Miisaaniyadii BBC da oo ladhimay Galaafatayna dhamaan
madaxyada laamihii dibadaha
(London,
October 26,
2010 Ceegaag Online)
Ka dib markii hoos loo
dhigay miisaaniyadii laanta afka dheer ee BBC da ayaa waxaa
xilalkii laga xayuubiyay dhamaan madaxyadii laamaha dibadaha
sida tii afsoomaaliga halkaasoo laga dhigay madixii laanta
Yuusuf Garaad inuu ka mid noqdo shaqaalaha laanta uun.
Dhinaca kale laba
shaqsii oo ingiriis ah ayaa madax looga dhigay laamihii
kusoo bixi jiray afafka Afrikaanka iyo Aasiyaanka.
Laanta afka Soomaaga ee
BBC da ayaa ah laan dadku aad u dhagaysto maadaama ay meesha
ka baxday idaacadii qaranka ee Soomaaliya, lama oga in la
dhimi doono shaqaalaheeda balse dibu habayntan ayaa la
filayaa inay keentay miisaniyada wadanka Ingiriiska oo hoos
u dhacday kadib suuqxumi soo food saarta dhaqaalaha Dunida.
webmaster@ceegaag.com |