Banaanbax
Soomaalida reer Minnesota
ku taageerayaan Gen:
Mohamed Ali Samatar oo Minneapolis ka dhacay
(
Minneapolis, March 27, 2011
Ceegaag Online)
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee
dalka Maraykanka ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan
Gen.Mohamed Cali Samatar oo dacwad ka dhan
ah lagafurey dalka Maraykanka, Soomaalida Minnesota ayaa
dacwaddaas ku tilmaamey mid xaqdarro isla markaana
Jeneraalku uu u shaqeynaayey Dawladd Soomaaliyeed ee aanu
ahayn Madaxweynihii dalka Soomaaliya, Waxaana ay ku
tilmaameen dacwadda uu soo oogey nin ka soo jeeda Somaliland
(Waqooyiga Soomaaliya) mid lagu bartilmaameedsanaayo dad
gaara, ee raggii u shaqeynaayey Dawladda qaarkood ay ku
noolyihiin Hargeysa, halka qaarna aas qaran loogu sameeyey
Somaliland: