shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maraakiibta Dagaalka UK, oo yimi Dekeda Berbera iyo Dadwaynaha Deegaankaasi oo Walaacsan imaanshiiyaha Ciidamadaasi

(Barbara, October 26,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Maanta laga Helayo Magaalada Dekeda Ku taala ee Barbara ayaa ku soo Waramaya in Maanta Galinkii hore Labo Markab oo Kuwa dagaal ka ahi ku soo Xidheen Dekada Magaaladaasi Maraakiintaasi oo laga leeyahay Wadanka Ingiriiska ayaa  Waxaa Maraakiibtaasi ka Buuxay Ciidamada dagaalka ee Wadanka Ingiriiska Waxayna Xarunta Gobolkaasi Saaxil kulan kula Yeesheen Masuuliyiinta Gobolkaasi Saaxil iyo saraakiil kale oo katirsan Maamulka Somaliland.
Wararka ka soo Baxay Imaanshiiyaha Ciidamadaasi ee Magaalada Barbara ayaana ku soo Waramaya inay Ciidamaasi yihiin Kuwa dagaalka kula Jira Kooxaha Burcadbadeedka Somalia ee ka Qawlaysanaha Xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badaha Caalamka Lama oga Waxyaabaha Saraakiisha Engiriiska ahi iyo Masuliyiinta Gobolkaasi Saaxil ka Wadahadleen ilaa Maanta.
 
Waana Markii ugu Horaysay ee Ciidamo ka socda Wadanka Britin yimaadaa Deegaano katirsan Somalia kadib Gumaysigii Engiriisku Waqooyiga Soomaaliya ka gumaysan Jiray Waxana haatan Magaalada barbara siwayn looga hadal Hayaa Imaanshiiyaha Ciidamadaasi Mana jiraan Wax War ah oo ka soo Baxay Xukuumada Madaxwayne Siilaayo oo ku aadan Ciidamaasi yimid Gobolka Saaxil.

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com