Xarumaha Jaamacadda Muqdisho ee Banaadir
iyo Boosaaso ayaa waxaa maanta
Imtixaankii kama dambeysta ahaa ee
Simisterka 2-aad uga furmay Kumamaan Kun
oo wax ka barta Jaamacadda.
Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Dr.
Maxamed Xasan Nuur oo saxaafadda kula
hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Xarumaha
Jaamacadda ay saakay dhamaantood ka
furmeen Imtixaanaadkan oo lagu soo
gabgabeynayo sannad waxbarashadeedka
2009/2010.
"Ardayda wax ka barta Jaamacadda waxay u
fariisteen Imtixaankii kama dambeysta
ahaa kaasoo socon doona 10-casho,
waxaana ardaydu ay isugu jiraan kuwo
Qalin jabinaaya iyo kuwo waxbarasho kale
ay u harsan tahay" ayuu yiri Madaxa
Imtixnaadka Jaamacadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr.
Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ka hadlay
Muqdisho ayaa hambalyo u diray dhammaan
ardayda ay Imtixaanaadka uga bilowdeen
Muqdisho iyo Boosaaso, wuxuuna u
rajeeyay guul iyo horumar.
Dufcaddan waa tii tobanaad oo ka
qalinjabisa Jaamacadda Muqdisho, iyadoo
ardayda Imtixaanka u fadhiya ay isugu
jiraan kuwo bartay qaybaha kala duwan ee
Cilmiga oo ka kooban 7-kulliyadood iyo
30-taqasus.
Dhanka kale. Qaybta Imtixaanaadka ee
Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay u
diraysaa hambalyo Ardada Jaamacadda
Muqdisho heerarkooda kala duwan ee
imtixaanaadku u billowdeen, sida:
Bachelor, Diplama iyo Master sanad
waxbarashadeedka 2009/2010, Imtixaankaas
oo si isku mida uga billowday xarumaha
Jaamacadda ee Muqdisho iyo Boosaaso.
Qaybta imtixaanaadka ee Jaamacadda
Muqdisho waxay ugu hambalyaynaysaa
Qoysaska Soomaaliyeed ee u dhabar
adaygay wax barista ubadkooda xilligan
adag iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed
ee kalsoonida siisay Jaamacadda in sanad
waxbarasheedka 2009/2010 uu si guul ah
ku soo gabagaboobay.
Dhammaan bahda Jaamacadda: waxay
hambalyo diirran u diraysaa Dalladaha
Waxbarashada iyo dhammaan Ardayda
Soomaaliyeed ee Imtixaanaadka u
fariisatay sanad-dugsiyeedka
2009/2010, gaar ahaan Ardada
Dhammaysatay Dugsiyada Sare, waxaana
ku boorrinaynnaa inay sii wataan
waxbarashadooda sare ee Jaamacadeed.