Madaxwyne Kuxigeenka Puntland oo Galabta Siwayn loogu soo
dhaweeyey Garoowe (Daawo sawirada)
Magaalada Garowe Waxa Galabta soo gaadhay Wafti Balaadhan oo
hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Puntland General Abdi
Samad Cali shire oo kamid yihiin Xubno katirsan Golaha
Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiisha Puntland oo
galabta siwayn loogu soo dhaweeyey Duleedka Bari ee
Magaalada Garowe Waftiga uu hogaaminayey Madaxwayne
kuxigeenku.
Soo Dhawaynta Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ayaana Waxaa ka
Qayb Qaatay Xubno katirsan Labada Gole ee Dawlada Puntland
Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Dadwayne aad u tiro
badan oo soo dhawaynta Madaxwayne Kuxigeenka Abdi samad Cali
shire siwayn uga Qayb Qaatay Galabta Magaalada Garoowe.
Amaanka Magaalada Garoowe ayaana Maanta aad loo adkeeyey
Waxana la Xidhay Dhamaan Wadooyinka soo gala Magaalada
Garoowe intii uu Madaxwayne kuxigeenku ku jiray safarkiisa
oo Wada Marayey Waxana la dhigay Goob kastada Ciidamada
Gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada Puntland, Madaxwayne
Kuxigeenka ayaana Xarunta Madaxtooyada Garowe kulan gaar ah
kula Yeeshay Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdi Raxmaan Faroole.