Jaaliyadda SSC Ee Abu Dhabi Oo Noqotay Jaaliyadda Ugu
Khilaafka Badan Marka La Barbardhigo Jaaliyadaha Kale Ee
Qurbo-j
(Imaaraadka,
August 04,
2010 Ceegaag Online)
Wadanka Isutaga Imaaraadka carabta waxaa
ku dhaqan Jaaliyadda balaadhan oo lagu qiyaasay 20,000 oo
qoys, intaas waxaa sii dheer in sanad walba ay si is daba-
jooga ah u soo booqdaan kumannaan qof oo ka mid ah
qurba-joogta SSC ee ku dhaqan dunida daafaheeda kuwaasoo
ujeedadooda ugu weyni tahay inay ka hirgaliyaan mashaariic u
badan dhinaca baayac-mushtarka ah iyo inay uga sii gudbaan
wadankii hooyo.
Qurba-joogta dibadaha ka yimaadaa inta badan waxay saldhigyo
ka dhigtaan magaalooyinka Dubai, Sharjah iyo Cujman,
bulshadii ay halkaas ugu yimaadeena waxay ku dhiiri
galiyeen wax-wada qabsi, is dhex gal iyo iskaashi aan ku
dhisneyn nidaam beel ama qoys, taasina waxay keentay in
Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan sadexdan magaalo ay si weyn isu
dhexgalaan, muujiyaana isku duubni iyo is jeclaansho,
iyagoo iska soo dhaweysanaya qoomiyadaha kale ee
soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka intiisa kale, isla markaana
waxay sameysteen hogaan mideysan, si wadajir ahna ayay u
bixiyaan qadhaamada, iyagoo isku duuban ayay soo dhaweeyaan
wufuuda dibadaha kaga imaanaya ee u dhashay SSC sida
Isimadda iyo shakhsiyaadka muhiimka ah.
Hadaba, iyadoo dulucda
ujeedadaydu tahay Nasiib daradda haysata Jaaliyadda SSC ee
ku dhaqan caasimadda Abu Dhabi oo qiyaastii 135 KM u jirta
Dubai waxaa ku dhaqan Jaaliyad tiro badan una badan dad
shaqaale dowladeed ah, inta badana ka howl gala xafiisyadda
dowladda oo laga shaqeeyaa 8 ilaa 10 saacadood oo aroortii
ah, kana firaaqo badan jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalka
intiisa kale, nasiib daro waxay wakhtigooda qaaliga ah ku
lumiyaan kala furfurida danaha shacabka SSC, intaas waxaa u
sii dheer inayna iyagu heshiishba ahayn oo ay beelo, beelo
iyo qoys qoys hoose isu heystaan.
Marar
badan waxaa dhacday in aan si wadajir ah looga wada qeyb
gali munaasibadaha caanka ah ee uusan bani-adanku ku kala
maqnaan karin, sida farxadaha aroosyadda, geerida ama
manaasibadda waaweyn ee lagu gorfeynayo arimaha bulshadda u
gaar ah, waxaa kaloo marar badan dhacday in Isimadda beesha
sida garaadada, caaqiladda, ama siyaasiyiinta u dhashay
beesha ee dibadda kaga yimaada kulamadooda laga wada qeyb
galin, iyagoo odhanaya 'garaadkaasi waa reer qansax oo u
tagi mayno', ama shakhsiyaadka shirka abaabulayaa waa reer
qudhac oo anaga oo ah reer qansax nagumay casumin shirkaas'.
Dabcan
khilaaf bani-adanka dhexdiisa lagama waayo, jaaliyaddaha SSC
waxaa dhexyaalla khilaaf guud salkana ku haya labada
beelood ee Isaaq iyo Majeerteen ama puntland iyo somaliland
oo iyagu abuuray khilaafkan, waana mid ay mudo dheer ka soo
shaqeynayeen siday arimahooda uga fushadaan una helaan qeyb
iyaga raacsan, dabcan khilaafkaas waa mid la garan karo oo
meel loo raacana leh, ujeedada ka dambeysa iyo danaha laga
leeyahayna waa mid jaaliyadda SSC ay ka warqabto, taasina
waa xaaladda soo dedejisay in la helo Maamulka hadheeya
Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaan xasuustaa sanadihii
dagaaladii habar-habarta ee beelaha Isaaq ku dagaalamayeen
Burco ayaan soo galay makhaayad shaaha laga cabo, dad badan
ayaa fadhiyay balse isku heyb ah, waxaan fadhiistay kursi
markaa banaanaa, isla markaana waxaan dalbaday koob shaah
ah, Inta lays eegay ayaa la aamusay, waa lay gartay inaan ka
soo jeedo SSC waxaa ii jawaabay wiilkii makhaayadda hayay ee
shaaha dadka siinayay wuxuu Igu yidhi 'adeer shaah ma yaallo',
waan ogaaday in wax khaldan yihiin, aniga qudheyduna aan
galay soone xidhan, taasi waxay ahayd marxalada adag oo
beelaha soomaaliyeed aysan isu gali kari jirin, waayo
wadankii waxaa ka socday dagaalo sokeeye oo aan waxba
laysula hadhin, beelihii sidaas ii takooray ee shaaha iga
iibin waayay bishii July 01, 2010 maalintii lagu dhawaaqay
in Siilaanyo ku guuleystay madaxnimo ku sheegga maamulka
Jabhada SNM waxay soomaali oo dhan ku casumeen
makhaayadahooda oo mudo 3 maalmood ahna cuntadoodu waxay
ahayd free of charge.
Hadaba
waxaad moodaa in xaaladaas qalafsan beelaha kale ee
soomaaliyeed ka soo gudbeen oo ay ogaadeen inayna kala
maarmi karin, sameysteena nidaam gaashaan buursi ah, balse
jaaliyadda SSC ee reer Abu Dhabi wali waxaa dhagahooda ku
qufulan in wadankii dagaal sokeeye ka socdo oo u dhaxeeya
beelaha SSC dhexdooda, soomaalidu waxay tiraahdaa 'Awr
waliba Awrka ka horeeya ayuu hogaankiisa leeyahay', qoyskuna
kama soo hadho taladda Aabaha, haddii Aabihii aaminsan yahay
afkaartii kala qeybsanaanta beelaha SSC, habeen walbana
caruurtiisa iyo haweenkiisa uga sheekeeyo sheeko turxaan leh,
kuna yiraahdo 'hebel iyo hebel waa reer qansax ee ha
salaamina oo qaadhaanka ha la bixinina', waa maxay horumarka
ay gaadhi karaan jaaliyadda reer abu dhabi?.
Marar
badan waxay sameysteen gudiyo, marar kalana waxay qabsadeen
shirar aan loo dhameyn, waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka
mid ah, waxaan ka soo baxay shir beeshu lahayd, makhaayad
aan hoolka shirka wax badan ka durugsaneyn waxaan ugu imid
dhuloos badan oo ku qaxweynaya, nin goobta fadhiyay ayaa ii
gacan haadiyay oo igu yidhi soo fadhiiso oo shirka nooga
waran!, wuxuu ii raaciyay yaa yimid!, waxaan ugu jawaabay
shirkii dad badani ma iman oo waxaa lagu balamay shir dambe
oo bil kadib qabsoomi doona, nimankii gudida ahaana waxay
dadkii shirka yimid ka dhex doorteen 3 xubnood oo fariinta
shirka dadka la gaadhsiiya'.
Oday kale oo goobta
fadhiyay ayaa su'aal i waydiiyay oo yidhi 'oo waa kuwama
3-daas xubnood?, waxaan ugu jawaabay, waa hebel, iyo hebel
iyo hebel, Odaygii waa aamusay, hase ahaatee wiil dhalinyaro
ah oo markaa aan da'diisa ku qiyaasay 17 ayaa hadalkii
qaatay oo yidhi 'waa isku beel'. Runtii hadalka wiilka yar
ayaan runtii la yaabay, Abu Dhabi ayuu ku dhashay oo luqada
soomaaliga si fiican uma yaqaan, soomaaliya ma tagin laakiin
waxaa si fiican loo xafidsiiyay qeybaha beelaha SSC u kala
baxaan, iyo colaadaha soo kala dhexmaray laga soo bilaabo
taariikhdii sayid maxamed cabdulla xassan.
Hadaba,
markaan rog rogay khilaafka iyo hogaan la'aanta u dhaxeeya
waxaa ii soo baxay dhowrkan arimood:
Marka
hore jaaliyadda reer abu dhabi waxay u qeybsan yihiin laba
generation, mid waa dadka waaweyn oo da'doodu u dhaxayso 45
– 65 sanadood, waana shaqaalle dowladadeed oo aan helin
fasax badan oo ay wadankii ku tagaan si ay xaaladda dhabta
ah ee jirtaa maskaxdooda ugu sameyso cusboonaysiin(updating).
Generation ka kale ayaa ah caruurtii ay dhaleen oo
badankoodu wadanka ku dhasheen oo luqadda iyo dhaqanka
soomaaliya aan aad uga dharagsaneyn, waayo waxay wax ku
barteen luqadda carabta, taariikhda carbeed ayaa la baray,
fursadii ay wadankoodii hooyo ku tagi lahaayeen kamay helin
waalidiintii dhashay.
Qodobka
kale ee saameynta ku leh ayaa ah in qurba-joogta SSC ee soo
booqanaya magaalooyinka Dubai, Sharjah iyo Cujman aysan
imaan ama tagin magaalada Abu Dhabi, waayo ugu horeyn ma aha
magaallo ganacsi, tan labaad way ka fogtahay Dubai, haday
yimaadaana waa wakhti yar oo kooban, habeen iyo maalin aan
ka badneyn.
Ugu
dambeyn qoraalkaygan yaan loo qaadan inaan beel ama cid gaar
ah uga jeedo,waayo waxaa dhici karta in maskaxda jiran/buktaa
ay odhanayso markiiba waxaa loo jeedaa reer qansax,
qoraaaguna waa reer qudhac, balse maskaxda fayoow ee bad-qabtaa
way fahmi kartaa in qoraalkaygu yahay baraarujin iyo wax
wada qabsi wakhtigan xaadirka ah, waayo far kaliya ahi fool
ma dhaqdo ayay soomaalidu tiraahdaa, kama maarano beel,
kamana maarano qoys, lama maarano garaad iyo siyaasi waa
inaynu inagoo isku duuban masiirka shacabkeena hogaaminaa,
nin baan maalin la sheekeystay wuxuu igu yidhi 'dhuloos isma
xukumi karo maamulna ma sameysan karaan', waxaan ugu
jawaabay taasi waa fikradda iyo propogaandada cadowgeenu
sheegaane, laakiin let us aynu tijaabiyo inaynu maamul
sameyn karno!.
Maxamed Jama –
Email;
madaxgaal@hotmail.com
OG: Fikrada
qoraalku xabaarsan yahay waamid ku kooban
qoraha qoraalka!!! ee ha u
qaadan siyadada Webka Ceegaag
Online............ |
|
|
|
webmaster@ceegaag.com |