Eedaysanihii Jarmalka ahaa
oo Maanta Maxkamada gobolka Hargaysa Xukun ku Riday.
(Hargaysa, January 14, 2011 Ceegaag Online)
Maxkamadda gobolka Hargaysa
ayaa Xukun ku riday nin jarmal ah oo lagu eedeeyey inuu
falal ansha xumo ka gaystay Magaalada Hargaysa ninkaasi oo
haatan ku xidhan Xabsiga Magaalada Mandheera isaga iyo
Gabadh Soomaaliyeed, Maxkamada ayaana Maanta ka dhacday
Xabsiga Magaalada Mandheera oo ninkaasi u dhashay Wadanka
Jarmalka uu Ku Xidhan yahay oo lagu Magacaabo(Gunter
Bischoss).
Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa waxay ku xukuntay Ninkan
Jarmalka ah, laguna Magacaabo Gunter Bischoss, Afar Sano
Xadhiga iyo lacag gaadhay 10 kun oo Dollar,isla markaana
afarta sano ee xadhiga ah waxa uu ku dhamaysanaya Jeelka
gudihiisa ,marka uu dhamaado mudda xadhigiisuna waa laga
mustaafirinaya Maamulka Somaliland, Inkastoo oo Xukunkaasi
Maxkamada uu ka Qaatay anbiil eedaymahaasina ku tilmaamay
kuwa aanay Waxna ka jirin.
Sidoo kale waxa iyana
maanta lagu Xukumay Mid ka mid ah Dumarkii la Eedaysnaaya
waxa iyana lagu Xukumay xadhig Gaadhaaya Hal Sano iyo shan
Milyan oo Shilin Soomaliland, Xukumka ninka u dhashay
Wadanka Jarmal ayaana siwayn looga sugayey Guud ahaanba
Mandaqada isagoona lagu eedeeyey Falal ansha Xumo oo ka
baxsan shareecada Islaamka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |