shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Yaa diley Soomaaliya?

(Soomaaliya,  June 06,  2010 Ceegaag Online)

 

Asalaamu caleykum.

Inagoo aan wakhtiga ku luminayn arar iyo hordhac  waxaynu sihufan oo waaqica u eegaynaa dhacdooyinka isdaba joogey ee hadheeyey guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Inagoo ka dheeraanayna inaynu wax ku qiyaasno jibo ama caadifad iyo Nin jeclaysi ama rag iska dhicin iwm, waxaa hubaal ah in shacabka soomaaliyeed sifiican uga dheregsan yahay waxa ka jira geyiga Soomaaliyeed oo ah meel Qabiilo ku hirdamaan.

 

Waxaa qoran oo taariikhdu sheegtay qaabkii Soomaalidu u noolayd ama u dhaqmi jirtey Guumaysigii saancadaalaha ahaa inta uusan iman geyiga Soomaaliyeed.Hadaba inaga oo aan ilaawaynin taariikhdii dheerayd ee Awoowayaasheen soomareen sida tii Axmed Gurey oo uu aad wax uga qoray Taariikhyahankii ama qoraagii Carbeed ee Shihaabu diin Al-jeysaani buugiisa looyaqaano Fuxuuxul xabasha oo sifiican wax uga qoray soojireenka Soomaalida. Waxaa kaloo aad wax uga qoray soomaalida iyo geeska Afrikaba:

-The Ethiopians by Pankhurst. bogga: 75 published by Blackwell.

- The Ethiopian Royal Chronicles, by Richard Pankhurst, Bogga: 17, Sadarada 7-12 iyo sadarka 25. Published by Oxford University Press in 1967.

- The Ethiopians, Pankhurst. Bogga. 76.

 Iyo buugaag aad u faro badan oo aynaan halkan ku koobi Karin.

Hadaba Saancadaalihii markuu yimi ee uu gumaystey geyigeena waxay soomalidu u kala baxday dhawr qaybood oo kala ah Nin Dagalamay oo diidey guumaysigaSida Daraawiishtii Soomaaliyeed ee uu Hogaaminayey Halgamaagii Sayid Maxame.

 Waxaa iyana guntiga dhiisha iskaga dhigay dabadhiliftadii  oo askari iyo basaas u noqday ingiriiskii ama talyaanigii amaba Fransiiskii. Waxaa jirey iyana dad dani u runsheegtay oo iyagu aan labadaas midna ahayn oo sababo jirey awgood isha uun wax ka eegayey sida xoolo dhaqatadii iyo danleydii qaar ka mid ah.

Xoriyadii:

Hadaba wixii dhacay markay dhaceen waxaa lasoo gaadhey xiligii guumaysigu naftiisa runta u sheegi lahaa oo garowsan lahaa inuusan guumaysan Karin Soomaali. Sababaha keenay in xornimo lahelaa aad ayay u badnaayeen. Waxaana ka mid ahaa Dagaalkii adkaa iyo diidmadii cadayd ee lagala horyimi, sidookale waxaa ka mid ahaa in Yurub uu soo wajahay dagaal soo noqnoqday oo gudaha yurub ka bilowday kaas oo riiqay awoodii dhaqaale iyo tii meleteri iyo tii siyaasadeed dhamaan. Dagaalkii koobaad ee Aduunka (1.w. war).  Wuxuu ahaa turunturo weyn oo soo gaadhey dadkii cadaanka ahaa ee wax gumaysanayey.Waxaa isna ugu danbayntii adhaxda ka jebiyey oo wiiqay awoodii yurubiyaankii damaca waalaa dagaalkii labaad ee Aduunka (2. W.War). Dhanka kale waxaa jirey meelo badan oo uu ku guuleystey guumeysigii Yurubiyaanku oo uu dhaxal wareejiyey dadkii lahaa dhuka sida Ustareeliya, Niyuusiilaan, Ameerika oo hada looyaqaano USA, koonfurta Afrika oo waa dhawey ka xorowdey( 1990) Cadaankii tirade yaraa ee adoonsiga ku hayey dhulkaas iyo dadkii lahaaba.

Hadaba markii Somaalidu xorowdey waxaa soomaali oo dhami wadaagtey xoriyadii oo noqotey mid loo simanyahay kii guumaysiga ladagaalamay iyo kii lajireyba. Waana wax lagu farxo mar haday xoriyadi timi oo lacafiyey dadkii gumaysiga lajirey.

Jabhadayn:

Waxaa marlabaad Soomaaliya godob ka galay oo burburiyey Dawladnimadii Soomaalidu ku naaloonaysey dad soomaaliyeed (SSDF iyo SNM).jabhadahan intaan labilaabin waxaa dhacay labo inqilaab oo labaduba fashilmeen kuwaas oo kala ahaa mid ka dhacay woqooyiga oo ahaa 1964 iyo mid ka dhacay koonfurta oo ahaa 1978.markay ku fashilmeen inay inqilaabaan dawladii markaas jirtey oo ahayd mid xoog badan go,aan adag mayalkana ay u hayeen dad soomaalinimadu ku weyntahay inkasta oo ay xaga diinta ku liiteen, hadana kuwan inqilaabayaa may ahayn culimo ka khayr badan kacaankii xiligaas jirey.Dadkii ku guuldaraystey inqilaabyadaas waxay isu bedeleen ama u xuub siibteen Jabhado garab ka dhigtey Mingiste xayle maryam oo ahaa hogaamiyihii keligiis taliska ahaa ee Itoobiya . Ninkaas oo ku hayey Soomaalida dagaalo ba,an. Jabhadahaas xukun doonka ahaa ee ku dhisnaa qabyaalada waxay soomaalida u horseedeen dagaalo lagu riiqday shacab iyo dawladba kadib waxaa meeshiiba ka baxay Qarankii soomaaliya kadibna waxay geyigii Soomaaliyeed dhaxalsiiyeen waxa manta lagu jiro oo aan u baahnayn inaan faahfaahin ka bixiyo waayo? Waad aragtaa waadna ka dheredsantahay hooga ka jira dhulkeena ee gaal iyo islaamba laxalin kariwaayey ilaa iyo hada.

Kadib markii taladii faraha ka baxday waxay sameeyeen jabhadihii qabyaalada ku dhisnaa inay siihuriyaan dhibka ka taaganSoomaaliya si ay u gaadhaan ujeedooyinkoodii ahaa inay kala googooyaan dhulkii soomaaliya. Waxay jabhadahaasi ugu horayntiiba bedeleen magacyadoodii oo ahaa kuwo fool xun oo ku caanbaxay burburinta iyo lugooyada shacabka Soomaaliyeed.

Koonfurta waxaa fashilmay jabhadii  USC oo iyadu abuurantay dabayaaqadii sideetamaadkii taas oo ku danbeysey waxa soomaalidu u taqaano qabqablayaal dagaal kuwaas oo isugu biyo shubtay shikhsiyaad layaqaano oo lagu baraarugey inay yihiin dhiig miirato ku nool xumaha iyo dibindaabyada shacabka ku dhaqan Muqdisho iyo hareereheeda. Shacabkii deegaankaas sharafta lihi halmar ayuu iska kor qaaday dagaal oogayaashii halista ahaa iyagoo kaashanaya maamulkii curdanka ahaa ee looyaqaaney maxaakimta Islaamka.kuwaas oo iyana u kala baxay Maangaab iyo mintid,maangaabka oo noqday kuwo ka fekera kursi aan meeshaba oolin iyo inay ku xisaabtamaan awoodo shisheeye oo soomaaliya ka leh dano iyo ujeedooyin kala duwan oo aanan halkan ku soo koobi Karin, waadse ka dheregsantihiin xalada Soomaaliya wallaal.

Mintidka oo iyaguna ku adkaystay inay ku tiirsanaadaan Ilaahay kadibna Shacabka Soomaaliyeed iyagoo gacanta sibuuxda ugu dhigay gobolo badan oo ka mid ah geyiga Soomaaliyeed, mintidkaas oo diidey inay wax gorgortan ah ama wada hadal ah lagalaan Dadka garabsanaya awoodaha shisheeye. Iyagoo shuruud uga dhigay in wax walba ay ka horeeyaan inay ciidamada shisheeye Dalkeena Hooyo ka baxaan.

Waxaan iyagu weli baraarugin shacabka bariga soomaaliya oo weli u afduuban Jabhadii SSDF oo iyadu aan fashilmin sidii Qabqablayaashii Xamar.waxay si xariifnimo ah uga dhuunteen godobihii Soomaalida ay ka galeen ee ahaa inay dhib u horseedeen geyiga Soomaaliyeed. Aabihii dagaal oogayaasha Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ahaa hogaamiyihii SSDF Ninkaas oo afkiisa ka qirtay inuu Dagaalka Bilaabay ugu danbayntiina sameeyey maamul goboleedka Puntland isagoo balaadhiyey maamulkiisii jabhadeed sidoo kalena bedeley magacii foosha xumaa ee laga didayey, wuxuuna uga sii dalacay Madaxweyne inuu u noqdo Soomaalida oo dhan isagoo markuu is sharaxayey isku amanayey inuu yahay Ninkii Dagaalka Bilaabay. Dhanka kale waxaa kala dhaxla hogaaminta maamulka Garoowe Rag  SSDF ah oo ilaa iyo hada xidhiidh adag laleh cidkasta oo Soomaaliya lugooyo ku wada.Waxaa rajo weyn laga qabaa in shacabka Puntland iska kor qaadaan jabhadaas u xuubsiibatey maamulka ee ku kornool shacabka masaakiinta ah.

Waxaa iyana lamid ah Jabhada SNM oo u xuub siibatey maamul Soomaalidiid ah oo ku faraxsan kuna rajo weyn inay geyiga Soomaaliyeed kala qoqobto. Ugu danbayntii waxaa muhiim ah inaynu ogaano inay jiraan dad lugooyo weyn ku haya oo hurinaya dagaalada ka socda Muqdisho iyo agagaarkeeda. Labadan maamul ee ka taliya Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyagu qayb libaax ka qaata hurinta dagaalka  ku habsadey magaalada Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya. Waxaa jira ujeedooyin badan oo qarsoon iyo kuwo muuqda oo ay ka leeyihiin inuu siisocdo dagaalka koonfurta Soomaaliya. Hadaba ujeedooyinka muuqda waxaa ka mid ah inay doonayaan fowdadu inay ku dabo dheeraato dhulkaas si ay aqoonsi uga helaan Aduunka. Waxaa muuqda oo aan qarsoonayn in labadaas maamulba bedeleen Calankii Soomaaliya lagu yaqaaney ee quruxda badnaa(Calankayagoow cawaale) iskuna magacaabeen dawladdo.  Waxay ahayd dhawaan markii Madaxweynaha Garoowe bedeley magacii maamul goboleedka oo loobixiyey Dawladda Puntland.

 

Gabo gabo: waxaa laga rabaa inay baraarugaan shacabka Soomaaliyeed oo ildheer iyo feejignaan u yeshaan hagardaamooyinka ku socda iyo kuwa lala maaganyahay.

Eng.C/laahi Cali.

 


webmaster@ceegaag.com