Gabadha
ku sawiran lacagta kunka Shilin ah iyo nolosha ay ku jirto
Ijaabo Sugule Xalane waa mid
ka ah gabdhaha ku sawiran lacagta kunka shilinka Soomaaliga
ah ee farsameynaya farshaxanka hidaha iyo dhaqanka dalka,
waxay darajadaas ku muteysatay 15 boos oo sida ay sheegtay
ay siisay Dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay.
Gabadhii Nasiibka u yeelatay
in sawirkeeda wax lagu iibsado waxa ay haatan ku nooshahay
Aqal Soomaali ay ka dhex sameysatay Shaleemo Shenteraale ee
degmada Xamar weyne, da’deeda oo 75 jir ah waxaa u wehliya
Duruuf adag oo ay ku jiraan ayada iyo carruur ay ayeeyo u
tahay.
Ijaabo Sugale Xalane ayaan
maanta booqanay ayadoo ku sugan Aqalkeeda oo ay ku
sameysatay Musqul ay ayadu qodatay, waxaana hareero 9
carruur yar yar ay ayeeyo u tahay oo daruufeaysan, xilligaasi
oo Duhurkii ku dhweyd waxay gacanta kula jireen ayada iyo
carruurteeda raashin laga keenay meelaha cuntada bisil
laga dhiibo oo aad u qalalnaa (aan iidaan laheyn), waxaan
weydiinay nolosheeda, si gaaban ayay ku jawaabtay.
“Shan iyo toban Boos iyo maal
kale maanta waxaan ka fadhiyaa Shineemo Shentaraale, waxaan
ka shaqeynayay wasaaradda warfaafinta, farshaxanka ayaan
sameyn jiray, Laakin noloshaas waa is bedeshay, aniga iyo
carruurtaan aan ayeeyada u ahay, cuntadan (cuntada bisil ee
laga qeybiyo kaamaka) ayaan ku nool nahay.
Ijaabo Sugule xalane ayaan
wax ka weydiinay sida sawirkeeda loogu daabacay lacagta
kunka shulin ee Soomaaliga, waxayna sheegtay in ayada iyo
koox kale oo farshaxanka ka shaqeeya bandhig ay ka sameeyeen
Xeebta Liido, kaddibna ay ka warheshay sawirkeeda oo ku
daabacan lacagta.
Sidoo kale Ijaabo waxay
sheegtay in howl karnimo ay ka muujisay shaqooyin ay qabatay
xilligii dalku dhisnaa ayna ka qeyb qaadatay mashaaric badan
oo iskaa wax u qabso lagu fuliyay, abaal marino badana ay ku
heshay intii ay shaqada qaranka gudaneysay, hase yeeshee
waxay si dareen leh u tiri “Aduunyada ayaa sidaan iska ah”.
Baaq ayay u dirtay shacabka
Soomaaliyeed, waxayna sheegtay carruurta iyo dhallinyarada
ha la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan noloshooda iyo
mustaqbalkooda, waxayna sheegtay in gabadha kula sawiran
lacagta oo ay magaceeda ku sheegtay Faadumo Xirisi Maxamuud
ay ku jirto nolol la mid ah tan ay ku sugan tahay ayadu.