Biyo la’aan baahsan iyo xaaluf ka taagan Degmada
Ceegaag iyo Nawaaxigeeda.
(Ceegaag, January 12, 2011 Ceegaag Online)
Wararka naga
soo gaadhay Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda ayaa ku soo
Waramaya in degmadaasi Ceegaag haatan ay soo food saartay
biyo la,aan saamayn ku yeelatay guud ahaanba degmada Ceegaag
iyo tuulooyinka kale oo degmadaasi hoostaga haatan Qiimaha
biyuhu gaadheen degmadaasi heerkii ugu sareeyey, Waxaana
kaloo degmada ka jira Xaaluf baahsan oo saamayn Wayn ku
yeeshay Noloshada Xoolaha ku dhaqan degmadaasi....
Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (Abdiriigle)
ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com qadka telephone ugu
sheegay in Baaxada Abaarta ka jirta degmada Ceegaag iyo biyo
la.aantu gaadhay Meeshii ugu saraysan xiligan, isagoo noo
sheegay in Qiimaha Foostada Biyaha haatan degmada Ceegaag
gaadhay 3$Doolar Waxana degmada looga soo dhaamiyaa Deegaano
fog fog Xiligani, Maadaama gabi ahaanaba ay go’een Baraagaha
degmada Ceegaag, Gudoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay
ha,yada samafalka inay Degmadaasi Ceegaag iyo Tuulooyin
kaleba la soo gaadheen Kaalmo deg deg ah.
Cali dhagjar
Garoowe
webmaster@ceegaag.com |