Wasiirka Arrimaha
Dibedda Soomaaliya oo Shaaciyey in Isbeddelka
Siyaasadeed ee Somaliland ka Dhacay Fa’iido Weyn
Ugu Fadhiyo Mandaqadda Geeska Afrika
Muxuu Maxamed
Cabdillaahi Oomaar ka yidhi Madaxbannaanida iyo
aqoonsi ay hesho Somaliland, Xidhiidh noocee ah
ayaa ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo
dawladda ku-meelgaadhka Soomaaliya, Fikirka ay
dadweynaha Somaliland ka qabaan isaga iyo
siyaasiyiinta kale ee xilka ka haya Soomaaliya,
Sababta uu xil uga doonan waayey Somaliland iyo
waqtiga uu ku soo laabanayo iyo aragtidiisa
Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee
Daahir Rayaale?
“Dad karti
badan oo mutacalimiin ah ayaa jooga, kuna filan
in ay ka hawlgalaan dalkaa iyo degaankaa ay
nabadgelyadu ka jirto..... anigu masuuliyad baan
u arkay i saaran, maadaama dhaqaalaha iyo
nabadgelyada Somaliland u baahan tahay in…”
Wasiirka
arrimaha dibedda Soomaaliya
Ra’iisul
Wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha
dibedda ee Soomaaliya. Mr. Maxamed Cabdullaahi
Oomaar, ayaa daboolka ka qaaday in isbeddelkii
siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay uu dan iyo
faa’iido weyn u yahay guud ahaan dadweynaha
Soomaaliyeed iyo mandaqada dalalka Geeska Afrika,
isaga oo fashiliyey in markii loo soo bandhigay
xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu ku
sugnaa magaaladda Hargeysa.
Wasiirka
arrimaha dibedda Soomaaliya oo waraysi siiyey
shabakadda Internetka ee Hadhwanaagnews, waxa uu
ka dhawaajiyey in qadiyada madaxbannaanida
Somaliland ay tahay mid u taal dadweynaha reer
Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay
wixii ummadda Somaliland uga baahato.
Wasiirka
arrimaha dibedda dawladda Sheekh Shariif oo
faahfaahin ka bixiyey shaqada xafiiskiisu qaban
doono mudada uu xilka hayo, waxa uu yidhi; “Ta
ugu muhiimsani waa in xafiiskaygu u adeego
dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan oo ay ka mid
yihiin kuwa Somaliland , Puntland iyo Koonfurta
Soomaaliya.
Al-shabaab
waxay halis ku yihiin nabadda lagu soo tabcay ee
Somaliland, maadaama ay madaxtooyada Somaliland
ay qarxiyeen.
Mar la
waydiiyey in dawladda ku-meelgaadhka ah ee uu ka
tirsan yahay Somaliland u aqoonsan karto dal
madaxbannaan, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi
waxay u taalaa dadka Somaliland, iyaguna inay
go’aankooda, kuna dhaqmaan oo mustaqbalkooda ka
taliyaan, laakiin dadka Soomaaliyeed maadaama
shirkii shirkii Boorama laga soo bilaabo iyo
intii Madaxweynayaal ka dambaysayba ay dadka
Somaliland iyo madaxdooduba qabaan in dadka
Soomaaliyeed guud ahaan isku dan yihiin si
kastaba ha isugu xidhnaadaan meel sare ama hoose,
maanta Somaliland waxa degan ugu yaraan 600,000
(lix boqol oo kun) oo qof oo ka soo barokacay
Koonfur, dadkaasina si caadi ah oo xuquuqdooda
oo dhami ugu dhan tahay ayey u degan yihiin,
anigu kama turjumayo Somaliland, laakiin dadka
iyo dawladda Somaliland ayaa muujiyey mowqifkaas.
Markaa anigu wixii la ii diro ee dadka reer
Somaliland ii diraan ee ay iiga baahan yihiin
ayaan u diyaar ahay, laakiin wax kale oo dibad
looga keenayaa ma jirto.
Aqoonsiga waxa
ka horreysa nabadgelyada iyo horumarka
dadweynaha Somaliland, arrintaasina waa mid u
taal dadweynaha Soomaaliyeed, Somaliland iyo
labada hoggaan in ay iyagu meeshii ay wax isla
dhigayaan isla dhigaan, markaa taasi waa mid
mustaqbal ah waqtigeediina lama joogo, waxa ka
horreeya nabadgelyada iyo horumarka iyo
dhaqaalaha, kadib baan anigu qabaa wixii ay ka
wadahadlanayaan [madaxda Somaliland iyo
Soomaaliya] iyagaa ka wadahadli go’aankana
gaadhi.”
Mr. Cabdillaahi
oo la su’aalay in uu nabadgelyada Somaliland u
arko mid ay wax ka dhiman yihiin, waxa uu yidhi,
“Way muuqataa inay wax ka dhiman yihiin guud
ahaan Koonfur marka la eego maadaama dirirta iyo
dagaalku ka socdo xaggan (Koonfurta Soomaaliya),
laakiin waa macruuf in dhibaatooyinka Koonfur ka
jiraa ay saamayn karaan xasiloonida iyo
nabadgelyada Somaliland ka jirta ee lagu tabcay,
taasina aad iyo aad bay muhiim u tahay in la
ilaaliyo, la xasiliyo, la nabadgelyo, waana
masuuliyad saaran dadka Soomaaliyeed oo dhan
meel ay joogaanba.”
Isaga oo ka
jawaabayey su’aal ahayd, inuu jiro wax xidhiidh
ah oo ka dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo
Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Xidhiidhku wuu
fiican yahay, dhinac dhinac wax u qabaa ma jiro,
laakiin anba-qaad bay u baahan tahay sidii
danaha Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland ay u
noqon lahaayeen wax iskaba oo socon kara, dadka
Soomaaliyeedna ay guud ahaan uga faa’iidi
karayaan, markaa xidhiidhku waa mid aannu
doonayno in uu wanaagsanaado, ta ugu horreysana
ay tahay in aan anigu ku bogaadinayo, kuna
hambalyeynayo dadka Somaliland sida ay u soo
dhaweeyeen walaalahooda soo barakacay ee dhibtu
ku dhacday, taasaana ugu horreysa oo saldhig u
ah dadweynaha iyo dawladda Somaliland labaduba
in ay nabad la jecel yihiin walaalahooda degan
Koonfurta Soomaaliya.”
‘Dadweynaha iyo
dawladda Somaliland shakhsiyaadka ka soo jeeda
ee dawladda Soomaaliya xilalka ka haya uma
arkaan dad iyaga metala, laakiin waxay u arkaan
dad shaqo tagay? Ayey ahayd su’aal kale oo la
waydiiyey, waxaannu Mr. Oomaar kaga jawaabay,
“Aniga aragtidaydu way ka duwan tahay taa, aniga
markii la ii soo bandhigay dawladdan in aan ka
qaybqaato Hargeysa ayaan joogay, markaa anigu
waxaan qabaa xil wayn baa i saarnaa in wixii aan
ka gaysan karo nabadaynta Koonfurta Soomaaliya
in aan ka gaysto, aniga oo u arkaaya in
arrintaasi Somaliland dan u tahay, in nabadi ka
dhalato Koonfurta, kadibna dadka iyo dawladuhu
wixii ay yeelanayaan iyaga ayey jirtaa, laakiin
anigu masuuliyad baan u arkay i saaran, maadaama
dhaqaalaha iyo nabadgelyada Somaliland u baahan
tahay in si qaab walba loogu shaqeeyo in aan
anigu ka qaybqaato dawladda TFG-da (Dawladda
ku-meelgaadhka), si aan ugu biiriyo wixii aan ku
kordhin karo dhismaha nabadgelyada Koonfureed,
maadaama dadweynaha Somaliland iyo dadka
Soomaaliyeedba ay dantooda tahay. Waxaan qabaa
in aan halkan u imi oo aan qayb ka qaadanayo
aniga oo aan metalayn, waayo aniga cid i soo
diratay ma jirto oo dawlad iyo dadweyne ii
codeeyey oo i yidhi tag ma jiraan, laakiin waa
xil anigu aan isa saaray.
Waa laga yaabaa
in la yidhaahdo waa shakhsi shaqo tagay, anigu
ma maqal, laakiin waxyaabahaasi waa wax tagay oo
siyaasado markii hore jiri jiray ayey ka mid
yihiin, maanta isbeddel ayaa ka dhacay
Somaliland kaas oo Somaliland, guud ahaan
dadweynaha Soomaaliyeed iyo mandaqada aynu ku
nool nahayba faa’iido wayn u ah, markaa anigu ma
odhan mana odhanaya Somaliland baa na soo
diratay, laakiin anigu Maxamed ahaan qof macquul
ah oo wax kala garanaya ayaan isu arkay,
waxaannan u qaatay in masuuliyadi iga saaran
tahay in danta guud ee Soomaaliyeed ay tahay in
la dhiso Koonfur, taasina ay igu haboon tahay
maadaama la iigu yeedhay masuuliyad in aan qaado
oo aanan diidin.”
Mr. Maxamed
Cabdillaahi Oomaar oo la waydiiyey haddii uu xil
doon yahay sababta uu xilka uga doonan waayey
Somaliland oo uu ka soo jeedo, waxa uu yidhi,
“Haddii aan doonayo iyadoo aan xilka kii ka
horreeyeyba la iigu yeedhin ayaanan doonan lahaa,
laakiinse dad karti badan oo mutacalimiin ah
ayaa jooga, kuna filan in ay ka hawlgalaan
dalkaa iyo degaankaa ay nabadgelyadu ka jirto.
Qof waliba waa inuu cabbiro meesha uu ka gaysan
karo waxtarka ugu badan, isla markaana maadaama
dad fara badan oo karti, aqoon iyo khibaradba
leh ay joogaan Somaliland, anigu waxaan u arkay
mar haddii baahi wayni ka jirto Koonfur in
waxtarka ugu badan ee aan qaban karaa uu yahay
in aan ka qaybqaato dhismaha nabadgelyada
Soomaaliya, si danta guud ahaan Soomaaliya iyo
danta Somaliland-ba ay wax ugu tarto.”
Mar la
waydiiyey inuu isagu shakhsi ahaan u aqoonsan
yahay Somaliland dawlad dhisan oo gaar ah, waxa
uu ku jawaabay, “Aniga iima taalo Maxamed ahaan,
dad badan baa ku dhawaaqay oo yidhi waynu wada
ognahay, laakiin waa arrin sharci ah, waana
arrin caalami ah oo waxay u taalaa ururka
Midowga Afrika, ururka Jaamacadda Carabta iyo
Qaramada Midoobay, mid shakhsi hortaala oo ka
go’da maaha, wixii la go’aamiyana anigu waan u
hoggaansamayaa oo qof diidaya ma ihi. Guud ahaan
dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabadii
iyo horumarkii inay dib u soo ceshadaan, jidka
lagu gaadhayo waa mid bannaan in laga doodo oo
laga arrinsado.”
Wasiirka
Khaarajiga Soomaaliya oo la waydiiyey sida uu u
arko siyaasiyga Cismaan Kalluun oo isna ka soo
jeeda Somaliland ee isaga ay isku mabda’a yihiin,
balse hore mar u sheegay inuu ka noqday
fikirkiisii Soomaali wayn, mar la baadna ka
noqday, waqtigana ku sugan Somaliland, waxa uu
ku jawaabay, “Anigu waxaan qabaa waxyaabahaasi
waa kuwa dib inoo dhigaya, waxa la rabaa danta
shacabka in laga hadlo, sidee horumar loo
gaadhaa, in nabadgelyada la xoojiyo, sidee
dhallinyaradeena aynu shaqo ugu abuurnaa, maaha
in aynu isku qabqabsano arrimo sharci ah oo aan
inaga inoo oolin, waxa loo baahan yahay dantu
waxay tahay ee qofka Soomaaliga ah ee caadiga
ahi u baahan yahay in wax walba laga horumariyo,
markaa anigu doodaa, gartaa iyo sheekadaasi oo
ahayd mid hore oo laga koray mid aan galayo
maaha, mid aan ku jirayna maaha, anigu waxaan
qabaa in shaqo iyo hawl loo baxo.
Anigu lama
socdo wax war ah oo aan ka ogahayna ma jirto
Cismaan Kalluun, in igu filan oo i mashquulisa
waan hayaa, maadaama dawlad cusub la dhisayye,
maadaama ololeyaal lagu jiray.
Arrintaa uu
yidhi ee aad sheegaysana anigu ma maqal oo
waqtigaa siyaasadda kumaan jirin, ma qabo in aan
xasuusanahay. Cismaan Kalluun waa nin oday ah oo
macruuf ah oo sharaf leh oo u baahan in
qadarintiisa la siiyo, ra’yiga waa lagu kala
duwanaan karaa, qofkuna xor buu u yahay
ra’yigiisa, bini’aadamkuna khalad wuu samayn
karaa.”
‘Ma laga yaabaa
adiga oo xilka haya in aad Jamhuuriyadda
Somaliland booqato?’ Ayaa la waydiiyey Maxamed
Cabdillaahi Oomaar, waxaannu kaga jawaabay,
“Anigu kolayba hadda hawlaha ii yaalaa maadaama
ay culus yihiin waqtiga soo socda qorshayaal
badan ayaa i horyaala in aan dhaqaajiyo,
waxyaabahaasina waxay kelifayaan in aan socdaalo
dhaadheer galo, waxyaabaha ka soo baxa ayaan
anigu doonayaa in aan diiradda saaro, maanta
tegista Somaliland waxaa u arkaa inkasta oo ay
qadarinteeda iyo muhiimadeeda leedahay, aniga
waxa la iga rabaa in aan dibad ka soo shaqeeyo
wixii aan ka keenay ka keeno, markaa aniga taas
ayaan muhiimadda saarayaan.
Anigu laba
sanno hadda waan ka soo maqnaa intii aan ku
maqnaa iyo hawshaan qabanayeyna waa la ogyahay,
Somaliland waa dalkaan ku dhashay, markaa anigu
aad baan ugu faraxsanahay horumarka, wanaaga,
xasiloonida iyo deganaanshaha Somaliland maanta
ka jira, qof kasta oo Soomaaliyeed wuu ku
faanayaa, qof diidaya ama wax xun ka sheegayaana
anigu ma qabo inuu jiro, waa billad Soomaali oo
dhami gashan tahay.”
Waxa kale oo la
waydiiyey firkadda uu ka hayso Madaxweynaha
Somaliland Md. Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Axmed
Maxamed Siilaanyo waa nin macruuf ah, anigu
taariikhdiisa uma baahni in aan dhexgalo, waa
ninkaas maanta hoggaanka Somaliland si aad iyo
aad u qurux badan loogu doortay, uguna
wareejiyey xilka Madaxweynihii hore Daahir
Rayaale Kaahin, waa nin macruuf ah oo
taariikhdiisu meel walba taalo, dadkuna wada
garanayaan, markaa waa nin masuul ah oo maanta
laf-dhabar u ah Jamhuuriyadda Somaliladn oo
keliya maaha, danta iyo aragtida dadweynaha
Soomaaliyeed meel walba ha joogaane, qof lagu
soo hibaysanayo, lagu soo xidhmayo weeye,
mandaqada aynu deganahayna dadka ugu culculus
weeye.
Rayaale waa
madaxweyne intaas oo sanno xilka hayey, anigu
waan arkay waanuna is weji naqaanay, markaa
wuxuu iga mudan yahay qadarin, sharaf iyo wanaag,
intaba waan siinayey markii uu madaxweynaha ahaa,
maantana waan siinayaa waanu iga mudan yahay.
Markaa arrintaa waxaan aaminsanahay in aad
khilaaf ka raadinaysid ee iga helimaysid [weriyaha
waraysnayey], markaa waxaan kugula talin lahaa
aynu u gudubno arrimaha macquulka ah ee
siyaasaddan hoose ee aad baadigoobayso inaga daa.”
Ugu dambayntii
waxa Mr. Oomaar waxa weriyaha waraystay
waydiiyey waxa uu ugu baaqayo Somaliland,
waxaannu yidhi, “Anigu Maxamed ahaan dadka
Somaliland joogaa Madaxweyne ayey leeyihiin,
gole wasiirro ayey leeyihiin, Baarlamaan ayey
leeyihiin, hoggaan, talo iyo wax walba way
leeyihiin, anigu Maxamed ahaan aniga oo mansab
haya iyo aniga oo aan haynba waa la ogyahay,
waana la ogaa mowqifka aan ka taagnaa in aan
iyagana waxtaro, dadweynaha Soomaaliyeedna
waxtaro, tiibaanan weli ku taaganahay.”
Xigasho: Jam
|