Wakiilkii Itoobiya u Joogay Maamulka Somaliland oo isaga
Baxay Hargaysa, kadib Khilaaf soo kala dhexgalay Wakiilka
iyo Madaxwayne Siilaanyo
(Hargaysa,
August 29,
2010 Ceegaag Online)
Wararka laga helayo magaalada
Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa ku soo Waramaya
in Wakiilkii Itoobiya joogay Maamulka Somaliland uu gabi
ahaantiisa isaga baxay magaalada Hargaysa isagoona gaadhay
magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadankaasi Ethopia oo dib
ugu laabtay.
Tagitaanka Wakiilka Ethopia ee magaalada hargaysa ayaa lagu
sheegay khilaaf xoogan oo soo kala Dhexgalay Wakiilka iyo
Madaxwaynaha Maamulka somaliland Axmed Siilaanyo,
khilaafkaasi oo Todobaadkani Warbaahinta iyo jaraa'idku
siwayn uga hadlayeen Waxna khilaafkooda lagu sheegay arimaha
siyaasadeed oo ka diiday Madaxwayne siilaanyo dawlada
Itoobiya oo horay sxb ula ahayd Madaxwaynihii hore ee
Riyaale.
Warbaahinta Maamulka Somaliland ayaana siwayn haatan uga
hadlaysa Khilaafkani Waxana la iswaydiinayaa halka uu ku
danbay doono iyo Waxyaabaha keenay inuu Madaxwayne Siilaanyo
ka hor yimaado Danaha Xukuumada itoobia ay ka leedahay
Maamulka Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |