Kulan Dhexmaray Xulka Isboortiga Gobolka Sool iyo
Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo Jeeda Sool iyo Cayn oo
looga Hadlayey Qaabkii lagu Horumarin lahaa
Kulan Balaadhan ayaa Maanta ka dhacay
Xarunta Wasaarada Maaliyada ee Magaalada Garoowe kulankaasi
oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Wasiirada iyo Xildhibaanada
ka soo Jeeda Gobolada Sool iyo Cayn iyo Isboortigii ka
socday dhinaca Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,
Kulankani ayaan Waxa soo Qaban Qaabiyey Wasiir Kuxigeenka
Wasaarada Maaliyada ee Puntland Cabdi ibraahi Warsame (Cabdi
Qawdhan) Waxan kaloo ka soo Qayb galay Orodyahanka
Soomaaliyeed Abdi Bile abdi iyo Qaarkamid ah Isimada oo goob
joog ahaa.
Muhiimada Maanta kulankan loo Qabtay ayaa ku saabsanay
Dhiiri galinta iyo Qor u Qaadista Isboortiga gobolada Sool
iyo Cayn gaar ahaan Xulka Gobolka oo ka Qayb galay Tartankii
Ciyaaraha gobolada Dalka Somalia ee lagu soo Xidhay
Magaalada Garoowe oo Ciyaaro Wanaagsani ay ku soo Bandhigeen
Ciyaartowtii ka socday Xulka Gobolka Sool
Kulankani ayaana Waxa Khubado farabadan oo lagu dhiiri
Galinayo isboortiga iyo Qaabkii ugu Wanaagsan ee dhaqaalo
loogu samayn lahaan Khubado ka soo Jeediyey Wasiirada
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Wasiirka Qorshaynta iyo
Xiriirka Caalamiga ah iyo Gudoomiyey Kuxigeenka Golaha
Wakiilada Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriyey iyo Xildhibaano
kale, oo Xulka Gobolka sool ku dhiiri Galiyey inay la
yimaadaan Ciyaaro Wanaagsan sanadka Danbe Hadii ilaahay Idmo.
Waxana Dood dheer oo dhexmartay Wasiirada iyo Bahda
Isboortiga ee Gobolka sool Hoosta laga Xariiqay in Gudi ka
kooba Wasiirada iyo Isboortiga oo ka Wada shaqeeya Kor u
Qaadista Isboortiga laNA Sameeyo dhaqaale goob loogu
Aruuriyo, Xulka Gobolka Sool ayaana u soo Gudbiyey Wasiirada
iyo Xildhibaanada Baahiyana Isboortiga ee Xulka Gobolka sool.
Ugu Danbaytiina Waxa Wasiirada iyo Xildhibaadanada ka soo
Jeeda Gobolada Sool iyo Cayn ku dhawaaqeen inay Bilkasta
lacag u dhigayaan Ciyaartowta Lacagtaasi oo lagu
Horumarinayo Xulka Gobolka Sool iyo Cayn Waxana kaloo la
Qabtay Gudi ka kooban Wasiirada Xildhibaada iyo Xulka
Gobolka Sool oo ka Wada shaqeeyaha Horumarka Isboortigan iyo
Baahinaya ay u baahan yihiin isboortigu Meelna looga soo
Wada Jeesta haatan Horumarka Isboortiga ee Goboladaasi..........