Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo
maanta Go'aan kasoo saaray Arintii Kalshaale ka dhacday.
(Hargeysa,
January 09, 2011
Ceegaag Online)
Madaxweynaha
Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxa uu maanta
Go'aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday,
waxaanu Madaxweynuhu Go,aankaa ku yidhi "Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo
Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad
ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii
janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii iyo dhamaan Qaranka
Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa".
Markii
arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku
haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka
tirsan ciidanka Somaliland si ay u kala caabiyaan
Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla
markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban
Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada,
Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.
Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii
dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray arrintan.
Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u
leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.
Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah
ee isaaran waxaan go'aamiyay: -
1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu
muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin
ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal
balse ay labada beelood wada daaqikaraan, wixii hanti ka
gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.
2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii
dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una
fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.
3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan
ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan
laga ogolaandoonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya
oo ka hawlgelikara ciidamada Qaranka JSL.
5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa
beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.
Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -
Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,
Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh
uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood, Xubnihii
dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo
shaqeeyay.
Cali dhagjar
Garowe
webmaster@ceegaag.com |