Baaq Nabadeed oo ay soo
saareen Culumaa'udiinka Gobolka Sool.
(Laascaanod,
February 13,
2011 Ceegaag Online)
13/02/2011
Laascaanood
Mahadoo
dhan Alle ayey u sugnaatay, nabad iyo naxariisna nebiggeenna
korkiisa ha ahaato, intaas ka dib:
Sida la ogsoon yahay waxaa beryahan danbe gobollada dalka ka
jira dhibaatooyin kala duwan sida colaado iyo abaaro
saameeyey degaanno badan, meelaha qaar abaarihii waxaa ugu
darsamay colaado, sida aagga Kalshaale iyo nawaaxigiisa oo
dhowaan dagaal fool xumi ku dhex maray dad walaalaha oo uu
ka dhexeeyo dhaqan iyo dhiigba, kaasoo sababay khasaare
baaxad weyn oo isugu jira naf iyo maalba, haddaba culimada
iyo waxgaradka gobolka Sool markay qiimeeyeen xaaladda
colaadeed iyo abaareed ee ay ku sugan yihiin degaannadaasi,
waxay soo saareen baaq ay nabadda ugu baaqayaan dhinacyada
dirirtu ku dhex martay Kalshaale iyo nawaaxigeeda welina is
hor fadhiya,
Waxayna
soo jeedinayaan arrimahan soo socda:
1. Waxay culimada & waxgaradku aad uga xun yihiin dhibkaas
dhacay ee ku soo aaday xilli dalka abaaro ba’ani ka
jiraan,iyo dhibaatooyin kale oo badan waxayna tacsi u diraan
dhammaan dadkii dhibku soo gaadhay, iyagoo Alle u
weyddiinaya inuu kii dhintay u naxariisto, kii dhaawacan
bogsiiyo, dadkii laga dhintay samir iyo iimaan ka siiyo.
2- Waxaan ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah oo aan
shuruud lahayn.
3- In la kala fogeeyo ciidammada is hor fadhiya.
4- In la isugu yimaaddo wada hadal nabadeed oo lagu soo
afjarayo mushkiladdii meesha ka dhacday.
5- Guud ahaan waxaan ku baaqaynnaa tawbad keen Alle xaggiisa
loo cararo, la is cafiyo, roob doonna la samaeeyo, si Alle
noogu naxariisto.
6- Waxaan ku boorrinaynnaa dadka walaalaha ee Soomaaliyeed
inay sameeyeen isu gurmad dhexdooda ah, ayna laban laabaan
dedaalka iskaalmaynta ah ee ay u fidinaynayaan dadka iyo
xoolaha abaaruhu saameeyeen.
Allaha weyn waxaan weyddiisanaynnaa inuu dhibkan naga qaado,
colaadda iyo abaarahana noogu beddelo nabad iyo barwaaqo,
aamiin
Magacyada culimada & waxgaradka soo saaray baaqan
1- SH.C/naasir X.Axmed Yuusuf
2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan
3- SH. Cali Mucallim Xasan
4- SH.Maxamuud Diiriye Cilmi
5- SH.Maxamuud Maxamed Maxamuud
6- SH.Aadan Cilmi Saciid
7- SH.Aadan C/raxmaan Xuseen
8- SH.Saciid Axmed Cadar
9- SH.C/naasir X.Maxamed
10- SH.Xasan Maxamed Bootaan
11-SH.Aadan Cali Nuur
12- Saciid Cabdi Ducaale
13- SH.Maxamuud Salaad Warsame
14- SH.Yuusuf Haybe Ibraahim
15- SH.Daahir Khaliif Jaamac
16- C/razaaq Maxamed Warsame
17- C/llaahi Ciise Oog
18- C/llaahi SH.Cali Macallim
19- C/naasir Maxamed Barre
20- SH.C/llaahi X.Axmed
21- SH.C/rashiid X.Axmed
22- SH.C/llaahi Maxamuud Cali Maahir
23- SH.Jaamac Maxamed Cusmaan
24- SH.C/rashiid Yuusuf Maahir
25- SH.Maxamed SH.Aadan C/raxmaan
26- SH.Maxamed Maxamuud Faarax
27- SH.Cali Aadan Dalmar
28- SH.Maxamed Xirsi Maxamed
29- SH.Axmed Maxamed Maxamuud
30- Axmed C/raxmaan Cali
31- Maxamed c/raxmaan Cali
32- C/qani Cali Dhuux
33- C/rashiid Jaamac Biixi
34- C/qani Awdaahir X.Xasan
35- Crisaaq Cali Xuseen
Baaqan waxaa nasoo gaadhsiiyay
Sheekh Axmed
Maxamed Suleymaan
webmaster@ceegaag.com
|