Wafdi
heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed
Ali ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka
Qatar, halkaas oo uu casuumaad rasmi ah ka
helay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Dalka
Qatar His Excellency Sheikh Hamad Bin
Jassim Bin Jabr Al-Thani.
Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa loo dhigay
Kaarbet gaduudan gegida dayuuradaha ee
Doha halkaas oo si heer sare ah loogu soo
dhoweeyey. Ra'iisul Wasaaraha oo ay ku
wahliyaan safirkiisa Wasiirka Howlaha Guud
iyo Guryeynta Mudane Jeylani Iikar iyo
mas'uuliyiin kale ayaa lagu wadaa inuu
kala hadlay mas'uuliyiinta dalka Qatar
xiriirka labada dal, arrimaha abaaraha,
dib-u-dhiska dalka iyo sidii Dowladda
Qatar ay qeyb mug leh uga qaadan laheyd
dadaalada fara badan ee ay Xukuumadda FKMG
ah wado, sida dhaqangelinta Roadmap oo ay
ugu horreeyaan arrimaha amniga, dastuurka
iyo dib-u-habeynta baarlamaanka si looga
saaro dalka xilliga KMG ah oo loo helo
dowlad rasmi ah.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)