Ma taqaanaa Waxyaabaha
Dalka Soomaaliya uu ka dagiwaayay.
(Somalia,
January 21,
2010 Ceegaag Online)
Warbaahinta
Soomaalida Badankooda Waxay Kaalinta 1aad Ka Qaateen Burburinta
Dalka sababto ah suxufiga ama warbaahinwalbo ee dal ama dad
leeyihiin waxay badanaa ka shaqeeyaan sidii ay usoo bandhigi
lahaayeen waxii horumar ah waxii qaldana loo saxo ayado loo
maraayo jid wanaagsan oo aan bulshada kala fogeyneyn iyo
sidaa nabada loogu ololeynlahaa laakin waxaa moodaa inay ka
duwantahay warbaahinta soomaalida waxaad arkeysaa warbaahin
soomaaliyeed oo hadana leh waxaan warkan ka soo xiganay
Warbaahin hebal oo ajinabi ama dal shisheeye leeyahay adigoo
soomaali ah wax soomaaliya ku saabsan oo gudaha dalka ka
dhacay sidee uga soo xiganee idaacad ajinabi leeyihiin taas
aniga waxaan u arkaa inay tahay nasiib daro dalka iyo
dadkaba ku habsatay taasna waxaan u aaneyn karaa aqoon yari
in ay tahay oo dadka badankooda ka shaqeeyo warbaahinta
aysanba fahansaneyn waxay tahay shaqadiisa ama magaca u wato.
Tusaale Ahaan
Waxaa Lagu leeyahay Wariye hebal oo Madax banaan Wariye
Qabiili ah ama Quud Bursi Ah Mala Dhihi Karaa Wariye Madax
banaan? Waa Maya ...Wariye Madax banaan Waa Wariye Ka Madax
Banaan Danaha Gaarka Ah oo Shaqsi Ama Qabiil Leeyahay.
Hadaan
Wariyeyaasha magacyadooda iyo Jaamacad Ay Ka Soo baxeen iyo
Waliba Siday u shaqeeyaan idiin Sheego Waa Sidaan
1. Wariye
dilaaye Hadii Guri Cidna Aan ku jirin Dab Qabsado Waxuu
leeyahay Guri hebal Ayaa Gubtay 5 na Waa Ku Dhimatay 20
Kalena waa ku wax yeeloobeen ama ku dhaawacmeen
2. Wariye
Afku Dhiigle Waligiis War Aan Dhiig Ku daadan Ma Soo
Deyn Dagaal Iyo Qasaaro Sal iyo raad Toona laheyn Ayuu
sheegaa
3. Wariye
Ma Naxe Hadii Waraaq Tacsi Ah iyo Waraaq Tahniyad Aroos
Loo Dhiibo Labada Isku Si Ayuu u Aqriyaa asigoo waliba ku
raaxeysanaayo oo siduu isa qalqaloocinaayan aad moodo actror
hollywoodka Ehelkiisa Ba Haku jiraane
4.
Wariye Labolabo Waxuu Qoraa Waraaq 45 Page Ka Kooban
Asalamu caleykum kaliya aa Ka fahmee Inta kale Warkiisa Waa
isku Soo Noqnoqona
5. Wariye
Shidaaye Wuxuu jecel yahay labadi Siyaasi ama labadii
shaqsi oo Arimo isku heesto Inu isa Soo hor Fariiso iskuna
Diro Wax kale Hadii u Waaye 2 ciyaalka xaafada ah ayuu
qoorta isu Galiyaa