Ra’iisul
Wasaaraha iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo galabta
ciyaar K/cagta uga qeybgalay Xeebta Liido
(Muqdisho, Nov 26, 2011
Ceegaag Online)
Codki
RW Abdiwali oo xeebta Liido joogo
Dhagayso
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka
tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda
Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee
magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay
mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo
ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.
Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayna goob joog
ka aheyd bahda Warfaafinta ayaa waxaa wada ciyaaray Koox
loogu magac daray Xukuumada oo uu horkacayay Ra’iisul
Wasaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiirka, Qorsheynta Mudane
C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Mudane C/qaadir
Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha
Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Maxamed Muxudiin,
Wasiirka Dastuurka iyo A. Federaalka Mudane Xoosh Jibriil,
Wasiiru dowlaha W. Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Siciid
Qoorsheel, Wasiirka kuxigeenka W. Arrimaha Gudaha iyo A.
Qaranka Mudane C/xakiin Cige Guuleed, iyo Wasiirka
kuxigeenka W. Sh. Iyo shaqaalaha Mudane Daahir Xaaji Geelle,
iyadoo dhanka kalena ay safnaayeen koox ku ciyaareysay
magaca Shaqaalaha Dowladda waxaana ciyaartu ku soo
gabogabowday 2-1 oo ay ku badiyeen kooxdii ku ciyaareysay
magaca Xukuumada.
Ciyaarta kadib, ayaa waxay sameeyeen dabaal waxaana
halkaasi lagu qaatay in ka badan labo saacadood oo iyadoo
goobtana ay joogeen dadweyne ka kala yimid xaafadaha
degmooyinka ku xeeran xeebtaasi Liido.
Ra’iisul Wasaaraha oo bahda warfaafinta kula hadlay
Xeebta Liido ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu
maanta ciyaar kaga qeybgalo Xeebta Liido isla markaana uu ku
dabaasho, wuxuuna yiri waxay I soo xusuusineysaa arrintan
beri samaadkii oo uu xusay in isaga oo degan degmada
Boondheere uu maalin kasta oo Jimce ah u soo dabaal tegi
jiray xeebtan Liido.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu waxa lagu farxo ku
tilmaamay in xeebtan laga xoreeyey kooxo caddow ah oo u
diiday dad shacabka ah inay six or ah ugu soo dabaal iyo
ciyaaro tagaan xeebta, maadaama buu yiri ay doonayeen in
dhalinyarada aysan helin wax maaweelo ah si ay ugu
dagaalamaan kooxahaasi Nabadiidka ah.
“Waxaan leeyahay anigoo fursadan ka faa’iideysanaya dadka
qurbejoogta ah dalkiina dib ugu soo laabta, keensada
caruurtiina xeebtan ku ciyaaro quruxda badan, oo dalkiinana
dib u dhisa” ayuu yiri oo intaasi ku daray in intii uu ku
noolaa dalka Mareykanka haddii uu damco inuu aado Badda ay
ku qaadan jirtay diyaar garowgeeda in ka badan hal maalin
qarashna uu uga bixi jiray balse galabta wax lacag ah isaga
oon bixin uu ku yimid in ka yar 20 daqiiqo.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya
Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna
wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta madaxdii dowladda ay
soo booqdaan kuna ciyaaraan xeebta Liido, isagoo xusay in
todobaadyo ka hor isagu markii uu Muqidsho yimid uu ugu
horeyntii isaga oo xiiso u qaba ku dabaashay Xeebtan Liido.
Ugu dambeyntiina qaar ka mid ah qurbejoogta dhowaanahan
dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishoh ayaa Ra’iisul
Wasaaraha u sheegay in qaar ka mid ah caruurtooda ay joogaan
magaalada Muqdisho dhowaana ay rajeynayaan inay dib ugu soo
wada laabtaan dalkooda oo ay xiiso badan u qabaan.
Daawo Sawirada
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|