Shirwaynihii Koowaad ee
Golaha Qurbojoogta Jubbooyinka oo lagu qabtay Magaalada
London.
(London, June 17,
2010 Ceegaag Online)
Shirkani oo ahaa mid ay sugayeen dhamaan bulshoweynta kasoo
jeeda gobolada Jubbooyinka oo kudhaqan wadanka Ingiriiska
ayaa waxaa kasoo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahano,
Culumaaudiin, Ugaasyo, Dhalinyaro, iyo Haween. Waxaa shirka
marti sharaf ku ahaa Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
Prof Mohamed Abdi Gandi, iyo xubno katirsan baarlamaanka
DFKM oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Farah Dahir Affey,
Xildhibaan Ugaas Cabdiwahab Ugaas iyo wafuud kakala timid
yurub oo uu ugu horeeyay xoghayaha arimaha dibada jubooyinka
Dr. Liban Hussein Osman iyo gudoomiyaha Golaha Qurbojoogta
Jubbooyinka Mudane Abdi Ahmed
Waxaa
shirka hagayay oo shir gudoomiye ka ahaa Mudane Abdillahi
Mohamed, waxuuna kusoo dhaweeyay microfoonka Gudoomiyaha
Golaha Qurbojoogta Jubooyinka UK Mudane Abdinasir Sheikh
Biixi oo furay shirka una mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo
qaybgalay. Mudane Abdillahi waxuuna si kooban usharxay
ujeedada shirka oo ahaa in golaha qurbojoogta Jubbooyinka
soo bandhigaan una sharxaan bulshowaynta Jubbooyinka
mashruucyadii horumarineed oo ay gobolka kaqabteen mudadii
ay jireen taasoo ayan jirin dowlad dhexe oo howshaasi
uqabata shacabkeeda iyo warbixin kooban oo ku aadan xaalada
guud ee Soomaaliya, gaar ahaana xaaladaha Goballada
Jubbooyinka.
Aayadihii quraanka kariimka oo uu aqriyay Sheikh Mohamed
Ahmed Sayid, waxaa shirka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha
Golaha Qurbojoogta Jubbooyinka Mudane Abdi Ahmed, waxuuna
mahad gaar ah ujeediyay dhamaan qaybaha ay kakoobnaayeen
dadkii kasoo qayb galay shirka. Waxuu si kooban usharxay
habkii uu kubilaabmay ururka iyo waqtiga la’aasaasay iyo
ujeedooyinkii loo aasaasay, waxyaabihii uu qabtay intii uu
ururka jiray ee mashaariic ah iyo muhiimada ay leedahay in
laga shaqeeyo horumarinta iyo u adeegida bulshada kudhaqan
gobolada Jubbooyinka. Waxaa iyana si maqal iyo muuqaal ahba
loodaawaday mashruucyadii horumarineed ee ururka Qurbojoogta
Jubbooyinka kafuliyeen gobolka oo isugu jiray iskuulo,
madaaris, isbitaalo iyo agabyo ay ugu deeqeen bulshada sida
cagaf cagafyo ay kaga faaidaystaan falashada beeraha.
Waxaa
iyana shirka kahadlay masuuliyiin iyo odayaal kakala yimid
qaar kamid ah gobolada oo kuhadlayay magaca Jaaliyadaha soo
wakiishay, sida London, Birmingham, Manchester, Leicester
iyo Northampton.waxaana halkaa ka hadlay xoghayaha arimaha
dibada ee gobolada jubooyinka dr. liban hussein osman Wuxuu
si heer sare ah oga hadlay midnimada iyo wuxuuu qatay
ururkii spm nabadii, horumarkii gobolada jubooyinka iyo
xaalku meeshuu marayey iyo kafogaashaha khilaafka. Waxayna
si diiran ugu mahad celiyeen Golaha Qurbojoogta Jubbooyinka
iyo sida sharafta leh oo ay usoodhaweeyeen Prof Mohamed Abdi
Gandi iyo barnaajimka uu hormuudka ogayahay DFKM ee kuwajan
gobbollada Jubooyinka iyo Gedo.
Kadib
waxaa hadalka lagu wareejiyay Prof Mohamed Abdi Gandi oo ay
dadwaynuhu aad usugayeen. Waxuu marka hore umahadceliyay
Golaha Qurbojoogta Jubbooyinka sida xilkasnimada ah oo ay
isugu xilqaameen inay qabtaan shirkan, sidoo kale waxuu
umahadceliyay, dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirka. Waxuu
si hufan oga warbixiyay qaab dhismeedkii DFKM, wax
qabadkeedii, caqabadihii horyaalay, kulug lahaashaha
international communitiga xaalada cakiran ee kajira
Soomaaliya iyo habka ugu macquulsan ee nabad loogu soo
dabaali karo gayiga Soomaaliya. Waxuu kahadlay cadaalada iyo
sinaanta, muhiimada ay leedahay maamul wanaaga, tixgelinta
aqoonyahanada, culumaa udiinka, wadaniyadnimada, iyo
caqabadaha horyaala DFKM iyo in qofkasta xilkasaaran yahay
soocelinta sharafta iyo wanaaga ummada Soomaaliyeed. Sidoo
kale waxuu kahadlay qodobkii ay wada sugayeen kasoo
qaybgalayaasha ee kusaabsanaa barnaamijka uu hormuudka oga
yahay DFKM ee kuwajahan Jubbooyinka. Waxuu sheegay in ay
jiraan ciidamo lagu tababaray dalka Kenya kuwaasoo laga
keenay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayna soo aruuriyeen
odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo
Gedo iyagoo kajawaabaya codsiga oga yimid DFKM. Waxuu
sheegay inay jireen caqabado soo wajahay barnaamijka uu
isaga hormuudka oga yahay DFKM, laguna furay dacaayado, iyo
hadalo raqiis ah, dhamaantoodse laga soogodbay. Waxuu si
hufan uqeexay ujeedooyinka laga leeyahay ciidanka oo
kakooban dhamaan qabaailada dega Jubbooyinka oo aysan jirin
reer laga tagay, in barnaamijkani leeyahay marjic kakooban
oday dhaqameedyo, siyaasiyiin, culumaaudiin, kashaqeeya
danaha gobollada ay kasoo jeedaan taasoo ay kutaageerayso
DFKM. Waxuu sheegay in maslaxada Soomaaliya ay kujirto
wadahadal, sinaan iyo cadaalad. Warbixinta Prof Gandi oo
ahayd mid aad uqiimo badan, kunasalaysneed daganaan, aqoon
iyo waayo aragnimo ilaahay kumanaystay, waxay dadkii kasoo
qaybgalay ladhaceen warbixintiisii uu soo bandhigay iyo sida
kooban ee uu sharxay ujeedada socodkiisa iyo barnaamijka
DFKM ay uxilsaartay kaasoo ah mid kusocda habkii loogu tala
galay. Waxuu si hufan oga jawaabay dhamaan wixii su’aalo
ahaa ee lawaydiiyay.
Waxaa
intaas kadib shirka kahadlay xildhibaanadii kale ee lasocday
Prof Gandi sida Faarah Dahir Affey, Ugaas Abdiweli Ugaas,
iyo odayaal magac kuleh bulshada kudhaqan Jubbooyinka sida
Kornel Faarah Gurxan oo kahadlay xalka Jubbooyinka. Waxaa
kasoo baxay shirka go’aamada hoos kuqoran.
1. In si buuxda loo taageero barnaamijka DFKM ay
uwakiishatay Prof Mohamed Abdi Gandi ee ku aadan Gobollada
Jubbooyinka iyo Gedo.
2. In laga shaqeeyo midnimada, nabada, iyo horumarka
gobollada Jubbooyinka.
3. In lataageero Mashruucyada ay Golaha Qurbojoogta
Jubooyinka kafulinayaan gobolka, laguna taageero howsha adag
oo ay isku xilqaameen.
Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay shirka waxay balan qaadeen in
ay si buuxda oga qayb qaadan doonaan barnaamijka uu Prof
Gandi hormuudaka ogayahay DFKM ee ku aadan Gobollada
Jubbooyinka lana garab taaganyihiin hiil iyo hooba. Waxaa
iyna kahadlay Mudane Cabdi Casiis (Xildhibaan) oo sheegay
inuu taageersan yahay mashruuca uu Prof Gandi hormuudka
kayahay. Waxaa iyana kahadashay madasha Shirka gudoomiye
kuxigeenada GQJJ Marwo Shamso Yusuf Abdi, kuna dhiiri
galisay dadka kasoo qaybgalay shirka inay kashaqeeyaan
iskuxirnaanta iyo muhiimada barnaamijyada horumarineed
uleeyihiin dadyowga kudhaqan gobalka. Waxuu shirka
kudhamaaday jawi wanaagsan iyo sidii loogu talagalay.
Gudoomiyaha Golaha Qurbojoogta Jubbooyinka Mudane Abdi Ahmed
iyo dhamaan xubnaha uu kakooban yahay goluhu
umahadcelinayaan dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirka iyo
taageerada ay ufidiyeen ururka inay kala qaybqaataan
horumarka Gobollada Jubbooyinka.
Golaha
Qurbajoogta Jubooyinka
United Kingdom
webmaster@ceegaag.com |