TARDAYDA
CUSUB EE KU SOO BIIREYSA JAAMACADA MUQDISHO OO UU U BILOWDAY
TODOBAADKA DHAQANKA.
(Muqdisho,
Sep 01,
2010 Ceegaag Online)
Maanta
oo ay taariikhdu ku beegantahay 31/08/2010 waxaa si rasmi ah
ufurmay todobaadka dhaqanka ee jaamacada muqdisho oo lagu
soo dhaweynayo ardayda cusub ee sanad waxbarashadeedka
2010-2011 ka .
Todobaadkan oo ay ardada cusub ku qaataan aqoon dheeri ah
laguna bara habka ardayga jaamacada ku soo biiraya laga rabo
inuu udhaqmo inta uu ku guda jiro hayaankiisa waxbarasho .
Ugu
horeyn waxaa halkaasi ka hadlay masuulka qaabilsan arimaha
ardayda jaamacada muqdisho ustaad –maxamuud sheikh cali oo
ardayda cusub ku soo dhaweeyey gacmo furan waxa uuna kula
dardaarmay inay noqdaan kuwo waqtigooda ka faa,iideysta
wuxuuna urajeeyey horumar.
Waxaa
isna halkaasi kelimad ka jeediyey diiwaan hayaha guud ee
jaamacadda muqdisho Dr- maxamed xuseen ciise (liibaan)
ookawarbixiyey taariikhda jaamacada muqdisho iyo heererkii
ay soomartay iyo yoolka ay haatan hiigsaneyso wuxuuna
ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dulqaad aad ubalaaran
muujiyaana adkeysi farabadan xaaladaha ay wax ku baranayaan.
Jaamacadda muqdisho oo bilowday waxbarashadeeda intii ay
jirtay waxay horsed unoqotay inay bulshada soomaaliyeed
ugudbiso waxbarasho tayo leh dadka iyo dalkana uhorseeday
tacliin tayo leh laguna diirsaday .
Jaamacadda muqdisho waxay dadka soomaaliyeed eekala jooga
dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku abuurtay kalsooni ay
dalkooda iyo dadkooda wax ugu Qaban karaan taasna waxaa
daliil u,ah markii ay jaamacadda muqdisho la,arkay howsha
baaxada leh ee ay bulshada soomaaliyeed uhayso ayaa dad
badan waxa, aykaga daydeen xaga horumarka .
Jaamacadda muqdisho in tii lafuray waxaa ka qalin jebisay 10
dufcadood .
QEYBTA
WARFAAFINTA JAAMACADDA MUQDISHO
webmaster@ceegaag.com |