Madaxweynaha Sooomaaliya oo
dhaariyay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo
wasiiru-Dowlayaal
(Muqdisho, March 31, 2011
Ceegaag Online)
War-Saxaafadeed:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh
Axmed ayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay 11 xubnood oo isugu
jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla
maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane
Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay.
Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku
xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi
wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa
lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha
Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u
akhriyay liiska oo u qornaa sidan:
- Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”,
wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo
ISgaarsiinta.
- Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha
wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
- Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha
wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
- Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha
wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
- Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha
wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo
Ciyaaraha.
- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha
xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
- Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka
wasaaradda Gaashaandhigga.
- Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka
Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
- Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka
wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
- Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku
xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada,
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
- Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka
wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.
Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib
hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka
dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna
ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka
loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so
webmaster@ceegaag.com
|