Ardaydii ka qalinjabisay Raabidada Caalamiga ah ee
Azharu-Shariif oo maanta doortay guddomiye
(Muqdisho, Sep 01, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa guddoomiye doortay ardaydii ka qalin-jabiyay Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif,
kaddib kulan ay maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen hoteelka
Bakiin ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ka
qaybgalay 50 ruux oo ahaa dadkii kasoo qalin-jebiyay Al-Azhar,
waxayna guddoomiye u doorteen ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf
kaddib markii loo qaaday cod qarsoodi ah isagai yo
xubno la tartamayay.
Doorashada kaddib ayaa waxaa hadal ku saabsan kaalintii ay
ku lahayd jaamacadda Al-Azhar waxbarashada Soomaaliya
halkaas ka jeediyay Sheekh Yuusuf, isagoo sheegay inay
yar-tahay mu'asaso kaalin ku lahayd waxbarashada Soomaaliya,
wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaad ku baaqay inay
kaalintii Azhar ka muuqato Soomaaliya.
Intaas kaddib, waxaa isna hadlay ustaad Muxyadiin Xasan
Maxamed oo ka mid ah wakiillada raabidada caalamka ee
Al-Azhar ahna wakiilka aasaasayaasha dalladdan ayaa ka
mahadceliyay sida wanaagsan ee ay doorashadu u dhacday,
isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee dalladan.
Ma'suulka la doortay ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf oo
isaguna hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay inuu ku
faraxsan yahay xilka loo doortay, kana codsaday dadka
howshan la qaban doona inay gacan ku siiyaan sidii ay
howshan u najixi lahayd.
Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo
owqaafta DKMG Soomaaliya oo labaduba ka hadlay kulanka ayaa
sheegay inay ku faraxsan yihiin hoggaanka ay yeeshaan
ardaydii kasoo qalin jabisay jaamacadda Al-Azhar ee
dalka Masar oo ay iyaguba wax kusoo barteen.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali
Sheekh Axmed Abuu-bakar oo khudbadaha soo xiray ayaa mahad u
celiyay guddoomiyaha cusub ee daladda, isagoo hoosta ka
xariiqay inay dunida ku yar tahay mu'asaso dunida ka jirtay
11-qarni marka laga reebo jaamacadda Al-Azhar Al-shariif oo
caalamka meel kasta laga heli karo dad wax ka bartay.
"Jaamacadda Muqdisho waxay ka tahay dalladan fududeeye oo keliya, taasoo
ah ballantii aan kasoo qaadnay Sheekhul Azhar," ayuu yiri
guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@ceegaag.com
|