Dhakhaatiir Ajaanib oo Degmada Burtinle ka bilowday Adeeg
Caafimaad oo lagu daawaynayo Carruurta Haweenka iyo Dadka
Maskasda Wax ka qaba
(Burtinle,
January 03,
2011 Ceegaag Online)
Degmada Burtinle oo katirsan Gobolka Mudug ayaa Maanta Waxa
dhakhaatiir Ajanib ahi ka Bilaabeen tabarucaad Adeeg
Caafimaad ah oo loo sameeyey Carruurta iyo Haweenka ku
dhaqan Degmadaasi Burtile Waxana dhakhaatiirtaasi ka kala
yimaadeen Qaarkamid ah Wadamada Caalamka ugu horumarsan
dhinaca adeega Caafimaadka, iyagoona Deegaanada Puntland u
yimid inay adeeg Caafimaad oo Bilaasha ah u fuliyaan
Haweenka iyo Carruurta ku dhaqan Qaarkamid ah Gobolada
Puntland oo baahi Wayn oo dhinaca Caafimaadka ahi Haysato.
Waxan Maanta Degmada Burtinle dhakhatiirtaasi ka bilaabeen
inay adeegaasi Caafimaad u fuliyaan Haweenka Carruurta iyo
Qaarkamid ah Dadka Maskaxda ka jiran oo u baahan adeeg
Caafimaad oo sareeya, iyagoona kulamo dheeraad ah siiyey
Dadkaasi bukaanada ah.
Dhakhaatiirtani ayaana Puntland Waxa soo galisay Wasaarada
Caafimaadka Puntland oo haatan Dhakhaatiir taasi gacan ka
siinaysa inay la kulmaan Bukaanada ku dhaqan Magaalada
Burtinle iyagoona horay u soo Maray Magaalada Garowe oo
howlo Adeeg Caafimaad ah ka soo Fuliyey Isbitaalka Guud ee
Garowe, Waxana imaanshiiyaha dhakhaatiirtani soo dhaweeyey
shacab badan oo ku dhaqan Mandaqada kuna tilmaaya Horumar
laga gaadhay dhinaca Caafimaadka.