Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh,
rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato
korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo
asxaabtiisii dhamaan.
Intaas ka dib:
Waqti aan sidaas u sii fogayn ayay
taageerayaasha kooxda budhcada ah ee SNM, ay u dabaal degeen
sanad guura ka soo wareegtay sanadihii madoobaa ee uu
cadawga xabashidu ku soo biiriyay saaxada Soomaalida ururkaa
cunsuriga ah SNM, koox kasta ama mid walba oo
taageerayaashooda ka mid ahi wuxuu ugu dabaal degaayay
qaabkiisa u gaarka ah, hadaba taageerayaashaa kuwooda wax ku
qora mareegaha kala gedisan ee cunsuriyada iyo Soomaali
nacaybka lagu faafiyo, ayaa ku soo qoray
Mareegahaa qoraalo kala gedisan oo ay kaga
qayb qaadanayeen xuska sanad guuraha loo samaynaayay ururkaa
cunsuriga ah, qoraaladaas intooda badani waxay ahaayeen isla
kuwii hore ee uun ay qori jireen sanad kasta, oo wax cusub
oo ay ku soo kordhiyeen ma jirin, marka laga reebo hal
qoraal oo ay ishaydu si fiican u qabatay, aana aad ula
yaabay sida ninka qoray qoraalkaas uu u dheeh dheehayo waxa
uu ugu yeedhay taariikhdii ururkaa cunsuriga ah, waxa aad
iiga sii yaabisay taariikhda ri’yada iyo khiyaalka ah
Iyo guulaha aan waxba ka jirin ee uu ninkan
qoraalka qoray uu ka sheekaynaayo, xumaanta iyo
dembiilanimada uu ku tilmaamayo wanaaga, uuna doonaayo in uu
ummada ka iibiyo, wuxuuna jecel yahay ninkanu in dembiyada
iyo xadgudubyada ay shacabka ka galeen uu noqdo mid faafa oo
meela badan gaadha, gaar ahaan wadankeena oo dhan oo uu u
hibeeyay iyo mandaqada aynu ku naaloba, waa nin u badheedhay
in uu xumaan fidiyo, wuxuuna ku tilmaamay taariikh ku
dayasho mudan!!!!
SNM: taariikhdu dadkay hagtaa!!!!!
Weedhatan aanu shakigu ku jirin inaad dhamaan
la yaabi doontaan, marka laydinka reebo taageerayaasha SNM,
ee sida indha la’aanta ku taageersan dhamaan dembiyadii iyo
xadgudbyadii ay ummada iyo wadankaba ka galeen, waa
cinwaanka uu xambaarsanaa qoraalkaa aan soo tilmaamay, ee uu
ninka qoray uga dan lahaa marin habaabinta taariikhda
ummada,iyo abuuris taariikh been abuur ah, qoraalkaas waxa
lagu soo daabacay mareegta islaam nacaybka iyo
dabadhilifnimada ku caan baxday
Ee afdheer(wardheer.com).
hadaba qoraalka intiisa badan wuxuu ninkaasu kaga hadlaayay
aasaaskii ururkaa cunsuriga ah iyo intii mujrim ee
madaxtinimadiisa u kala dambaysay, taas oo uu ku
macnaynaayay dimoqraadiyad ku daysho mudan!! Aan se
dhamaanteen ka warqabno in xoog lagu kala kacsanaayay, oo
aanay marna wax doorasha ah lagu kala helayn, si kastaba ha
ahaatee ma jirto waxaan ka faa’iidayno xili la aasaasay urur
cunsuri ah iyo mujrim mujrim bedelay toona, ee waxa u
jeedkaygu
Yahay, in aan halkan ku xuso weedho uu
qoraalkaasu xambaarsanaa, oo ku tusinaysa riyada iyo
lunsanaanta uu ku sugan yahay ninka qoraalkaa qoray iyo
dhamaan taageerayaasha ururkaa cunsuriga ahiba,
weedhahaasuna sidan bay u dhignaayeen tan ugu horaysaana waa:
{
SNM
waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku
suntami doona taariikhda casriga ah ee Soomaalida guud ahaan,
gaar ahaanna ta Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran
karaa qiyamta talowadaagnimo iyo isu tanaasulaadka ku
tusmaysan.}
hadalkan oo ah mid marin habaabin ah, waxay
xaqiiqadiisu tahay in SNM cadaw ku adeeganaayay, oo intuu
soo tababaray oo soo hubeeyay uu ku soo hagay wadankoodii,
si ay u gaadhsiiyaan wuxuu cadawgu gaadhsiin kari waayay,
taas oo aynu maanta wada aragno natiijadeedii, mabda’oodu
wuxuu ku salaysnaa qabiil iyo isir kala sooc cunsurinimo ah,
dagaalkooda xoogiisu 85% wuxuu ku jahaysnaa dad shacab ah
iyo goobo aanay joogin haba yaraatee ciidamada dowladeed,
ciidamadooda waxa lagu dagaal
Gelin jiray in ay iyagu
dhulka iska leeyihiin, wixii aan la qabiil ahaynina ay tahay
in ay dhulka ka guuraan, ayna noqdaan dowlad ka madax banaan
Soomaaliya inteeda kale, dabcan waxay iyagu doonayeen iyo
wuxuu cadawga soo hubeeyay rabay aad bay u kala fogaayeen,
marnaba cadawgu ma rabin in ay noqdaan dowlad madax banaan,
ee bal siyaasadiisu waxay ku salaysnayd taynu maanta ku jiro
guud ahaan Soomaaliya, waxay dhulkaa ka gaysteen dembiyo iyo
xadgudubiyo aanay gaysan Naasiyiintii iyo
serbiyiintii midkoodna,shakina kuma jiro in
taariikhdoodu ku dambayn tay ku dambayeen Naasiyiintii,
Serbiyiintii, cadaankii midab takoorka ahaa ee koonfur
Africa iwm, miyaad aragteen taariikh ka hadhay kuwaas!
Dembiilayaal cunsuriyiin ahi cidhib wanaagsan iyo taariikh
toona ma reebaan, druusta laga baran karaa Allaah ha inaga
ilaaliyee, waa cunsuriyada qabiilka ku salaysan, fidnada iyo
iska horkeenka walaalaha wada dhashay, necaybka ummada
inteeda kale, gumaystah iyo cadaw u adeegida, xalaashiga wax
kasta oo xaaraam ah, dilka foosha xun,
dhaca,bililiqada iyo wax kasta oo dembi iyo
xadgudub ah.Weedha labaad ee iyana I soo jiidatay baa waxay
iyana u dhignayd sida tan: {
SNM waxa ay talada ku celisey
dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993
Boorame xilka iskaga wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna
waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena horseedday
qalalaasayaasha la soo dabbaali la’yahay ee dagaallada
sokeeye iyo ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka
ah ee ilaa maanta dhisaalan.}
Tanuna waa dheehdheehid indha la’aan ah iyo
marin habaabin kale, SNM markay gobolada qaar gacanta ku
qabteen kuna dhawaaqeen riyadoodii soo jireenka ahayd ee ay
waqtiga dheer hiigsanayeen, ee ah in ay ka madaxbananaadaan
Soomaaliya inteeda kale, waxa ka dhex abuurmay dhibaatooyin
badan waxayna isaga wada horyimaadeen hab qabiil, ilayn
aasaaskoodu qabiil buu ahaa qabiilna meel uu ku dhamaado ma
laha ee, doonidiina meel badwayn ah bay kula caariday, oo
waxba way ka qaban kari
Waayeen qalalaasihii, jaahwareerkii,
darxumadii iyo colaadihii hadheeyay goboladaa, laba sano ka
dib ayaa waxaa inqilaab nabad gelya ah ku samayay
xukumkoodii Maxamed Ibraahim Cigaal, oo wata qaar ka mid
ahaa siyaasiyiintii Manefesto iyo waxgarad iyo aqoonyahan
kaleba, C/Tuur oo ahaa markaa madaxii ururkaa cunsuriga ah
ee SNM, wuxuu u boqoolay dhinaca koonfurta markii xukumkii
laga tuuray, wuxuuna ka soo horjeestay isla markiiba, gooni
isu taagii ay hore ugu dhawaaqeen.
Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu
xukumka ka fogeeyay xubnihii SNM, waayo wuxuu ku qanacsanaa
in hadii ay ku sii jiraan xukuumada aan wax horumar ah la
gaadhayn, wuxuuna horumar wayn ka sameeyay dhinaca nabad
gelyada yaanayba caga adag ku taagnaan ee, horumar badan oo
kalena wuu sameeyay intii uu xukumka hayay, dalkii waa isu
furmay, dadkiina waa is dhex galeen oo isu socodkii baa soo
noqday, qaxootigii ku sugnaa ee ku darxumaysnaa dhulka
Ethiopia gumaysataana wadanka ayay dib ugu
Soo noqdeen, Maxamed Ibraahim Cigaal waxba
kama bedelin andacadii SNM ee ahayd gooni isu taaga, in
kasta oo aanu isagu ahayn nin doonaaya in uu dalka kala
gooyo, kuna qanacsanaa in aanay suura gal ahayn ,
Soomaalida kale iyo aduunkana ka gadmayn,hadana waxa ku
adkaatay in uu si fudud uga horyimaado, balanqaadkii ay SNM
shacabka hooga iyo halaaga u soo mariyeen, ubadkoodiina
awgeed ay ku laayeen, markaa taas wuxuu ka doorbiday in uu
nabad ka sameeyo goboladaas horta, adeegyadii
Aasaasiga ahaana soo celiyo, dhowrona inta
Soomaaliya xal laga gaadhaayo, isagoo taas si fiican ugu
dhuun daloolay oo la socday dedaalada loogu jiro, talooyina
ka dhiiban jiray arimahaas, hase yeeshee arintii waxay madax
ilaa minjo isu rogtay markuu geeriyooday Maxamed Ibraahim
Cigaal aw Riyaalena kursigii ku fadhiistay. Markaa waxaynu
leenahay SNM waxa lagu sameeyay inqilaab nabad gelyo oo
taladii lagagala wareegay ka dib laba sano oo wax qabad
la’aan ahaa, USC se waxa lagu sameeyay
inqilaab degdeg ah oo ay siyaasiyiintii
manefesto ka dambeeyeen, markii dambena dhiig aad u fara
badani ku daatay. Waxa se xusid mudan wax kastaba ha ku
kaceen ee, in waqti aan aad u badnayn ka dib uu magacii USC
saaxada ka baxay, oo aan maanta la hayn wax magacaa sheegta,
markii ay ku qanceen taageerayaashii ururkaasu in aanu u
horseedi doonin nabad iyo barwaaqo, inta uu jirona aan xal
laga gaadhayn arimaha wadanka ee murugsan, waa arin qaderin
iyo ku dayasho mudan, oo ay ka baaqsadeen taageerayaasha SNM!!!!
Weedha saddexaad ee iyana ishaydu qabatay
sidan bay u dhignayd: {Si
kastaba ha ahaato’e, wixii libtooyo ama guulo halgankaas
SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex
oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo,
taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa,
berritona yeelanayaa. Maanta Madaxweyne Daahir Riyaale
Kaahin ama wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro
ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii
taliskii Maxamed Siyaad Barre lagama sheegan karo Somaliland
oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii SNM ee
aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay
aabbihii xagga kale ka sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay,
labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay Dastuurka
Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo.
Kala duwanaantu se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir
Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa in ay ka mid
ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed
Siyaad Barre, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo
Axmed Maxamed Seyidina aasaasayaashii SNM}
Waxaan shaki ku jirin in ninka qoraalkan
qoray uu yahay qoraa aan sahlanayn, haduu qoraaladiisa kaga
hadli lahaa wanaaga,khayrka iyo cadaalada, ummadu wax badan
ayay ka faa’iidaysan lahayd, waxa se ah wax aad looga
xumaado in uu qoraaladiisa u adeegsado dhinaca sharka, waa
nin aad u baratay sida baadilka xaqq loogu ekaysiiyo,
xaqqana baadil looga dhigo, waxaan filaayaa taas waa
duruustii uu ka soo qaatay ururkaa cunsuriga ah ee SNM,
waayo sida uu qoraala kale ku sheegay wuxuu ka mid ah
ururkaa
Oo uu dhalinyaranimo
kaga mid noqday, waxana leeyahay libtooyada iyo guusha
halkaa inaga dhig waayo taasu wax aasaas xaqiiqa ah ma laha,
labada agoomood ee uu leeyahay waxbay u siman yihiina waxay
ka mid tahay dheehdheeha uu u samaynaayo maamulka isku
magcaabay Somaliland ee dhaxlay fikirkii lunsanaa ee SNM,
waxa se cad in aan labadaa agoomood u sinayn maamulkaa,
sideedabana aan loogu tala gelin in ay sinaadaan, kala
duwanaasha sooyaalka taariikheed ee Maxamed Xaashi Cilmi,
Xasan Ciise
Jaamac, Axmed Maxamed Seyidina iyo Daahir
Riyaale, Cabdullaahi Ciro oo gadaal kaga soo biiray iwm, waa
aasaasayaashii sharka,fidnada iyo cunsuriyada, taariikhda
ummadana waxay kaga qoran yihiin baal madow, waxana waajib
ah in lagula xisaabtamo intooda nool dembiyadii ay ummada ka
galeen oo ay ugu dambeeyeen kuwaa hada gobolka Sool ka
dhacaaya, dhinaca kale Pro. Ismaaciil Hure Buubaa, Dr.
Caydiid Ilka Xanaf, Pro. Axmed Ismaaciil Samatar,
Cabdullaahi Boos iwm, waa ururiyaal u guntaday siday ummada
ugu soo celin lahaayeen qaranimadii, sharaftii iyo
karaamadii, waxana u sugnaatay cidhib wanaagsan,
taariikhdana waxa ay ka gelayaan baal dahab oo lagu xasuusto,
waa marka aynu mandaqadaa ka hadalo ee.
Xoraynta Laascaanood
Qaar ayaa waxay I wadiiyeen, maxaad xoraynta
Laascaanood wax uga qori wayday, oo dedaalada xoraynta
magaalada uga qayb qaadan wayday?!!! Horta waa run oo in
kasta oo aan aad wax uga qoray intii aanu cadawga
Ethiopianku magaalada ku wareejin maamulka la baxay
Somaliland, markii la qabsaday magaaladana aan ahaa kii ugu
horeeyay ee ummada u iftiimiyay shirqoolka cadawga, in
arinta uu gacanta kula jiro cadawgeena Ethiopia, taasna la
ogaaday waqti dheer qoraalkaygii ka dib in ay run
Tahay, waqtigaa anigu waxaan dhamaan
dhinacyada ay arintanu khusayso ugu baaqay in la wada hadlo,
miiska wada hadalada laysugu yimaado, oo arinta si nabad
gelyo ah lagu dhameeyo, iyada oo danta shacabka wax walba
laga horaysiinaayo, markii taas laga quustay ayna muuqatay
in qolo walba Kitaab qumane ahi qoorta u sudhan yahay,
dhinac walibana ka ka soo horjeeda uu u arko khaayimiin iyo
dabadhilifyo ay tahay in aan arintan loo daba fadhiisan,
ayaan markaa garwaaqsaday in aan wax ka
Qorista arintanu waxba soo
kordhinayn, hase yeeshee mabda’aygii iyo fikirkii aan taas
ka qabay wax iska bedelay ma jiraan, ilaa maantadaana waxan
qabaa in waxa aan la huri dooninin uu maanta haboon yahay,
kaas oo ah wada hadal arintan lagu dhameeyo waa fursad weli
taagan, oo haboon in laga faa’iidaysto inta aan khasaare
dhicin, dabadeedana khasaaraha ka dib ay lama huraan noqon
in wada hadal laysugu yimaado sidii Soomaalida u caada ahaan
jirtay, dhinacyada arintan ku lug lihi way badan
Yihiin,mid dowlad aan meel ay ka gadmayso la
garanayn sheeganaaya oo is mahadiyay, mid iyaga ka daba
sacabinaaya, mid ciishaysan oo in lagu soo xadgudbay u arka,
mid ishaafalata ku jira iwm, dhamaan waxaan leeyahay, belo
haday dhacdo Allaah ha inaga hayee, waxay yeelan kartaa
kedisooyin aan nina ku tala gelin, ayna tahay in uu dhinac
waliba fisho, oo nina guul iskuma hubo ee caqligu ha
shaqeeyo, maanta labadaa gobol ee woqooyi galbeed iyo
woqooyi bari waxa lagu haystaa nabad ay la’dahay
Soomaali inteeda kale ee yaan
la lumin, waxan maqli jiray walaaleheena Cafarta oo aynu cid
isugu dhownahay, oo dhiig iyo dhalashoba inaga dhexayso,
ayaa waxay ku maahmaahaan:” Soomaali dhergay alxamdulilaahi
ma yidhaahdo” runtii aad baan u garwaaqsaday arintaa, bal
eeg cibrad kumaynu qaadan wax yaabihii badnaa ee 20kaa sano
ina soo maray,ilaa maalintii dhibaatadu bilaabantay waxaynu
arkaynay koox xoogaa yar oo guul ah gaadhay iyagoo awel ku
andacoonaayay in la dulmay,markaas ayay
Halkay Allaah ka mahadin lahaayeen, bay iyagu
is mahadiyaan, oo la soo baxaan kibir iyo isla wayni iyo ka
dhega adayg wax kasta oo loola yimaado, oo bilaabaan in ay
inta kale madaxa cagta ka saaraan, markaas ayaad beritoo
arkaysaa hadana iyada oo cid kale lagu saliday oo wixiiba ka
fara madhan, haba yaraatee cibrad kuma qaataan wixii hore u
dhacay, koox kasta oo maanta wax is bida cibrad waxaa ugu
filan hadii Allaah tusaayo, dowladii Africa ugu xooga
waynayd waxaa xukumkii ka riday jabhada qoryo
Yar yar wata, oo aanay weligood xisaabta ku
darsan, dhab ahaantii may ahayn waxa riday jabhado,bal wax
yaaba kale oo badan baa isu urursaday, oo dunuub ah, markaa
jabhadihii hubka u qaatay ee ay xaqirayeen, baa Allaah
tacaalaa ku ciqaabay iyaga in ay xukumka ka tuuraan, hada
dhinacyada arintan ku lugta leh qaar baa is mahadiyay, laga
yaabee xoogaa ay dabadooda ku og yihiin owgeed, bal waa
sidaan soo xusnay ee belo haday dhacdo cidina ma saadaalin
karto meesha ay ku dambayn, markaa caqligu ha shaqayo
Soomaaliyay,weliba mid baan taas ku darayaa waana dhibtii
iyo burburkii Soomaaliya woqooyi
Buu ka bilaabmay, nabad soo noqatana woqooyi
bay ka bilaabatay, hase yeeshee reer woqooyi ugama
faa’iidaysan nabada ay heleen sidii haboonayd, bal waxaa
waqtigii lagu lumiyay mudadaa labaatanka sanadood ah riyo
iyo dhalanteed, oo ah dowlad baanu nahay aan meela ka
gadmayn suura galna ahayn, wax badan baana taas ku seegay
reer woqooyi, hadaan maanta inta hadhay laga faa’iidaysan oo
aan wax la saxin oo caqli iyo niyad wanaagsan lala iman,
waxaan shaki igaga jirin in ay dhibtu mar labaad ku soo
noqon halkay ka bilaabantay, oo ay ku dambayn woqooyi,tan
kale aniga Laascaanood, Hargaysa,
Gaalkacayo, Baydhabo
iwm, waa isugu kay mid, intubana waa ciida qaranka
Soomaaliyeed, midnimadooduna waa lama taabtaan, midnimada
dhulka Soomaaliyeedna wax gorgortan ah ma leh haba yaraatee,
sidaas darteed waxaan u arkaa kuwa yidhaahda marka ay SNM ta
ka hadlayaan, haday doonayaan intooda ha goosteen!!!! In uu
yahay hadal raqiis ah oo wadaniyad xumo ku dheehantahay,
Soomaaliya waa mid, cid dhul gaar u lihina ma jirto, bal
dhulka qaranka ayaa leh, Soomaali oo dhamina
Waa u siman yihiin Laascaanood, Hargaysa,
Gaalkacayo, Baydhabo iwm, ururada qabiilka ku salaysan ee
hada jira ama la aasaasaayona, waxaan shaki ku jirin in ay
ku dhici doonaan tay ku dhacday SNM ee aan hada ka hadlayno,
haday taasu dhacdo oo aan noolahayna waxaan noqonayaa kan
ugu horeeya ee cambaaraya, waayo anigu SNM dad ahaan uma
necbi, ee waxaan ku necebahay dembiyadii, fidnadii iyo
xadgudubyadii ay dalka ka gaysteen, cida doonaysa in ay ka
hortagaan fikirka guracan ee gooni isu taaga
Ee ay SNM horseedka ka tahayna, waa in ay
abuuraan urur wadani ah oo kaga hortaga fikirkaa gurcan
gudaha iyo debedaba, taageerana waa in ay ka raadsadaan inta
badan ee caafimaadka qabta ee joogta Laascaanood, Burco,
Hargaysa iwm, xubnaha ururkana laga qayb gelyo dadkaa,
habkaa wadaniga ah baana lagaga guulaysan karaa ururkaa
cunsuriga ah, maanta waxaan aaminsanahay in uu dhamaaday
xiligii qoriga caaradiisa wax lagu raadin jiray, bal waa
xili hab siyaasadeed oo nabad gelyo ah wax lagu
Raadiyo, waa xili mudan halkii laga aasaasi
lahaa ururo qabyaalad ku salaysan, la aasaaso ururo
wadaninimo ku salaysan, waa run oo Laascaanood waxaa xoog ku
jooga cadawna kaga dambayaa niman budhcad ah, oo ah
ciidamadii SNM ta aynu qoraalkan kaga hadlayno, hase yeeshee
dee budhcadaasu waa Soomaali ay cunsurinimo iyo fikir
guracani madax mareen, una baahan in laga dawayo cudurkan
Soomaali necaybka ah ee uu shaydaanku ku ibtilayay.
Colka wadhaf ma lagu
deyay?!!
Horta mudo aad u dheer, markii wax walba
laysku deyay in lagu dawayo walaalaheenaa gooni isu taaga
iyo Soomaali necaybka lagu ibtilayay, ee ay waxba tari
waayeen, waxaan odhan jiray tolow dawada baas ee ugu
dambaynta lagu dawaynayaa maxay noqonaysaa?!! Waxa se kediso
iyo lama filan waa igu noqotay, aadna aan ula yaabay, markii
ay fanaanada Saado Cali qaaday dhowr heesood, oo ay kaga soo
horjeedo gooni isu taaga madax maray kooxda SNM iyo
taageerayaashooda, ayaa waxay ka dhex
Abuurtay maamulka la magac
baxay Soomaaliland guud ahaan jaahwareer iyo isku dhex yaac
aad u xoogan, qayla dhaan aad u dheer baa ka soo yeedhay SNM
iyo taageerayaashoodii, waxaad subax kasta ugu soo
waaberiisanaysaa warbaahinta u adeegta maamulkaas gaar ahaan
mareegaha internetka, tobanaan heesood oo la leeyahay waxaa
loogu jawaabayaa fanaanada Saado Cali, oo lala doonaayo
gabdho cod wanaagsan oo reer Somaliland ah oo ku luuqaya!!
Qoraaladu iyaguna waa ay tira
Beeleen,heesahaa iyo qoraaladuba intooda
badani waxay xambaarsanaayeen cay iyo aflagaado oo dhan, oo
lagula kacaayo fanaanada Saado Cali, in kasta oo aan iyada
heeseheedu xambaarsanayn wax cay ah iyo aflagaado toona,
waxa se jiray dad ka xumaaday siday wax u dhaceen, una
xishooday kuwii xagjirka ahaa ee waxaa qoraayay ama
alifaayay, iskuna deyay in ay wax toosiyaan, una sheegay
kuwaa jidbada iyo cunsurinimadu madax martay, in ay Saado
Cali waqtigii dagaalada u hiilisay SNM oo ay abaal
Ka mudan tahay, hadana aanay iyadu caytamin,
oo aanay inaga mudnayn waxaas oo aflagaado ah, hase yeeshee
dadkan dambe waxay arintu ku noqotay dad kaa badan iyo
biyoba way ku hafiyaan, oo kuma guulaysan in ay joojiyaan
mowjadaa cayda iyo aflagaadada ah ee lagula kacay fanaanada,
si kastaba ha ahaatee waxay arintani muujisay oo ay daliil u
tahay, daciifnimada qadiyada kooxdan madax martay ee gooni
isu taaga, waxay ka dhigan tahay xabad beed ah oo in ay
jabto laga ilaalinayaan iyo dhinaca kale in ay weli jiraan
wax badan oo laysku dayaa, si loogu daawayo kooxdan
ibtilaysan.
Doqonka Faysal Cali
Waraabe oo u ugaadhsan doona dhamaan wixii dembiyada ka
galay siday Yuhuudu u ugaadhsato Naasiyiintii!!!!
Ugu horayn waxan jecelahay in
ay aqristayaashu iiga cudur daaraan kelmeda aan kor ku xusay
oo laga yaabo in ay qaar ula muuqato aflagaado qaawan, hase
yeeshee waxaan leeyahay sida aad wada ogtihiin ninka waxa
qoraya ama alifaya iwm, hadalku isagaa isa soo hormariya oo
wuxuu ku cabiraa ficilada cida uu wax ka qoraayo ama ka
alifaayo, ninkan Faysalna ficiladiisa ayaa sidaa ka dhigaaya,
ee maaha wax aan anigu maskaxdayda ka alifay, ninkanu
mudadii ay colaaduhu wadanka ka jireen, ee fidnada iyo
Dhibtu aafaysay ummada oo dhan, wuxu isagu
kaga jiray meel qabow oo nabad ah, oo wuxuu la joogay ragii
madaxda ka ahaa dowladii markaa talada haysay, daacad buuna
u ahaa, adeegya badan waa u qaban jiray, markay dowladii
dhacday ayuu Faysal dantiisa ka arkay in ay u haboon tahay
in uu ku biiro ururkaa gooni goosadku madax maray ee SNM,
wuxuuna la soo baxay dardar cusub, Soomaali nacayb iyo
cunsuriyad uu ku fadhfadhiisiyay ragii ruug cadaaga ku ahaa
cunsurinimada iyo gacankudhiiglanimada ee ururkaa uga
horayay oo dhan, Faysal wuxuu ku caan baxay in uu wax alaale
iyo wixii afkiisa ku soo dhaca iskaga hadlo, hadalkiisan ugu
dambeeyay ee aan kor ku xusay, Faysal wuxuu yidhi hadal aanu
qiyaasi karin meesha uu la gelaayo iyo meesha uu ku dhamaan
doono, ma laga yaabaa in cida uu is leeyahay waxbaad ugu
qabanaysaa uu wax ugu dhimaayo!!! Hadaan faysal hadalkiisa
halkaa ku dhaafno, waxan jecelahay in aan qoraalkan ku soo
gunaanado arin aan aqoon korodhsi uga dan leeyahay, oo aan
rabo in ay aqristayaashu ii fasiraan siyaasad ahaan, waayo
waan
Fahmi kari waayay marka
garashadayda hoosaysana lagu daro ujeedada ka dambaysa,
waana saddex tusaale oo ku saabsan dembiyadii dalka laga
galay sanadihii badanaa ee ina soo dhaafay, kan hore waa
gumaad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah
madaxdii ciidamadii Soomaalida, waana dhacdada la magac
baxday xasuuqii Jaziira, anigu war sugan kama hayo siday u
dhacday, ee sida qayrkayba u maqlay uun baan u maqlay, waase
arin hadal haynteedu aad ugu badan tahay warbaahinta
Soomaalida, waxan barbar dhigayaa laba dhacdo
oo gumaad ah oo ka mid ah xasuuqyadii faraha badnaa ee ay
dalka ka gaysatay kooxda SNM, dhacdada hore waa: 1989 kii
dabyaaqadiisii ayaa ciidamadii SNM kala degeen dad shacab ah
oo aan hubaysnayn oo ay isir sooceen, gawaadhi maraysay meel
magaalada Ceerigaabo u dhow, dadkaa waxaa loo qafaashay
buuraha Ceerigaabo, waqti dheerna halkaas ayaa lagu hayay,
ugu dambayntiina waa la xasuuqay, dadkaa waxaa ku jiray dad
biri ma gayda ah oo da’ ah.
Dhacdada labaadna waa:
1991kii markii ay dowladii dhexe dhacday, ayaa meesha la
yidhaahdo Bancade oo u dhow magaalada Xudun ee gobolka Sool,
ayaa dad reer miyi ah oo ah laba beelood, oo ka mid ah
beelihii walaalaha ahaa ee ay SNM fidnada dhex dhigtay ku
dagaalameen, dagaal maalin socday hase yeeshee aan wax
khasaara ah gaysan, subaxii maalintaa ka dambeeyay ayaa
dhinac ka mid ah reer miyigii shalay dagaalamaayay, waxay
arkeen ciidama fara badan oo tikniko wata oo ku soo wajahan,
Meel dhufays ah bay la galeen xoogaa yar oo
qoryo ah, oo ah kuwa fudud oo ay qaarkood siteen, si ay
isugu daafacaan, ciidankii badnaa ee tiknikada watay markii
ay ku soo dhowaadeen bay calan cad u taageen ragii dhufayska
ku jiray, kaas oo muujinaaya nabad, waxayna ka dalbeen in ay
cid soo dirsadaan, laba nin baa loo diray, ciidanku waa
ciidankii SNM, waxayna nimankii u sheegeen, in dalkii nabad
gelyo ka dhacday oo la heshiiyay, ayna halkan hada u
yimaadeen in ay nabad dhex dhigaan iyaga iyo qoladii ay
Shalay dagaalameen, runtii
arinta nabadaynta waxbaa ka jiray, oo odayaal iyo waxgarad
badan baa ku hawlanaa markaa, dhul badana waa la nabadeeyay
oo waa lagu heshiiyay, mandaqadana dhaqdhaqaaq caynkaas ah
waa laga filaayay, sidaas darteed nimankii reer miyiga ahaa
arintaa way ku qanceen, wayna ka soo baxeen dhufayskii ay ku
jireen oo ciidankii SNM ta bay u yimaadeen, markay taasu
dhacday, ayaa ciidankii SNM tu isku wareejiyeen nimankii
waxayna ku amreen in ay hubka dhigaan, nimankaasu hubkii
Bay dhigeen waayo khiyaar kale oo hortooda
yaalaa ma jiro markan, nimankaa markii hubkii laga dhigay si
toos ah baa loogu xasuuqay goobtii, markaa sida muuqata
saddexdaa dhacdoba waa gumaad lagula kacay dad shacab ah oo
maxaabiis ah, waana dembi aad iyo aad u wayn, ayna waajib
tahay in cadaalad la hor keeno cidii ka dambaysay, laakiin
waxaa jira kala duwanaansho ka dhexeeya saddexdan dhacdo,
waana tan ay su’aashaydu ku saabsan tahay oo aan rabo in aan
aqoon korodhsi ka helo, waxaana
Jawaabta ka sugayaa aqristayaashu in ay ii
iftiimiyaan, su’aashuna waxay tahay dhacdada hore waa tan
Jaziira ee, waa mid aad warbaahinta ugu baahsanayd muda
dheer, oo had iyo jeer la hadal hayo, halka labada dhacdo ee
dambe aanan haba yaraatee ku maqal kuna arag warbaahinta,
marka waa maxay kala duwanaanshaha labadan arimood iyo
dhacdooyin badan oo la mid ah oo qaarna si xooga loogu soo
qaado warbaahinta, qaarna aamba la adkurin, waa maxay
sababta taas keentay?!!!!!!