Taliyihii
Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay
Caawa Fiidkii
(Laascaanood,
August 31,
2010 Ceegaag Online)
Wararka hada naga
soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa ku soo Waramaya in
Caawa Fiidkii Koox Hubaysani Weerar ku Qaadeen guriga uu
magaalada laascaanood ka degan yahay taliyaha Ciidanka
Asluubta ee gobolka Sool oo Caawa Weerarkaasi lagu Dilay
goor dhawaydto isagoo Xiligaasi ku sugnaa gurigiisa oo
kuyaala magaalada laascaanood.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Marxuun
Cabdi Ciise Nuur ayaa Waxa Weerar ku Qaaday Koox hubaysan
kadibna halkaasi ku dilay taliyihii Ciidanka Asluubta ee
gobolka sool, Marxuun Cabdi Ciise nuur oo Gurigiisa ku
sugnaa Xiligii Weerarka lagu Qaaday.
Lama oga sababay Ka danbeeyey Dilka
taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolkaasi Sool Waxana
Mudooyinka gobolkaasi hadheeyey Dilalka Qorshaysan oo
Laascaanood ka Noqday tusbax afka laga furay, Waxana
Weerardaasi Qaadaya Kooxo Hubaysan oo aan haybtooda la
garanay, iyagoona soo Duubanaya afka Xiliyada ay ku jiraan
Weerar Hubaysan.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |