Ciidamada Booliska Mudug
oo u Raad Jooga Kooxo Dilay Xeer Ilaaliyihii Maxkamada
Gobolka Mudug
Wararka naga soo gaadhay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo
Waramaya in Wali Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso
ku Raad joogaan Cidii ka danbaysay Dilkii Xeer Ilaaliyihii
Maxkamada Gobolka Mudug. Weerarkan oo dhacay kadib
Salaadii maqrib oo uu marxuumku ku tukaday masjidka,
wararka ka soo baxaya Ciidanka Amaanka ayaa waxaa ay
sheegayaan inay geysteen koox hubaysan oo markii hore
rasaas ku furtay Marxuumka sidoo kalena dhaawacay
qof ka Marxuumka agdhawaa, waxaana isla goobta ka
dhacay qarax Banbo oo ah nooca gacanta laga tuuro ah.
Lamaaha amaanka Magaalada gaalkacyo ayaan ku Raad jooga
kooxaha fuliyey Dilka Masuulkaasi oo lagu dilay gudaha
magaalada gaalkacyo, Waxana Weerarka Xeer ilaaliyaha
Maxkamadu imaanaya Xili shacabka Puntland ka nasteen
dilalka Qorshaysan.