Al-shabaab oo yeelata manhaj fiyow,waa awood ummadu u
baahantahay.
(Somalia,
April 12,
2010
Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka,
amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin
nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.
Intaas ka
dib:
Waxaan shaki
ku jirin in in badan oo Soomaali ahi, ay yaabayaan markay
arkaan cinwaankan kor ku xusan, waayo warbaahinta inteeda
badan loogama baran, in ay yidhaahdaan Ashabaab waa loo
baahan yahay, bal mid taas ka soo horjeeda, waxay uga
barteen warbaahinta inteeda badan in ay shacabka
Soomaaliyeed ugu sawiraan ururkan in uu yahay sharwadayaal
iyo argagixiso iwm, hadafkooduna uu yahay oo keli ah in ay
wuxuun dilaan, qarxiyaan, weeraraan iwm, iyo in ay yihiin
urur uu shisheeye ka
Dambayo oo
maamulo, shisheeyahaasuna ay yihiin kuwa wadankeena ku soo
duulay, oo raba in ay qabsadaan, oo ka dhigtaan saldhig ay
aduunka intiisa kale kaga duulaan. Hadalkan waxaan had iyo
jeer ka maqalaa dhinacyo badan oo ku andacoonaaya, oo ay ugu
horeeyaan DKMS, oo aan iyagu haba yaraatee la hadhin wax
dembi ah, in kastaba ha le’ekaadee, oo aanay ururkan dusha
uga tuurin, oo aan shaki ku jirin in eedaymahaas intooda
badani yihiin been abuur, ku dar wadamada reer galbeedka oo
Aan iyagu
marnaba maqli karin urur islaami ah, oo ku andacoonay in
ururkanu xidhiidh la leeyahay ururka alqaacida ee ay
dagaalka kula jiraan, xagoodana dhamaan ururada
islaamiyiinta ahi ka yihiin argagixiso, ku dar iyana in
badan oo Soomaali ah, oo aan runtii wax aqoon ah u lahayn
ururkan, bal se ay uun aad ugu fogaatay necbaansha fidista
islaamku, oo ay ugu horeeyaan warbaahinta inteeda badan,
waxaan iyana meesha ka madhnayn, bal kuwa ugu sii daran ah
wadamada deriska ah, oo iyagu u badheedhay sida DKMS, in ay
dembiyo fara badan oo been abuur ah ururkan dusha uga
tuuraan, iyaga oo si fiican ugu xog ogaal ah wax uu yahay
ururkan Ashabaab
Waxa kuwaas
soo raaca oo ah tan ugu la yaabka badan, in ururkan
laftigiisu si dadban iyo si toos ahba uga qayb qaato
eedaymaha loo soo jeedinaayo oo ururka dusha looga tuuraayo,
taas oo aan shaki ku jirin in ay sabab u tahay, siyaasad
xumida madaxda ama siyaasad la’aanta madaxda sare ee ururkan,
iyo kibir iyo isla wayni ku baahday xubnaha ururka, sababo
muuqda awgood, arimahaas oo dhan inshaa Allaah sida ay aniga
iigu muuqato waxaan ku xusi doonaa qoraalkan
Waa kuwama ururka Ashabaab?
Horaan uga
qoray qoraal cida ay yihiin ururka Ashabaab, hada se xoogaa
uun guud mar ah, oo lagama maarmaan u ah qoraalkeenan baan
ka odhanaynaa, ururkanu asal ahaan wuxuu ka soo jeeda
jamaacada muslimiinta, ahlu sunnah waljamaacah, waa dhalin
yaro ku soo barbaartay manhajka xaqqa ah ee Salafiga ah, ee
ah dacwada saafiga ah, ee ku salaysan Allaah tacaalaa wuxuu
yidhi, Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam wuxuu yidhi,
Asxaabtii radiya Allaahu canhumaa waxay yidhaahdeen, ee ka
madhan
Bidcada,
khuraafaatka iyo shirkiga noocyadiisa kala duwan, dacwadaas
oo ay ahayd in ay waqti dheer socoto intii Allaah ka doono,
loogana gol lahaa in muslimiintu laftigoodu dib u bartaan
diintooda saxda ah, oo ay dib ugu noqdaan ku dhaqanka
diintoodii asalka ahayd, ee uu Allaah tacaalaa ku soo
dejiyay qalbigii Nebi Maxamed calayhi salaatu wasalaam, taas
oo ay hadheeyeen qarniyaal waxyaabo badan oo aan ka mid
ahayn, oo la soo dhexgeliyay sida wax yaabo ah
bidco,khuraafaad iyo shirkiba. Intii ay
Dacwadaa
barakaysani socotay guulo balaadhan, oo si wayn looga
dareemay aduunka oo dhan baa laga gaadhay, waxaa is bedelay
wax badan oo ah dhaqankii muslimiinta, waxaa diintii
islaamka soo galay oo qaatay dad badan oo aan asal ahaan
muslimiin ahayn, markay dareemeen oo arkeen wanaaga islaamka
iyo in uu xaqq yahay, hase yeeshee guuldarooyin badan iyo
dhibaatooyin islaamka guud ahaan ku habsaday, ayaa waxay soo
saartay dhalin yaro badan oo ay raali gelin wayday una
adkaysan waayay
Wadciga
maanta islaamku ku sugan yahay iyo dulmiga iyo dulinimada
xad dhaafka ah ee dusha ka saaran, taas waxaa markiiba u
arkay fursad oo ka faa’iidaystay kooxo islaamiyiin ah, oo
hore u jiray oo iyagu uun xukum doon ah, oo raba in ay soo
celiyaan khilaafadii islaamka ee burburtay, kooxahanu iyagu
ma danayaan barashada diinta, iyo in ay muslimiinta
caqiidadooda u saxaan, mana aha ahlu sunnah, ee uun waxay
isku bahaysteen xaga siyaasada sida jamaacada Ikhwaan
Almusliin iyo kuwa kale, oo waqti
Dheer ku
hawlanaa siyaasada, guuldarooyin badana kala soo kulmay
halgamadoodii dheeraa, hase yeeshee dhalintaasu kuma biirin
kooxahan siday rajaynayeen, waayo waxay ku kala fogaayeen
xaga caqiidada, waxay se wax badan ka qaateen dhinacii
siyaasada ee ay kooxahaasu u ololaynayeen, waxayna ka
sinaadeen in si dhakhsa ah loo oogo dowladii khilaafada
islaamka, sidaas waxa ku soo baxay kooxa dhowr ah oo
fikirkaa ka soo unkamay, waxayna dhalintanu ka leexdeen
jamaacadii muslimiinta
Markay
samayeen kooxo, iyada oo aanay manhajka ahlu sunnah ama
jamaacada muslimiinta ka mid ahayn, in ay muslimiintu u
qaybsamaan kooxo iyo ururo, bal sida ay diintu u tahay mid
keli ah, ayay jamaacada muslimiintuna u tahay mid keli ah,
tan kale dhalintanu waxay aad ugu sii fogaadeen oo aad u
buunbuuniyeen kuna talaxtageen maslooyin ka mid ah caqiidada
iyo diinta guud ahaanba, sida arinta jahaadka iyo
gaalaysiinta muslimiinta, taas oo keentay in ay dib ugu
dhacaan arimihii bidcada ahaa oo ay mar hore ka soo
faraxasheen. Hadaba ururka Ashabaab, Xisbul islaam,
Alitixaad iwm waxay asal ahaan ka soo jeedaan dhalintaa aynu
soo xusnay, si kasta arimaha qaar ha ugu kala duwanaadeen ee
Aasaaskii ururka Ashabaab
Anigu runtii
xog ogaal uma ihi xiligii la aasaasay ururkan iyo sababaha
ka dambeeyay aasaaskiisa toona, laakiin se waxaan shaki ku
jirin in uu ururkanu ka dhashay guuldarooyin iyo dhaliilo
loo tirinaayay ururadii ka horeeyay ee Soomaaliya, ee
islaamiga ahaa, waxana hubaal ah in xubnahooda qaar ka soo
mid noqdeen ururadaas, waxaa iyana loo badinayaa in ay
ururkan aasaaseen dhalin yaro ka soo noqotay dalka
Afqaanistaan, ka dib markii Daalibaan mareekanku ka qabsaday
magaalooyinka waawayn ee
Wadankaas,
kuwaas oo ay hadana u badan yihiin madaxda sarsare ee
ururkanu, Waxa se uu ururkanu soo shaac baxay oo dadka
badankiisu bartay, xiligii midowgii maxakamadaha islaamku ay
dagaalka la galeen dagaal oogayaashii, ay caasimada Muqdisho
u qaybsanayd ee xaraanta ku haystay, waxayna ahaayeen
Ashabaab garabka ugu xooga badnaa, ee ay midowgii
maxkamaduhu ku tiirsanaayeen xaga dagaalka. Hadaba markii
ciidamadii cadawga ee
Ethiopia ay
wadankeena soo galeen oo jebiyeen
Ciidamadii
midowgii maxkamadaha islaamka, ayna islaamiyiintii la galeen
dagaal kale, oo ah ku dhuf oo ka dhaqaaq ciidamadii cadawga,
ayaa qaar madaxdii sarsare ee midowgii maxkamaduhu debeda
uga baxeen dalka, waxayna tageen dalka Eriterea, halkaas oo
ay ka dhigteen saldhig ay dagaalka ka maamulaan, muda yar ka
dib shirar iyo dhexdhexaadin ay samaysay dawlada Eriterea,
waxa magaalada Asmara lagu aasaasay isbahaysi suufalool ah,
kaas oo kulmiyay kooxo aad ugu kala fog xaga caqiidada,
Siyaasada iyo
mabda’ba, waxa halkaas isbahaysi ku dhexmaray ururkii
midowga maxkamadaha islaamka, bulshada rayidka oo badankoodu
ahaa kuwa uga soo horjeeday DKMS qaab qabyaaladeed, waxa
iyana ka mid ahaa isbahaysigaa qaar dagaal oogayaashii, waxa
kale oo ka mid ahaa kooxo isku magcaabay baarlamaank xorta
ah, oo ahaa qolyo laga soo caydhiyay baarlamaanka DKMS, iyo
shakhsiyaad kale oo si uun ugu mucaarad ahaa dawladii uu
madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Hadaba
Isbahaysigan
kulmiyay dadkaa ku kala tagsan xaga fikirka iyo mabda’aba,
ayaa waxaa aad uga soo horjeestay oo diidma cad oo xoogan
kala hor yimid ururka Ashabaab, oo markaas ahaa garab ka mid
ururkii midowga maxkamadaha islaamka, hase yeeshee taas
waxaa ka dhega adaygay oo ku adkaystay isbahaysigaas
madaxdii sarsare ee maxkamadaha, ee ku sugnaa dalka Eriterea!
Taasna waxay keentay in ururka Ashabaab ka baxo midowgii
maxkamadaha islaamka , oo uu noqday urur goonidiisa u taagan
Sideedabana
markii isbahaysigan suufaloolka ah la samaynaayay, waa laga
warqabay in Ashabaab diidi doonaan, oo ka baxayaan midowga
maxkamadaha islaamka, hase yeeshee sidaas waa loogu tala
galay oo waxaa asal ahaan looga gol lahaa isbahaysigan in
lagu kala furfuro ururkii midowga maxkamadaha islaamka,
dagaalna dhexdooda laga tuuro, iyada oo loo kala qaybinaayo
qaar siyaasadoodu debecsan tahay iyo kuwa siyaasadoodu
xagjirtahay, arintan waxa ka war qabay uun garab ka mid ah
isbahaysigaa
Suufaloolka
ah, waana kuwii markii dambe ka baxay isbahaysiga, ee ka
qayb galay shirkii Jabuuti ee uu hogaaminaayay Sh. Shariif,
fikradanuna waxay ka soo bilaabantay magaalada Nairobi iyo
safaarada Mareekanka ee dalkaa Kenya, markii ciidamada
cadawga Ethiopia soo galeen wadankeena oo ay ka itaal
roonaadeen ciidamadii midowgii maxkamadaha islaamka, ayaa
taasi waxay kicisay shucuurtii shacabka Soomaaliyeed,
aduunka intiisa badana waxaa looga arkay gelitaanka ciidamad
Ethiopia ee Soomaaliya
Faragelin
qaawaan, oo ay Ethiopia kula kacday wadan deris la ah, taas
waxa raacday in madaxwaynihii DKMS waqtigaa Cabdullaahi
Yusuf Axmed ay isku dhaceen haya’adaha Samafalka iyo
gargaarka lagu magcaabo, oo iyagu runtii ah kuwa xukuma
Soomaaliya wixii burburkii ka dambayay, markii uu madaxwayne
Cabdullaahi Yusuf Axmed yaqiinsada in aan Soomaaliya xal
laga gaadhayn inta haya’adahanu ay siyaasada Soomaaliya
gacanta kula jiraan, iyana ay u arkeen in dowladiisu ay
Caqabad ku
tahay shirqooladii ay wadankan ku haysteen, ayaa waxa yimid
fikirka isbahaysigan oo ay ka soo shaqayeen ama ka dambayeen
dowlada Mareekanka, wadamada deriska inla ah iyo dabcan
haya’adihii samafalka, wuxuuna ka soo bilaabmay markii si
lama filaan ah uu madaxii golaha fulinta ee midowgii
maxkamadaha islaamka Sh.Shariif Sh.Axmed, iska soo dhiibay
dalka Kenya oo si fiican loogu soo dhowayay, uuna halkaa
shirar kula qaatay dhinacyadaa aan kor ku soo xusnay, ugu
dambayntiina natiijada ka dhalatay isbahaysigaa waa taa
maanta taagan, ee islaamiyiintii madaxa laysu geliyay.
maxaa wanaag ah ee lagu xusuustaa ururka Ashabaab?
In kasta oo
ururka Ashabaab isaga baxay ururkii midowga maxkamadaha
islaamka, hadana taasi ma keenin in ay ku kala baxaan labada
kooxood dagaalkii ay kula jireen ciidamadii cadawga
Ethiopia, bal sidoodii hore bay isaga barbar
dagaalamayeen,ilaa ay kaga saareen dalka ciidamadii cadawga
Ethiopia. Dhab ahaantii dagaalka xanuujiyay ciidamadii
cadawga iyo ragii jiif iyo joogba u diiday waxay ahaayeen
ciidamada Ashabaab. Taas ka hor waxay ahaayeen kooxda
Ashabaab kuwii soo geba gebeeyay dagaalkii
Ay midowga
maxkamaduhu la galeen dagaal oogayaashii gacan ku
dhiiglayaasha ahaa, ee mudada 16 ka sano ah ku hayay ummada
dhibta iyo halaaga, taas oo albaabada u furtay raja cusub
iyo damaca wanaagsan, oo laga qabay in dhibtan dabada
dheertay ee wadankeena ka taagan xal loo helo, in kasta oo
ay wax laga xumaado tahay in aan laga faa’iidaysan fursadan
qaaliga ahayd. Dhalinta ururkanu waxay ka mid ahaayeen
kuwii Allaah tacaalaa ku caynaaniyay ummada Soomaaliyeed,
waqti ay ummadu u
Baahnayd
badbaado, waqti ay dhib dhex dhigeen ummada jabhadihii
hubaysnaa ee cunsiriyiinta ahaa, ee gacan ku dhiiglayaasha
ahaa, kuwaas oo fidno ka dhex abuuray beelihii Soomaaliyeed,
sababna u ahayd dagaalkii sokeeye ee wadankeena burburiyay,
waqti qof waliba xalaalaystay dhiiga, hantida iyo cirdiga
walaalkiisa kale, waqti ay ummadu sidii duurjoogta u
dhaqmaysay, ayay kooxihii islaamiga ahaa waqtigaa oo ay
Ashabaabna ka mid ahaayeen, ay ka dhex bilaabeen dacwada
islaamka, taas oo Allaah
Tacaalaa ku
hadeeyay ummad badan, ubadkii soo kacayayna ku heleen
barbaarin toosan,ayna runtii wax badan ku yaaraatay cudurkii
qabyaalada ee ummada aafaysay hooga iyo halaagana u
horseeday. Tan kale ee aan iyana jeclahay in halkan ku xuso,
waa in uu ururkan xubnihiisu yihiin dhalin yaro Soomaaliyeed
oo ka soo kala jeeda dhamaan beelaha Soomaaliyeed, oo uun ku
walaaloobay islaamka, oo aanay dhexdooda ka jirin qabyaalada
ummada inteeda kale aafaysay ee shaydaanku ku ibtilayay, ma
Aha iyagu
kuwa ku dhaqma dhaqamada xun xun ee ay dhinacyada kale ku
dhaqmaan sida boobka, bililiqada, kufsiga, xasuuqa iwm ee ah
gabood falada aadka u foosha xun, ee ay dhinacyada kale ee
hubaysani ku caan baxeen, ma aha kuwa marna dalkooda cadaw
ku soo hugaamiyay oo dabadhilif u noqday cadawga, sida ay ka
siman yihiin dhinacyada kale oo dhami.
Waa maxay iyana xumaantooyinka ay leeyihiin?
Sidaan hore u
soo xusay ururkanu waxa ay ka leexdeen jidkii jamaacada
muslimiinta markii ay koox samaysteen, kuna fogaadeen oo
buun buuniyeen arimaha diinta qaarkood, sidaas darteed waxay
fuliyaan xadad ay dad badan ku fuliyeen oo shaki badani
hadheeyay cadaalad ahaan, sharci ahaan toodana aan lagu
raacsanayn, waayo dee ma ay aha dowlad ama xukuumad si ay
xadadka caynkaas ah u fuliyaan, dhacdooyinka qaarkood oo ay
warbaahinta ka sii daayeen, waxa ka muuqata arxan daro aad u
Wayn, guud
ahaan xukumada ay fuliyaan waxa ka muuqata degdeg iyo ka
fiirsasha la’aan. Waxay kaloo ku kacaan arimo ay ku
kicistoodu sharci tahay, hase yeeshee aan la gaadhin
waqtigii ku haboonaa, bal se ay iyagu degdegsadaan, ruuxuna
haduu degdegsado arin aan waqtigeedii la gaadhin, waxa lagu
ciqaabaa ka qatanaansheeda, markaa waxaad arkaysaa iyada oo
ay arimahaasi iyagii dib ugu soo noqonayaan oo ay ka
dhalanayso dhibaato markii hore iyaga ka fogayd, tusaale
ahaan qubuuraha ay
Beryahaan
dambe burburinayeen, in la burburiyo qubuuraha noocaas ah
iyo dhamaan in la suuliyo muqaalada shirkiga ah waa waajib
sharci ah, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in ay arintan
ku kaceen waqti aan ku haboonayn, waa waqti ay dagaal kula
jiraan cadawya badan oo isu bahaystay, sida dowlad ku sheega
iyo ciidamada shisheeyaha iyo weliba kooxdan suufaloolka ah,
ee cadawga Ethiopia soo hubeeyay oo ku soo kordhiyay saaxada
Soomaalida, ee laga soo dhigay koox islaami ah, si aduunka
iyo
Shacabka
Soomaalidaba loogu khaldo, laguna qariyo danaha cadawga ee
ay u adeegayaan, kuwaas oo loo soo bixiyay magac fiican Ahlu
Sunnah Waljamaacah!!!!!! Bal se ah runtii Ahlu bidcah wal
khuraafaat wa shirk, waa dagaal oogayaashii oo dib loo soo
celinaayo iyo qaar kaloo lunsan iyo jaahiliin laysku dhafay,
hadaba iyada oo dagaalku khiyaano yahay, ayay arintan ugu
faa’iidaynayaan kooxahaas aan soo xusnay, ururkan Ashabaab
waxaa hadheeyay xubnihiisa kibir iyo islawayni xad dhaaf ah,
taasuna waa
Mid u
horseedi karta guuldarooyin balaadhan, kibirkan iyo
islawaynidu marar badan bay u keeneen guul daro, oo ay ahayd
in ay deris ku qaataan, tusaale dhowaan markii Allaah
tacaalaa waafajiyay guulo badan oo ay ka soo hooyeen
dagaalkii ay kula jireen dowlad ku sheega iyo xulufadooda,
ayay halkay Allaah uga mahad naqi lahaayeen, bay is
mahadiyeen oo qooqeen, waxayna yidhaahdeen ciidamada dowlad
ku sheegu ha isku soo dhiibaan mudo todobaad ah, hadii kale
ay cagta marin doonaan!!!! Taas
waxaa xigay
jawaab aad u culus oo uga timid xaga Allaah, in maalintii
todobaad ay iyaga weerar ku soo qaadeen ciidamadii dowlad ku
sheega iyo kuwa shisheeyuhuba jab laxaad lehna la
gaadhsiiyay ciidamadoodii, lagana qabsaday dhul badan oo ay
hore u haysteen, in kasta oo ay markii dambe la soo noqdeen,
waxa kale oo ah xumaantooyinka ugu waawayn ee uu ururkanu ku
caan baxay qaraxyada aan loo miidaan dayin, ee galaafanaaya
dembiile iyo mid aan waxba galabsanba, aana la garanayn waxa
ay uga baahan yihiin iyagoo saaxadii dagaalkaba ku adkaaday
Gunaanad iyo dardaaran
Marka aynu
eegno dhinacyada Soomaaliya ee maanta siyaasada dalka ku
herdamaaya, waxaan aaminsanahay in aanay jirin cid dalka iyo
dadkaba u dhaanta labadan urur ee Ashabaab iyo Xisbul islaam,
iyaguna waxaa ah wax laga xumaado, in aanay ahayn kuwa leh
aqoontii siyaasadeed iyo maamul ee ay dowlad ku dhisi
lahaayeen, markaa waxaan odhan lahaa waa in ay wax badan ka
bedelaan mowqifkooda iyo fikradahooda oo la yimaadaan caqli
fiyow, dareemaana marxalada dalku maraayo iyo
khatarta aynu
maanta ku suganahay, iyo shirqoolada laftooda lala damacsan
yahay, hana ogaadeen in kasta oo horta la doonaayo in
Soomaalida laysu adeegsado oo laysku dhameeyo, hadana ugu
dambaynta haday taasu shaqayn waydo, aan shaki ku jirin in
faragelin debeda ahi imanayso, si aan shirqooladaa u
fashilino waa in aad ula timaadaan debecsanaan oo ka
dhaaftaan cubudhinta aad Shacabka ku haysaan, bal aad
raadisaan si kasta oo aad ku kasban kartaan ummada, munkarka
Suulintiisu
haduu keenaayo fidno ka wayn oo uu kugu kicinaayo ummad
badan oo aan fahamsanayn in uu munkar yahay, waa in aad iska
dhaaftaan waqtigan hada ah, ilaa inta laga gaadhaayo waqti
ku haboon suulintiisa, ogowna dowladii kacaanka sababta ugu
wayn ee dadka ku kicisay waxay ahayd, in ay Qaadka joojisay,
miyaanay iyaguba ku saxsanayn in ay suuliyaan Qaadka
munkarka ah iyo musiibada ummada aafaysay? Dabcan waa haa,
hase yeeshee ma ay ku kicin waqtigii ku haboonaa, wixii ka
Dhashay ee uu
sababayna waa taa aynu ilaa maanta xalka u la’nahay, waa
inaad soo dhowaysataan lana tala qaadataan, oo weliba talada
iyo aaya ka talinta wax ka siisaan doorka ummada
siyaasiyiinta, culimada, waxgaradka iyo aqoonyahanka
Soomaaliyeed, ee daacada u ah badbaadinta
diintood,wadankooda iyo shacabkooda, ma lihi soo dhowaysta
kuwa ay aafaysay ee ay qalbiyadooda ku daxalaysatay islaam
necaybku, ee fidista islaamka iyo in laysku xukumo aan
jeclayn ee afkaaraha shisheeyaha xambaarsan
Sida
Prof.Siciid Shiikh Samatar ee meel walba la taagan islaamkii
Soomaalida ee suufiga ahaa baa la bedelay!!!! Wacaayadu
billaah Allaah ummadeena kama dhigo kuwa raaca dariiqada
lunsan ee, Waa ninka la waydiiyay sida ku haboon ee wax
looga qaban karo budhcad badeeda, wuxuu ku taliyay in laga
dhaco xoolaha iyo hantida beelaha ay ka soo jeedaan, waayo
sidaa gumaystihii Ingriiska baa Soomaalida ula dhaqmi jiray!!!
Iyo Faysal Rooble ee u samaystay islaam necaybka mareegta
afdheer(wardheer.com)
Ee waxaan u
jeedaa in aad soo dhowaysataan oo la tala gashaan kuwa aan
islaamka cuqdada ka qabin ee jecel in kastaba ha le’ekaato
aqoonta ay u leeyihiin ee, ee ogol in shareecada islaamku
aasaas u noqoto xukumka iyo dowlada cusub ee Soomaaliyeed,
waa in aydin faraha ka qaadaan oo aydaan weerarin goobaha ay
ku shirayaan iyo xubnahooda toona baarlamaanka Soomaaliyeed,
baarlamaanku ma aha mid idinla wada dagaalansan, bal kuwa
badan oo ka mid ahi kama ay raali aha dagaaladan ay oogayso
Dowlad ku
sheegu ay shisheeyuhu dabada ka riixayaan, iyaga oo si
fiican uga war haya shirqoolada shisheeyuhu soo maleegaayo,
waxa ku badan baarlamaanka dad badan oo wadaniyiin ah oo
heelan u ah habeen iyo maalin in ay shacabkooda iyo dalkooda
ka badbaadiyaan shirqoolada debeda, heshiiskii bada ee ay
dowlad ku sheega iyo Wald Cabdullaah ku iibsadeen badeena,
cidna ma soo celin karteen idinka iyo qayrkiin toona, hadii
aanu baarlamaanku soo celin, iyada oo ay weliba la daaheen
qaraarkaas,
Waayo idinka
ayaa caqabad ku ahaa, oo suura gelin waayay in ay shiraan,
halkan waxaad isku mowqif noqoteen dowlad ku sheega iyo
khaa’inka wayn ee Wald Cabdullaah, ee ay ka go’antahay in ay
is hortaagaan oo aanay suura gelin fadhiyada baarlamaanka,
si aanay u fashilin shirqoolada iyo khiyaanooyinka ay
wadanka ka wadaan, ee cadawgu u soo igmaday.
Siyaasiyiinta,
aqoonyahanka, culimada, waxgaradka iyo dhamaanba Shacabka
Soomaaliyeed ee xalaasha ah,ee aanay aafayn nin jeclaysiga,
qabyaalada iyo islaam necaybku, waxa la gudboon in ay
dalkooda iyo dadkooda ka badbaadiyaan shirqoolada iyo
dhagaraha cadawga inoo soo maleegay, iyo in dhalinteena lagu
dhameeyo dagaalo, in ay ka hor yimaadaan oo diidaan
dagaalada ay hurinaayaan, ee ay ku goodiyayaan dowlad ku
sheega iyo isbahaysigan xaaraanta ah ee ahlu bidcah
walkhuraafaat washirk, ee cadawgu u
Soo igmaday,
waa in ay ogaadaan xumaan kasta oo leeyihiin Ashabaab in ay
yihiin awood Soomaaliyeed oo ay maanta ummadu u baahantahay,
sidaas darteed waa in ay ku dedaalaan oo maqaar ayna ugu
fadhiistaan siday wada hadal ula yeelan lahaayeen ururkaas,
hadii wada hadaladaas laysku afgarto oo kooxaha
islaamiyiinta ahi afkaarahooda wax ka bedelaan, oo wada
shaqayn dhex marto intaa aan soo xusay, waxaan shaki ku
jirin in aan wadankeena iyo dadkeena kaga badbaadinayno
khatar wayn oo ina
Ku soo fool
leh, kooxaha islaamiyiintu waxay aasaas fiican u noqon
karaan ciidan Soomaaliyeed oo anshax fiican oo wadanka
xasilooni iyo nabad ku soo dabaalah, oo aynu kaga maarano
ciidan debeda inooga yimaada, waayo waxa kale ee maanta la
dhoob dhoobayaa ee la doonaayo in ay ciidan dalka u noqdaan
waa jiri, dhuljiif, dayday iyo mooryaan, mana u noqon karaan
haba yaraatee aasaas ciidan Soomaaliyeed oo anshax fiican
leh, arintanu waa mid aad u muhiim ah in la fahmo, waayo
xataa ciidamadii dowladii
Kacaanka in
kasta oo awood ahaan ay tababar fiican qabeen, hadana waxaa
aad u xumaa amaba aanay qabin tababar xaga anshaxa iyo
asluubta ah, taasuna waa tan keentay oo sabab u ahayd
waxyaabaha ilaa maanta shacabka Soomaaliyeed qaarkiis ku
cabanaayo, dagaalkii ina dhex maray inaga iyo Ethiopia 1977
kii markii ciidamadii Soomaalidu xoreeyeen dhulkii maqnaa ee
Soomaali Galbeed, waxay ka gaysteen dhulkii ay xoreeyeen
xadgudubyo aan la soo koobi karin oo leh dhac, bililiqo,
kufsi, dil iwm,
Taas oo
keentay in dadkii la xoreeyay ay yidhaahdaan kuwan marabno
ee Ilaahow meeshii ay ka yimaadeen nagaga celi, waxaaba noo
dhaamay gumaystihii ee, marka dowlada cusub ee Soomaaliya
waxaa lagama maarmaan ah in loo helo ciidan anshax iyo
asluub wanaagsan leh oo bani aadminimada yaqaana iyo xurmada
dadka, kaasna waxa laga heli karaa oo keli ah ururada
islaamiyiinta, hadal iyo dhamaan hadaan la helin isoo
dhowaansho iyo isfaham dhex mara dhinacyadaa aan soo xusnay
oo aan
Dedaal
dheeraad ah loo gelin taas, waxaan shaki ku jirin in ugu
dambaynta faragelin debeda ahi imanayso, waxaana ka baqaaya
in ururada islaamiyiintu ay noqdaan taariikh ina soo
dhaaftay uun, taasna waxay ummada Soomaaliyeed khasaareheedu
ku tegi doonaa qiima aad iyo aad u sareeya.
Wabillaahi
atowfiiq
Essa Mohamoud
Aadam
almutawaadic@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |