Lataliha Madaxwaynaha Somaliland Fu'aad
Aadan Cade oo maanta tegay goobta uu ka socdo shirka
dhexdhexaadinta ee Maygaagle isagoo indho indheeyay goobta
shirka kadibna markii uu ka arki waayay Siyaasiyiin iyo
nidaam daro ka jirta goobta shirka isla maantaba dib uga
noqday Maygaagle.
Wararka aan ka helano goobta shirka ayaa ku
soo waramaya in ergada nabadayntu Go'aan ku gaadheen in
shirkaa lagu xalinayo shaqaaqadii Kalshaale Siyaasad ka
madax banaanaado, si loo adkeeyo kalsoonida dadka shacabka
ahi ku qabidoonaan Go'aamada kasoo baxa nabadayntaa.
Lataliyaha Madaxwaynaha ayaa u muu jiyay
ixtiraam aad u wayn gudiga dhexdhexaadinta oo uga cawday
inaysan doonayn in lakala fadilo Siyaasiyiinta Somaliland
iyo Puntland oo ku gaaf wareegaya goobta shirka.