Shir
labo Geesood ah oo Isimo ka socday Buuhoodle iyo Burco
Maanta ku yeesheen magaalada Xadhadhanka (Maxaase shirkaasi
looga hadlay)
(Xadhdhanka,
August 06,
2010 Ceegaag Online)
Magaalada Xadhadhan oo dhinaca Waqooyi galbeed kaga beegan
magaalada Buuhoodle 35KM ayaa maanta galinkii hore waxa ka
dhacay shir balaadhan oo labo Geesood ah isla markaana ay ku
yeesheen Isimada ka soo kicitimay magaalada Buro iyo Isimada
ka tagay magaalada Buuhoodle oo ay Wehelinayeen Cuqaal
Culumo iyo Waxgarad kale oo deegaanka Buuhoodle ah.
Waftiga ka socday magaalada Burco oo ahaa Mid balaadhan ayaa
waxaa hogaaminayey Suldaan Maxamuud Guuleed iyo Suldaan
Maxamuud Xaaji Xuseen oo kamid ah Salaadiinta ka soo jeeda
Bariga Burco oo safarkaasina ay kula socdeen Qaarkamid ah
Waxgaradka ka soo jeeda magaalada Burco.
Shirkaasina magaalada Buuhoodle Waxaa dhinaca Isimada
hogaaminayey Garaad C/laahi Garaad Soofe waxana ka loo la
socday Isimada kala ah Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo
Garaad Saleebaan Buraale aadan iyo Culumada Buuhoodle iyo
Waxgarad kale.
Ujeeda shirkaasi Maanta ka dhacay magaalada Xadhandhanka
ayaa looga hadlayey Guud ahaan Xaalada Guud ee Nabadgaliyada
deegaanka iyo Sidii Ciidamada Maamulka Somaliland ee jooga
deegaanada SSC uga bixi lahaayeen Qaab nabad galiyo, isla
markaana Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud
Siilaanyo ugala hadli lahaayeen Inuu Ciidamadiisa kala baxo
guud ahaan deegaanada SSC.
Shirkaasi ayaa soo Xidhmay galabta goor gaaban Waxana
Magaalada Buuhoodle dib ugu soo laabtay Ergadii ka socotay
Buuhoodle oo Saxaafada u sheegay inay maalinta barito ah u
soo Bandhigayaan Go,aamadii ka soo baxay shirkii ka dhacay
Magaalada Xadhadhanka oo siwayn isha loogu hayey Waxyaabaha
ka soo Bixidoono.
Wararka ku saabsan shirkaasi iyo Waxyaabah ka soo baxay
Maalinta Barito ah kala soco Shabakada Wararka ee
Ceegaag.com.
Calidhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |