Fursaddaha ganacsi ee ka jira
qaarada afrika (Business
Opportunities of Africa).
(London, April
01,
2011 Ceegaag Online)
Ogaanshaa
fursadaha ganacsi ee ka jira qaaradda afrika ma aha wax si
fudud lagu ogaan karo waa arin u baahan in la sameeyo
daraasad xog-uruurin (business feasibility study) oo weliba
waddan ilaa waddan loo maro laguna bixiyo kharash badan.
Laakiin waxaan marnaba laga tagi karin in dhamaan ay jirto
baahi guud oo ay qabaan oo ah isku filaasho la’aan.
Si loogu
guulaysto suuqyada afrika waxaa loo baahan yahay in lala
yimaado khibrad ama fikrad ka duwan kuwa hadda ka jira.
Afrika waa meesha keliya ee uu qofku muddo kooban ku samayn
karo lacag aad u badan haddiba lala yimaado ganacsi
khibradiisii wata. Hadaba anaga dadka soomaalida ah hadaan
nahay waxaanu ganacsiyo ka bilownay afrika laakiin waxaa
naga maqan aqoontii iyo xirfaddii aan suuqyada si fudud ugu
gali lahayn, waxaa keliya oo aan eegnaa maxaa magaaladaa ka
soconaaya amaba muxuu soomali kale ka shaqeeyaa halkii uu
raadin lahaa ganacsi ka duwan kan uu sameeyay soomaaliga
kale.
Waxaan arkay
soomaali badan oo timi qaaradan afrika kana yimi debadaha
gaar ahaan waqooyiga ameerika iyo yurub oo si fudud ugu
guuldaraystay in ay ganacsiyo ka furaan qaaradan. Bilowga
marka ay yimaadaan waxaad moodaa dad aqoon leh oo wax kala
wadi kara laakiin muddo yar kedib waxaad arkaysaa shirkaddii
oo la isku haysto oo gartooda loo fadhiyo taasna waxaa sabab
u ah waayo aragnimo la’aanta inawada haysata hadaan soomaali
nahay.
Si aan uga
gudubno dhibaatooyinka jira waa in aynu wax ka baranaa sida
maanta uu u socdo ganacsiga adduunku iyo weliba sharciyadda
ganacsiga. Waxaan daraasad kasoo sameeyay wadamo badan oo ku
yaal qaaradan afrika. Markaan ka hadlaayo afrika keliya kama
hadlaayo East Afrika waxaan ka hadlayaa dhamaan afrika.
Balse waxaan odhan karaa wadamada afrika ee aan ahayn east
afrika ayaa hadda jaanis badani ka jiraa.
Afrikaa waxa ay
hadda ku socotaa xawli aad u badan dhinaca ganacsiga
maadaama ay tahay waddamo soo koraaya. Ganacsiga ugu badan
ee lagu guulaystay qaaradan afrika waa saddex nooc:
·
Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry)
·
Iyo
in aad wakiil buuxa u tahay shirkadd weyn (agent)
·
Iyo
in aad samayso ama keento badeeco ama adeeg aan hore u jirin
(unique products or services)
Ganacsiga
warshadaha yaryar (light industry) ayaa hadda waxaa ay
noqdeen fursadaha ugu fiican ee ganacsi ee laga samayn karo
qaaraddan afrika. Waxaana marba marka ka dambaysa soo
badnaaya baahida loo qabo in gudaha laga soo saara
badeecadda halkii debada laga keeni lahaa taas oo keenta in
badeecaddu jabnaato lana helo shaqaale aad u jaban. Dawladdo
badan oo afrika ka mid ah ayaa aad u dhiir geliya arinta
keenida ama maalgashiga warshaddaha yaryar.
Wakiilka (agent)
shirkadd weyn oo caalami ah loo noqdaa waa fursadda labaad
ee ku soo xigta ta warshadaha yaryar. Waxaa aad u yaqaana
arinta wakiilka dadka hindida ah oo runtii si fiican ugu
jira suuqyadda afrika.
Keenida abuurida
badeeco ama adeeg ku cusub afrika ayaa asaguna waxaa uu
noqday jaanisyo ka jira afrika, tusaale ahaan haddii aad
waddan keento badeeco ama adeeg kuu gaar ah waxaa suurto gal
ah in aad faaiido ka hesho ilaa inta cidkale suuqa kasoo
galayso.
Hadaba waxaad
moodaa ganacsigii soomalidu taqaanay ee ahaa maryaha,
raashinka, electronics, bagaashka iyo shidaalkaba in la
isaga daba yimi oo dadkii wadamada u dhashay ee afrikaanka
ahaa ay shaqadan soo baranayaan. Taasina waxaa ay keentay in
suuqyo badan soomalida ay si fudud uga guuraan amaba uu
burburo ganacsi cusub oo dhawaan la abuuray.
5tii sanno ee ugu
dambeeyay ganacsiga soomalida 85% shirkaddihii la abuuray
waa ay guul daraysteen sababtoo dadkii afrikaanka ahaa ayaa
bartay meelihii ay soomalidu kasoo qaadan jireen alaabta.
Dadka hindida ahi ayagu hadda waxaa ay u guureen dhinaca
warshadaha yaryar iyo shirkaddo ay wakiilo u noqdaan.
Hadaba halkan
waxaan kusoo qaadan doonaa in aan iftiimiyo fursadaha
ganacsi ee kajira afrika, waxaan kasoo qaatay intii aan u
arkay in ay muhiim tahay:
·
Xanaanadda doorada ama digaaga (Poultry farming):
Qaaradda afrika
oo aad looga isticmaalo ukunta iyo hilibka dooradda ama
digaaga ayaa waxaa soo kordhaysa baahidda loo qabo in la
abuuro goob lagu xanaaneeyo digaaga. Waxaa jirta in badanaa
hilibka digaaga ee lagu isticmaalo afrika uu ka yimaaddo
wadamo ka baxsan afrika.
·
kabaha iyo dharka huudhayga ah (Used shoes and clothes):
Badanaa waddamada
afrika waxaa aad ugu soo badatay baahida loo qabo dharka ama
kabaha la isticmaalay ee tayadoodu aanay liidan, Weliba
huudhayga ka yimaada wadamada Europe iyo N/Amerika ayaa aad
loo jecel yahay. Faaiidada qodobkan labaad waa in aad hesho
cidii kuu keeni lahayd alaab tayo fiican leh.
·
Beerfalasho (farming):
Waxaan la iska
indha tiri karin in khudaarta wadamada afrika qaarkood laga
keeno meelo ka baxsan gudahooda. Wadamo leh webiyo iyo
barwaaqo kale ayaa hadana loo soo dhoofiyaa khudaarta
dawladaha afrikaankuna hadda waa ay dhiiri geliyaan cidii
xaga beeraha maalgashanaysa.
·
Xarun shaybaar (diagnostic center):
Wadamada qaarkood
weli iskuma fila dhinaca caafimaadka gaar ahaan qalabka
shaybaarka ee casriga ah. Baahida ka jirta dhinaca
caafimaadku waa wax aan lasoo koobi karayn loona baahan
yahay. Markaa samaynta goob caafimaad oo qalabkeedu u dhan
yahay waa ganacsi lagu guulaysan karo.
·
Kombuutarada iyo qalabkooda (computers and accessories):
Sida badanaa la
ogyahay qaaradan afrika aad ayay uga dambaysaa dhinaca
kombuyuutarada iyo teknoolajiyada casriga ah waxaana soo
badnayaa baahidda loo qabo kmbuutrada gaar ahaan kuwa aan
cusbayn (used). Waxaa hadda afrika si fiican ugu soo
fidayaaa qalabkan lasoo marinaayo badda hoosteeda ee (fiber
optic) kaasoo sahlaya in si fiican loo heli karo internet
dheereeya oo weliba jaban.
In qof waliba oo
afrikaan ahi qaato kombuutar waxaa ay qaadanaysaa muddo
dheer, xaga hadda weli hayadaha dawladduhu aanay wad dhigin
xafiisyadooda kombuutaro.
·
qalabka maryaha lagu talo (textile machines):
Baahida loo qabo
in maryaha lagu talo dalka gudihiisa ayaa si aan caadi ahayn
usoo karaysa wadamo badan oo afrika ka mid ah, waxaanad
arkaysaa maryaha gudaha lagu talo oo aad loo raadinaayo.
Laakiin waa in lakeenaa mashiinaddii toli lahaa oo ah
mashiino waaweyn iyo nooca maryaha loo baahan yahayba. Kama
hadlaaaya mashiinada yaryar ee maryaha lagu talo.
·
Dukaamada buugaagta (bookshops):
Bookshops waa
shaqo soomalidu aanay khibrad fiican u lahayn waana shaqo
baahideedu ay ka jirto qaaradan afrika oo aan marnaba haqab
tiri karin baahida dadweynaha. Gaar ahaan wadamada Congo,
Angola iwm.
·
Xanaanaynta lo’da (Cattle ranching):
Xanaanaynta
lo’ada amaba inta la naaxiyo haddana suuqyadda dib looga
iibiyaa waa fursaddo kusoo baahay qaaraddan afrika. Haddii
la helo khibraddii loo baahnaa waa shaqo ka banaan dhamaan
qaaraddan afrika.
·
Meelaha lagu gado shidaalka (fuel station):
Wadamada africa
waxaa aad usoo kordhaaya keenida baabuurta cusub iyo kuwa
duuga ah ba, maadama baabuurti soo badanayso waxaa kale oo
aad u batay baahida loo qabo goobaha lagaga shubto shidaalka.
·
Ganacsiga nadiifinta gawaaridda (car wash business):
Badana malaha
afrika meelo aad u casri ah oo lagu dhaqo ama lagu mayro
gawaarida. Haddii la helo goob ku habboon lana keeno dhamaan
qalabkii loo baahnaa waxaan shaki ku jirin in ay soconayso.
·
Ganacsiga daabacaadda (printing business):
Ganacsiga
daabacadda buugaagta ama waraaqaha kale waa waxyaalaha ay
afrika aadka ugu baahan tahay. Waa ay jiraan meelo badan oo
sameeyaa laakiin hadan weli kuma fila gaar ahaan meelaha
lagu daabaco buugaagta.
·
Goobaha lagu sameeyo qalabka guryaha (furniture):
Nooca ganacsigani
waa mid baahi weyni ka jirto gaar ahaan qofka kiraysta goob
weyn oo keena mashiinadda wax lagu sameeyo, waxaan shaki ku
jirin in muddo kooban laga soo saari karo lacagtii gashay
waayo qalabka guryahay iyo xafiisyadda baahi aan caadi ahayn
ayaa ka jirta.
·
Dhismaha guryaha (real estate):
Dhismaha guryuhu
aad ayuu u fiicnaa ka hor intii aan dhaqaalaha adduunku
dhicin ee sannadkii 2007. Laakiin sannadadan dambe aad ayuu
hoos ugu dhacay, samaynta guryaha waa in marwalba lala socdo
xaaladda dhaqaalaha adduunka.
·
Dukaamadda waxwalba iibiya (collection shops):
Wadamada qaarkood
waxaa aad usoo kacay dukaamadda lagu gado badeecaddaha kala
duwan ee jaban, dukaankaasi waxaa uu iibinayaa wax wal oo
suuqa yaala oo ay gadan karaan dadka danyarta ahi, faaiido
badan lama saaro laakiin badeeco badan ayaa kaa baxaysa
taasi ayaa keenaysa faaiido macquul ah.
·
Suuq-weyn oo laga adeegto (supermarket):
Dukaamadda
waaweyn ee wax laga iibsado ayaa ayaguna ah jaanisyo ka
banaan qaaradda afrika, marba marka ka dambaysa waa ay soo
siyaadayaan, baahidiisuna waa ay soo badanaysaa
·
Dukaan lagu gado hilibka (butchery):
Wadamada afrika
qaarkood baahi badan ayaa ka jirta dhinaca helitaanka
hilibka darayga ag (fresh meat), digaaga iyo weliba malayga
ama kaluunka waana gancsi lagu guulaysto haddiiba si fiican
loo sameeyo baaritaan buuxa.
·
Soo dejinta raashinka iyo cabitaanka:
Maadama afrika ay
ku badan yihiin dadka danyarta ah waxaa jirta in weli baahi
badan loo qabo waxyaalaha daruuriyaadka ah sida raashinka oo
kale. Gaar ahaan raashinka jumlada lagu iibinaayo.
Raashinka waxaa
usii muhiimsan saliida cuntada oo aad afrika looga
isticmaalo. Shirkadda wakiil u noqota shirkad kale amaba
awooda in ay keento mashiinada lagu sifeeyaa waa jaani jira.
Waxa kale oo ka mid ah warshadaha sameeya cabitaanada sida
biyaha iyo sharaabka.
Ganacsi kasta oo
aad samaynayso waxaad u baahan tahay in aad samayso daraasad
xog-uruurin (feasiblity study). Si aad u samayso daraasad
ganacsi dib ugu noqo casharaddii hore.
Wadamada afrika
waa ay kala sharciyo duwan yihiin qaarkood dekadaha ayaa
dhib ah, qaarkood gelitaanka ayaa dhib ah, qaarkood
sharciyada shaqada ayaa dhib ah (business licence), qaarkood
dadka dhaqan kooda ayaa dhib ah (culture problem), qaarkood
luqada ayaa dhib ah oo waxaad u baahn tahay in aad luqada
muddo barato (language barrier).
Hadaba haddii aan
rabno in aan samaayno ganacsi guulayasan kara oo aan ka
samayno qaaradan afrika fadlan dib ugu boqdo casharaddii
hore.
Haddii aad si
khaas ah ugu baahan tahay wadamadda qaarkood fadlan ila soo
xiriir.
Lasoco qaybta xigta wiika dambe hadii ALLE idmo.
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|