Ergooyinka nabadaynta ee shirka Maygaagle oo ku dhawaaqay in
gabi ahaanba lakala qaado ciidan beeleedyadii isku hor
fadhiyay baliga Kalshaale
(Maygaagle,
November 29,
2010 Ceegaag Online)
Kadib Markii Maanta Deegaanka Maygaagle uu ka Furmay Wajigii
Labaad ee Wadahadalada lagu dhex dhexaadinayey Beelaha ka
soo kala Jeeda Deegaanka Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa
Gabo Gabadii Kulankaasi kadib Waxa Ergada Dhex Dhexaadintu
goobta kaga Dhawaaqday in gabi ahaanba Caawa la kala Qaado
Dhamaanba Ciidamada Beeleedyada kala jooga Deegaanka
Maalinta Barintana Miiska Wadahadalka la soo fariisto.
Gudoomiyaha Waftiga Ergooyinka Nabad Raadinya Suldaan
Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaana ku Wargaliyey in
Labada Beelood gabi ahaanba Caawa ka Qaataan Ciidamada
Deegaanka gaar ahaan Baliga kalshaale oo laga Dhigo Goob
Banaan oo lagu Wadahadlo, Waxan Suldaanku faray dhamaan
Beelaha inay ka soo Qayb galaan Wadahadalada oo Maalinta
Barito ah si toos ah Deegaanka maygaagle uga furmi Doona
Qolo kastaana soo Xulato Ergadii hadalka u Matali lahayd,
Gudiga ayaana sheegay inay tagayaan Baliga Kalshaale oo
Hubinayaa Amarkii ka soo baxay.
Maygaagle Waxa Caawa ku sugan Dhamaan Ergooyinkii Nabad
Raadinta ahaa iyo Waftiyadii ka kala socday Labada Beelood
oo halkaasi ku Wada sugan Waxa Deegaanku Noqday gabi ahaanba
Mid aad u buux dhaafsamay, oo ay ku sugan yihiin Dad aad u
farabadan oo ka kala yimid gobolada Dalka oo ka socta
Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Qaybaha kala Duwan oo
Waxgarad u farabadan.
Daawo Sawirada Shirka
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Maggaagle.
webmaster@ceegaag.com |