Madaxwayne Siilaanyo oo
Xilalkii ka Qaatay Qaarkamid ah Golihiisa Wasiirada, Axmed
Abdi Xaabsadena Wasiir u Magacaabay.
(Hargeysa, January 15, 2011 Ceegaag Online)
Madaxwaynaha
Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa
uu Maanta digreetooyin Madaxweyne xilkii kaga qaaday laba
wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay laba Wasiir oo Cusub,
Waxa kale oo uu madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen
ka bedelay labada wasiir ee wasaaradaha warfaafinta iyo
xanaananada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub oo
Maanta ku soo Biiray Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi
In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo
Wacyigelinta ee Maamulka Somaliland
In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,
Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Maamulka
Somalilland
In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada
Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga
laga Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta JSL.
In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u
ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga
bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
iyo Khayraadka Badda Maamulka Somaliland.
Golaha Wasiirada ee Maamulka Somaliland ayaa haatan Waxa ku
soo biiray Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo Jeeda Gobolka Sool
Waxayna Magacaabista Xaabsade ku soo Beegmaysaa xiisado
colaadeed oo kajira Gobolada bariga Somaliland.
Cali dhagjar
Garowe
webmaster@ceegaag.com |