Machadka
Caafimaadka OTTI ee Magaalada Qardho oo Shahaadooyin
Gudoonsiiyey Arday (Sawiro)
(Qardho,
November 03,
2010 Ceegaag Online)
Xaflad si weyn loo soo
agaasimay oo lagu qabtay hoolka D/hoose ee degmada Qardho
ayaa waxaa shaahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday muddo 6 (lix
bilood) ah baranayay caafimaadka, waxaana ka soo qaybgalay
marti sharaf ay ka mid ahaayen wasiirka caafimaadka ee
Puntland, Pro: Cali C/laahi Warsame, gudoomiyaha degmada
Qardho Maxamed Siciid Ciise iyo xubno ka socday ururada
Bulshada rayidka ah.
Maamulaha machadka OTTI Maxamed Cabdulaahi (Hilaal) oo
madasha ka hadlay ayaa tibaaxay inuu aad ugu faraxsanyahay
in dufcadi ugu horaysay oo arday ah ay ka qalin jabiyaan
machadka caafimaadka ee OTTI, Maxamed ayaa xusay muhiimada
ay leedahay kor u qaadida cilmiga caafimaadka oo laf dhabar
u ah bulsho kasta oo ku nool deegaan hagaagsan.
Sidoo kale wasiirka caafimaadka ee Puntland Prof: Cali C/laahi
Warsame oo goobta ka hadlay ayaa balan qaaday inuu muhiimad
weyn siin doono kor u qaadida waxbarashada caafimaadka,
isagoo hoosta ka xariiqay inuu
gacan ka gaysan doono sidii kor loogu qaadi lahaa tayada
machadka OTTI oo xarumo badan ku leh deegaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaate dhamaan dadki halkaa ka hadlay oo uu ka
mid ahaa gudoomiyaha degmada Qardho ayaa u mahad celiyay
ardayda dhamaysatay barashada caafimaadka muddada 6 bilood
ah, kuwaas oo tiradoodu
gaaraysay 35 arday, 29 gabdhood iyo 6 wiil.
Daawo
Sawirada
Cabdirashiid Maxamed Daahir
Qardho
webmaster@ceegaag.com |