Dabaaldega
Sanad-Guuradii Aasaaskii Puntland oo ka dhacday magaaladda
Boston ee Dalka Mareykanka.
(Boston, August 09,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa magaaladda Boston
lagu qabtay xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay, taas oo
loogu dabaadagayey Sanadguuradii 12naad ee aasaaskii
Puntland 1998. Xafladaas waxaa si heer sare ah loogu soo
dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo
Dhaqanka mudane Cabdixakim Axmed Guuleed. Reer Boston waxay
ku soo bandhigeen xafladaas jeceylka ay u qabaan dhulkoodii
hooyo iyo Soomaali weyn.
Wasiirka Warfaafinta oo
ka hadlay xafladaas wuxuu ka waramay xaaladda dhabta ah ee
ay ku sugan tahay deegaanadda Puntland iyo Soomaaliya oo
dhan. Wasiirka wuxuu si geesinimo leh iyo xilkasnimo uga
jawaabay dhamaan su'aalihii halkaas lagu weydiiyey. Wasiirka
wuxuu ku soo bandhigay xafladaas muuqaal farxad weyn ku
abuuray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Boston. Waxaa
ka soo qeyb galay xafladaas Soomaali Weyn deegaan ahaan ka
soo kala jeeda dhamaan deegaanadda Soomaaliyeed. Waxaa
halkaas ka hadlay Cabdicasiis Nur Xirsi oo ka mid ah
aasaasayaashii Puntland, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay
oo waano iyo dardaaran ka soo jeediyey Mudane Yusuf Samatar
Bardecad oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya.
Waxaa halkaas talooyin
iyo boogaadin ka soo jeediyey Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) oo
ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya. Waxaa sidoo kale halkaas
ka hadlay Maxamud Baclaawi (Nageeye) oo ah odey aad looga
qadariyo magaaladda Boston. Dhinaca gabdhaha Soomaaliyeed
waxaa halkaas ka hadashay Dr. Siraad Yuusuf oo ah gabar
Soomaaliyeed oo aad loo qadariyo. Sahro Warfaa ayaa sidoo
kale dardaaran ka jeedisay xafladaas weyn.
Xafladaa waxaa lagu soo gabagabeeyey
ereyo qiiro badan abuuray. Ereyadaas waxaa ka mid ahaa Soomaaliya
ha noolaato, Muqdisho ha noolaato, Puntland Ha noolaato,
Sool ha noolaato, Gedo ha noolaato, Bay ha noolaato,
Galgaduud ha noolaato, Hiiraan ha noolaato, Soomaaliland ha
noolaato iyo Puntland ha noolaato.
Abdulkadir Hindi
Boston,
USA
webmaster@ceegaag.com |