Ra’iisal wasaare C/weli
Mohamed Ali (Gaas) oo Khudbad xaasaasi ah u jeediyay
Barlamaanka Soomaaliya.
(Muqdisho, July 23, 2011
Ceegaag Online)
Khudbada Ra'iisul Wasaaraha
oo aheyd mid qoraal ah ayaa u qorneyd sidan:-
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee
anisixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda
23ka Luulyo 2011
Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Guddoomiye Ku xigeenadda Guddoomiyaha Baarlamaanka,
Dhammaan Xildhibaanada sharafta leh,Ciidamada Amniga Bahda
Saxaafadda Iyo Dhammaan marti sharafta goob jooga ah
Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah,
Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta markale hortiina
imaado annigoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah, si aan
idiin kugu soo gudbiyo xubnaha aan u soo xulay inay ka mid
noqdaan golaha wasiirada iyo barnaamijkii Xukuumadda, si aad
uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.
Sidaad la socotaan, marxalladda aan ku jirno waa mid aad u
adag oo u baahan inaan si wada jir ah gacmaha isu qabsano
isla markaana aan xilliga ku meel gaarka ah ku wada
dhameysano sidii aan dalka u gaarsiin laheyn marxalad aad u
wanaagsan. Shacabka Soomaaliyeed waxaa heysta macluul tii
ugu xumeyd, barakacii shacabkana aad buu u baahay, saacaddan
aan joogno waxaa macluul ugu geeriyoonaya caruur, waayeel
iyo dumar, waana inaan u wada istaagno. Kooxaha ka soo
horjeeda dowladda shacabkii bey ka hor-istaageen gurmadkii
oo xaaladda jirta sii gelisey murugo hor leh.
Sida aad ku aragtaan barnaamijka Xukuumadda cusub waa mid ka
tarjumaya xaaladda dhabta ah, isla makaana ujeedooyinkeenu
ay yihiin kuwo cad-cad, oo halbeeg lagu cabiro leh, ahna
kuwa la fulin karo, oo macquul ah isla markaana ku kooban
muddada 12ka bilood ah ee aan heysano.
Xildhibaanada Sharafta leh,
Arrimaha na horyaalla ee naga mudan mudnaanta koowaad waxaa
ka mid ah arrimaha amniga, iyo dhameystirka dastuurka. Tani
waxey noo wada sahleysaa inaan hiigsanno himiladeena oo ah
in la horumariyo amniga isla markaana aan dhameystirno
dastuurka. Xukuumaddan cusub waxaa ka go’an in lala yimaado
ama lagu shaqeeyo si hufnaan, karti iyo tayo leh. Waxaa
kaloo qorshaha ku jira maamul wanaag oo ay dhammaan
hay’adaha dowliga ah ay ku shaqeeyaan, iyadoo la hagaajinayo
toosinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dhowrista
xaquuqul insaanka, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-heshiisiin,
adeegyada bulshada iyo sidii xiriir wanaagsan uu u dhexmari
lahaa Dowladda Dhexe iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.
Arrimaha Horumarinta Amniga: Amniga waa
aasaaska lagu dul dhisayo dhammaan waxqabadka dowladda.
Xukuumaddu waxey sida ugu dhaqsiyaha badan ku
dhameystiraysaa Qorshaha Nabadda iyo Xasilinta Qaranka.
Waxaan xoojineynaa sidii hay’adaha amniga ay u noqon
lahaayeen kuwo soo celiya sharaftii iyo karaamadii dalka.
Xukuumaddu waxey dhameystiri doontaa howlgallada ay
ciidamada dowladda ku soo celinayaan amnigii, kala
danbeyntii iyo ku dhaqankii sharciga. Waxaan xoojineynaa
dib-u-dhiska iyo dhameystirka dhismaha ciidamada qalabka
sida, daryeelka iyo tayeynta ciidamada.
Xukuumaddu waxey ka howlgeleysaa dhaqangelinta talo soo
jeedintii Qaramada Midoobey ee arrimaha Xuquuqul Insaanka,
tanoo dabo socotay warbixintii ay Dowladdu ka horjeedisay
Qaramada Midoobey 3dii May 2011. Xukuumadda waxaa ka go’an
Ilaalinta iyo dhowrista Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan
xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada Sharafta leh,
Dhameystirka Dastuurka: Xukuumadda cusub
waxey ballanqaadeysaa in qabyo qoraalka Dastuurka la
dhameystiro, si waddanka uga baxo Ku Meel Gaar-nimada oo loo
helo dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxaan ku dadaali doonaa
dhameytirka howlaha KMG ah (transitional tasks). Xukuumaddu
waxey si buuxda ula shaqeyn doontaa baarlamaanka gaar ahaan
Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurka iyo guddiga
madaxbannaan, waxeyna si joogta ah uga wada shaqeyn doonaan
qorshe howleed qayaxan oo waqtiyeysan iyagoo kaashanaya
beesha caalamka. Waxaa la diyaarin doonaa qorshihii
wacyigelinta bulshada. Waxaan si rasmi ah u bilaabi doonaa
dhameystirka dhammaan howlaha xilliga kala guurka ah ee uu
Axdiga KMG ah na farayo, sida hindise sharciyeedka xisbiyo
siyaasadeed, guddiyada qaranka, shuruucda garsoorka iyo
dhammaan hindise sharciyeedyada uu Axdiga na farayo.
Gar-gaarka Bani’aadanimo: Waxaan mudnaan
gaar ah siin doonaa arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo
sidii shacabka soomaaliyeed loogu heli lahaa gurmad deg-deg
ah si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed. Shacabka
soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay abaaro soo noqnoqday,
roobabkii oo yaraaday, kooxaha nabad-diidka oo ka
hor-istaagay gurmadkii iyo dagaallo joogta ah oo
dhammaantood sababay in waddanku uu galo xaalad adag oo
murugo leh.
Xaaladda uu dalku maanta ku jiro waa tii ugu liidatay muddo
60 sano ah oo shacab badan ka barakacay guryahoodii. Waxaan
aad ugu faraxsanahay in 3dii usbuuc ee ugu danbeysey
dhammaan hay’adaha dastuuriga ah si xoog leh uga wada
shaqeeyeen sidii shacabkaas loo gaari lahaa. Waxaa muhiim ah
inaan sii labolaabno dadaaladaas oo ay ummadda soomaaliyeed
isku tashato.
Xildhibaanada sharafta leh,
Dib-u-heshiisiin dhameystiran:
Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, waxey
siyaasaddeedu tahay in xalka lagu raadiyo nidaam dib-u-heshiisiin
dhameystiran. Xukuumaddu waxey soo dhoweyneysaa cid allaale
iyo cidii doonaysa wada hadal iyo dib-u-heshiisiin. waxaa
lama huraan ah in xal buuxa loo helo xaaladda Soomaaliya si
wadajir ahna aynu u wada wajahno qaab kasta iyo talaabo
kasta oo aynu dalkeena iyo dadkeena ku bad baadin karno.
Xiriirka Maamulada: Xukuumadda iyadoo
ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, isla markaana fulineysa
Axdiga KMG ah, waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la
yeelato dhammaan maamulada dalka ka jira. Waxaa waajib nagu
ah inaan adeegyada bulshada gaarsiino dhammaan maamulada
dalka, ha noqoto gar-gaarka bani’aadanimo ama mashaariicda
horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Sidoo
kale waxaa muhiim ah in la isku xiro dhammaan ururada
bulshada rayidka ah iyo Dowladda FKMG ah.
Xildhibaanada sharafta leh,
Maamul wanaag: Xukuumadda waxaa
udub-dhexaad u ah maamul wanaag iyo in howl walba oo la
qabanayo lagu qabto si xoojineysa nidaamka, kordhineysana
waxqabadka howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla. Waxaa
la abuuri doonaa aqoonyahanno biirsaday, waxtar, hufnaan,
iyo waayo-aragnimo oo leh karti maamul. Sidaas daraadeed
xukuumaddu waxey hirgelin doontaa arrimo dhowr ah oo ay ka
mid yihiin: Dhismaha Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha
iyo hay’adaha kale ee dawladda, gaar ahaan Garsoorka si loo
xoojiyo tayada iyo waxqabadka garsoorka. Shacabku waxay naga
sugayaan inaan u horseedno caddaalad, sinnaan iyo maamul
wanaagsan oo shacabka siin kara kalsooni buuxda.
Xiriirka Caalamka: Si waafaqsan qodobka 69-aad ee Axdiga KMG
ah, xukuumadu waxay ku dadaali doontaa sidii dib loogu soo
nooleyn lahaa doorkii Soomaaliya ku lahaan jirtey golayaasha
caalamiga ah iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay la lahayd
wadamada caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa deriska la ah
Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee adduunka.
Xukuumaddu waxey ka qayb qaadan doontaa nabad ku wada
noolaanshaha caalamka iyo la dagaalanka denbiilayaasha
caalamiga ah sida argagixisada,iyo burcad-badeeda.
Sidoo kale waxay xukuumadu xoojin doontaa xiriirka
jaaliyadaha qurbo joogta Soomaaliyeed iyadoo laga
faa’iideysan doono aqoontooda, kartidooda iyo macluumaadka
wadamada ay degan yihiin.
Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada: Waxaan
abuuri doonaa mudo 60 maalmood gudahood ah Guddiga la
dagaalanka Musuqa iyo Ilaalinta hantida dadweynaha oo ku
meel gaar ah, oo qorshahoodu yahay soo diyaarinta
sharciyadii iyo dhisidii hay’ad qaran oo la dagaalanta
musuqmaasuqa iyo maamul xumada.
Xildhibaanada sharafta leh,
Adeegyada Bulshada: Iyadoo la
kaashanayo hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa aan dowliga aheyn
(NGOs) iyo maamulada dalka ka jira waxaa si hagar la’aan ah
loo fulinayaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada
aasaasiga ah, caafimaadka, dayactirka waddooyinka iyo
dhammaan howlaha adeegyada bulshada ee uu shacabku u
baahanyahay, kuwaasoo shaqo u abuuri kara dhalinyarada.
Xukuumaddu waxey dhiirigelin doontaa mashaariicda durbaba la
fulin karo (quick impact projects) ee keeni kara in shacabka
soomaaliyeed ay nolol ka abuurtaan, kuna helaan shaqooyin,
gaar ahaan dhalinyada iyo dumarka.
Si haddaba, qorshe howleedkani u meel maro waxaa lagama
maarmaan ah in loo helo dhaqaalihii lagu fulin lahaa
howlahan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa
beesha caalamka inay kaalin mug leh ka qaataan sidii aan u
hirgelin laheyn qorshahan. Xukuumadda waxey diyaar u tahay
inay la timaado nidaam fur-furan, keeni karana isla
xisaabtan dhameystiran. Beesha caalamka waxaan kaloo ka
codsaneynaa inay si hagar la’aan ah noogala qeybqaataan la
dagaallanka argagaxisada, bur-cad badeeda, macluusha, iyo
arrimaha adeega bulshada oo ay taageero muuqata ka geystaan
badbaadinta shacabka soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad leh idiin kaga
codsanayaa idiinkuna dhiirigelinayaa inaan waqtiga yar ee
aan heysano aan uga wada faa’iideysano si wadajir, midnimo,
wada-noolaasho, isu dulqaad, is-faham, daacadnimo iyo ka gun
gaarid himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah inaan dalka ku soo
dabaalno nabad waarta.
Marxaladda adag ee dalku marayo waxaa waajib naga saaran
yahay dhismaha Hay’ad fulin oo karti iyo aqoon leh si loo
dhamaystiro habsami u socodka iyo hawl maalmeedka shaqada
dawladda.
Xildhibaanada sharafta leh,
Ugu danbeyntii, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa waqtigan
adag ee aan ku jirno inaan si wadajir ah gacmaha is qabsano.
Sidaas daraadeed, waxaan jeclaan lahaa in aan si xushmad iyo
qadarin lehba idiinkaga codsado inaad xukuumadda cusub iyo
barnaamikeedaba siisaan kalsoonidiina si aan u guda galno
fulinta qorshe howleedka na wada horyaalla. Waxaan diyaar u
ahay inaan saxo waxii dhaliilo ah ee jira, isla markaana aan
soo dhoweynayo tallooyinka xildhibaanada sharafta leh.
Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi
Cadawga.
Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh
webmaster@ceegaag.com
|