Abaanduulihii
guutada 9aad ee maamulka Somaliland Kornayl Dalbac iyo
Ciidamo uu Hogaaminayo oo ka Goostay Maamulkiisii
warsaxaafadeedna ku qabtay Buuhoodle
(Buuhoodle,
February 09,
2011 Ceegaag Online)
Qudbadii Kornayl Axmed
Maxamed Aadan(Dalbac) u jeediyay reer Buuhoodle
Dhagayso
Magaalada Buuhoodle Waxa galabta siwayn loogu soo
dhaweeyey Kornayl Axmed Maxamed aadan(Dalbac) oo kamid
ahaan jiray Ciidamada Maamulka Somaliland Gaar ahaan
Guutada sagaalaad ee Saldhigeedu yahay Magaalada Burco ee
Xarunta Gobolkaasi Togdheer Maantana si Rasmi ah ugu soo
Biiray Ciidamada Deegaanka Buuhoodle.
Kornal dalbac iyo Ciidamada uu Hogaaminayo oo Gaadhay ugu
yaraan 8 Gaadhi oo tigniko ah iyo 200 oo askar ayaana
Maanta Magaalada Buuhoodle loogu sameeyey soo Dhawayn
Balaadhan iyadoona looga hortagay Duleedka Magaalada
Buuhoodle oo kaga Hortageen Xubno katirsan Wasiirada
Puntland shacab Waynaha Reer Buuhoodle iyo Isimada
Waxgaradka Buuhoodle.
Kornayl dalbac ayaana Dadwaynaha Magaalada Buuhoodle kala
Hadlaya Garoonka Wayn Waxa uu sheegay inay tahay sababah
uu uga soo Baxay Maamulka Siilaanyo kadib Markii uu
damiirkiisu siin Waayey inuu la sii Joogo Maamulka
Siilanyo oo dhawaan Shacabka Buuhoodle ku Xasuuqay
tignikada gaadhaaman Waxa uu ugu baaqay inuu Ciidamadiisa
kala Baxay Deegaanka Gobolka Cayn iyo Gobolka soolba.
Ugu danbaytiina Kornayl Dalbac ayaana Fariin Culus u diray
siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolada SSC ee haatan Xilika
ka yahay Maamulka Somaliland Waxa uuna sheegay inay ka soo
Baxaan Iska Casilaan Xilika ay Maaamulka Somaliland u
hayaan.
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com
|