Wuxuu yeelay aabbihiis iyo awowgiis wax aanay yeelin waagii la caleemo-saarayey: waraaq dheer oo wixii uu oran lahaa ay ugu qoran yihiin ayuu jeebka kala soo baxay! Sidii madaxweyne la dhaariyey oo siyaasadihiisa mustaqbalka qeexaya ayuu daaha ka qaaday waxa uu ka damacsan yahay maamulka tolka boqraday, sida ay la tahay in tolalka ay deriska yihiin loola dhaqmo, xoojinta nabadda iyo, guud ahaan, arrimaha horumarka bulshadiisa ku saabsan.

Dhinaca kale, wuxuu si tiiraanyo ka muuqato kaga hadlay siyaasadda murugsan ee Soomaaliyeed. Ballan ayuu ku qaaday, intii karaankiis ah, inuu ku dedaali doono sidii ay Jamhuuriyaddu uga soo kaban lahayd qaran-jabka ku dhacay iyo sidii ay midnimadeedii  ku soo ceshan lahayd. Sacab aan kala-joogsi lahayn ayaa u dhacay markii uu sheegay in, timaaddada, uu magaalada Laascaanood ku shirin doono dhammaan madax-dhaqameedyada Soomaalida. Wuxuu ahaa go’aan loogu wada bogey iyo tallaabo ragga dhiggiis ahi aanay weligood ku dhaqaaqin, kuna fekerin.

Garaadka cusubi ma uu illoobin inuu madax u noqday, siyaasad ahaan, degaan iyo dad kala qaybsan. Iskama uu dhego-tirin in loo shuumay gobol ay laba maamul isku haystaan oo mid waliba sheeganaayo inuu isaga ka mid yahay. Taas isaga oo dareensan, ogna in mawqifkiisa la male’awaalayo ayuu af buuxa ku sheegay Gobolka Sool iyo Buuhoodle inay qayb ka yihiin maamulka ay Garoowe xarunta u tahay ee ‘Puntland' loo yaqaan. Waxaa hubaal ah inuu hadalkaasi farax-geliyey jeneraalka maamulkaas madaxda ka ah iyo ergadii xoogganayd ee dabbaaldegga iyo caleemo-saarka kala soo qayb-gashay. Sidoo kale, waxaa iyaduna hubaal ah inuu kaga caraysiiyey rag iyaguna maantaas togga wax ka joogey oo isla Sool iyo Hawd u dhashay, ha yeeshee u xagliya dhinaca Hargeysa ama maamulka ka jira hay’adihiisa ka tirsan.

Gebaggabadii khudbaddiisa wuxuu Garaadku si la wada jeclaystay uga soo dhalaalay hawlihii loo caleemo-saaray middood. Wuu duceeyey. ‘Aammiinta’ ayaa isu baxday markii uu u duceeyey tolka boqraday iyo markii uu Soomaalida dhammaanba u rajeeyey inay degdeg u yeelato dawlad midaysa oo cadawga ka rawda, danaheedana u kacda. Iyada oo isaga loo wada ducaynayo ayaa barqo dambe toggii laga  dareeray, qof walibana uu ku noqday halkii uu magaalada ka degganaa.

* * *

Duhurkii mar ay tahay oo qado munaasabadda loogu talo-galay la sugaayo ayaa nin i garab-fadhiyey wuxuu igala sheekaystay habkii ay saaka wax u dhaceen. Sidii baaxadda lahayd ee looga soo qayb-galay ayaannu la yaabnay. Waxaannu isla helnay tan oo kale in aan weli loo soo joogin, taariikhda Soomaalidana aan lagu werin intaas oo dad ahi madax-dhaqameed ay caleemo-saarkiisa u soo sodcaashay. Sidoo kale, waxaan isku raacnay inay ahayd xaflad si qurux badan loo soo abaabuley, Ugu dambaystiina, Eebbe ayaannu uga mahad-naqnay shil la’aantii ay ku dhammaatay.

Annaga oo markaas qadadii ka faro-xalannay ayuu ninkii wuxuu mar kale igu soo celiyey togga Geedo-qarsey wixii saaka ka dhacay. Mooggan waxaannu faallaynay khudbadihii ay madaxda ergooyinku soo jeediyeen, annaga oo hebello u bogeyna, hebello kalena aan darraabayno.

In yar haddaannu kala aamusnayn ayuu igu soo tuuray su’aal ahayd: “See kula ahayd khudbaddii Garaadku?”. Aniga oo aan meel fogba ka doonin ayaan ugu jawaabey: “Aad bay iila wacnayd”. Markaas buu yiri: “Anigaba, guud ahaan, way ila fiicnayd, waxaase la rabey arrimaha siyaasadda inaanu soo qaadin, kana fogaado!”. Waxaan iri: “Oo sababtuna maxay tahay?”. Wuxuu yiri: “Marba haddii uu Garaad yahay, dadka uu u arrimiyaana ay kala qaybsan yihiin, waxaa habboon intuu siyaasadda faraha ka qaado inuu ku ekaado arrimaha dhaqanka”. “Maxaad u diri lahayd?” ayaan weyddiiyey. “Wixii guurtida iyo odayaasha tolku ay soo gooyaan inuu u guddoomiyo, kuna duceeyo” ayuu si fudud ugu jawaabey!

Halkaas bay sheekadaasi nooga go’day, waxaase daymo u baahan waayadan dambe sababta hawsha madax-dhaqameedyada loogu koobay inay ku duceeyaan uun go’aanno hortii hore aanay wax ka ogeyn, odayo kalena ay soo gooyeen. Ninkii aannu qadada ku sheekaysannay iyo inta la da’da ahiba waa gartood. Waxay ku indho-dillaacsadeen madax-dhaqameedyadii Soomaaliya oo si tartiib-tartiib ah awoodihii ay lahaayeen looga xayuubinaayo. Waxay soo arkeen xukuumadihii dalka soo maray oo madax-dhaqameedkii tolka aan wax maamuus ah u haynin, iyaga iyo dadkii ay u talin jireenna la simay. Waxay ku barbaareen magacyadii ahaa Garaad, Boqor, Suldaan, Imaam iyo kuwii la midka ahaa iyada oo buugga dawladda laga tirtiray, odayada intoodii laga xishoodayna nabaddoonno loo bixiyey! Sidoo kale, ninkaas iyo inta la da’da ahiba waxay u soo joogeen xilligan qaran-jabka dagaal-oogeyaasha soo baxay oo madax-dhaqameedkii si foolxun awooddii ugala wareegey, waxbana aan u hanbayn, welibana si xil leh u xurmo-tiray.

Intaas oo idili in kastoo ay run tahay, haddana gar ka dhigi mayso madax-dhaqameedyada Soomaalidu inay sidaas ku ahaadan! Kaalintii ay lahaan jireen ee laga duudsiyey ayaa maanta dhab ugu bannaan. Weliba xilligan waxay u badan yihiin rag dhallinyaro ah oo, sida Garaad Jaamac, dugsiyo sare ama jaamacado ka soo aflaxay. Waa rag, iyaga oo da’ yar, odayadii dhalay xilkoodii dhaxlay, aqoontooduna ay ka gun weyn tahay wax-ka-qabashada arrimaha tolka oo keliya. Si fiican ayay ugu dhug leeyihiin waxa dunida ka jira, gaar ahaanna qaran-jabka dawladdoodii ku dhacay iyo damaca dhuleed ee Itoobiya ay Soomaaliya ka leedahay. Waxa ay wax u og yihiin siyaasi-u-yaallada muddaba la inagu qasbaayey iyo dagaal-oogaha Soomaaliyeed si aanay wax u ogeyn. Sidaas darteed, waxay si wacan u garan karaan, wadajir in wax loo wada qabsado mooyee, Soomaalida tol waliba inaanu keligiis danihiisa u maarayn karin.

Haddaba, mar haddii siyaasigii daacadda ahaa uu gabaabsi inagu noqday, mar haddii gabbalkii dagaal-ooguhu uu haatan dam yahay, lagana aammin-baxay, mar haddii haadaan dheer ay dalkii iyo dadkii ku sii hoobanayaan; maxaa madax-dhaqameedyada ka hor-taagan iyaga oo wadajira inay ummadda bedbaadiyaan? Maxaa u diidaya inay, si buuxda, siyaasadda u soo dhex-galaan, dabadeedna intay qarannimadii soo celiyaan ay wax ka dhisaan dawlad tolalka oo idili ay hooskeeda harsadaan, intii uu tol waliba keligiis dhinac ugu bixi lahaa?! Bal, waa yaabe, yaa xilkaas uga toobboon? Jawaabtaydu waa cidna. Waaba dhallinyaree, maxaa kartida iyo aqoonta ay leeyihiin loogu gaaggixinayaa? Hawshooda maxaa loogu koobayaa maaraynta arrimaha qolyaha ay u boqran yihiin iyo shirarkooda inay ka duceeyaan oo keliya? 

* * *

Midda kale, sidee loogu dhiirradaa in Garaad Jaamac oo kale loo sheego inuu siyaasadda ka fogaado? Bal dheeho taariikhda qoyskooda oo kooban: Garaad Cali oo ahaa awoowgiisii labaadi sow siyaasi ma ahayn, siyaasad awgeedna uma dhiman, ka dib dabayaaqadii qarnigii 19d markii ay arrimaha degaanka Sayid Maxamad isku maan-dhaafeen, sidaasna lagu xujeeyey? Awowgiis Garaad Jaamac sow siyaasad awgeed, horraankii qarnigii 20d, muddo dheer Bari qaxooti kuma joogin? Gadaalkii markii uu Nugaal ku soo noqdayna, sow siyasad ma ahayn wixii uu u diidey inuu la kulmo madaxdii maamulka Ingiriiska ee degaankiisa xoogga ku qabsaday, jabkii Daraawiisheed ka dib? Aabbihiis Garaad Cali, isaga oo Garaad ah, sow siyaasina ma ahayn? Sow baarlamaankii hore ee Soomaaliya xubin iyo xildhibaanba kama soo noqon? Sow xukuumadihii lixdannadiina wasiir kama soo ahaan jirin? Mar kalena sow siyaasad ma ahayn siddeetannadii qarnigii 20d wixii geyeysiiyey meelo Yurub ka tirsan iyo dalalka Carabtaba inuu dhawr sano qaxooti ku ahaado?

Ugu dambaystii, Garaad Jaamac Garaad Cali aan mar kale qoraalkan ugu hanbalyeeyo, kuna tirtirsiiyo inuu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisii ahaa inuu shirin doono madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed; taas oo laga yaabo inay innaga baajiso kala-fogaansho hor leh iyo burbur laxaw badan oo midkan aynu ku sugan nahay ka qoob culus, xilliga uu dhammaan karona Eebbe keliyihi uu suurayn karo!

Juun, 2006

Birmingham, England

Dhammaad

 

webmaster@ceegaag.com

 

QUBANAHA

Maxaa ka danbeeya imaatinka Laascaanood ee Madaxda Puntland, malaha ujeedadu waa khayraadka............

 Cade Muuse ma Khiyaanadii boqor Cismaan Daraawiish ku dhigay ayuu shacabka SSC la damacsan yahay.qore  siyaasiga cali dhuux

 
 

 







 

Copy right 2006 ceegaag news     Designed by Ustaadmedia