Saldhig
Boolish iyo Iskuul Boodhin ah Laga hirgeliyey Tuuladda
Adhi-Cadeeye ee G/Sool
(Adhicadeeye, Nov 20, 2011
Ceegaag Online)
Waxaa Si rasmi ah Xadhiga looga
Jaray Saldhig ay yeelanayso Deegaanka Adhi cadeeyo oo ka
tirsan G/Sool, Xafladii Xadhiga lagaga jarayay Saldhigan
waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha G/Sool ee Maamulka
Somaliland,Taliyaha Qaybta Booliska iyo Dad wayne aad u fara
badan.
Dadka ku dhaqan tuulada
adhicadeeye ayaa si wayn u soo dhaweeyey Dhismaha Saldhiga
laga dhisay tuuladaasi,waana abid markii ugu horeysey ee
Saldhig laga yagleelo deegaanka adhi cadeeye, qaar kamid ah
odayaasha deegaankaasi ayaa si wwayn u soo
dhaweeyey,saldhigan haatan laga hirgeliyey Deegaanka adhi
cadeeye,
Taliyaha Qaybta Booliska ee G/Sool
ayaa wuxuu aad u soo dhaweeyey Saldhigan laga Yagleelay
deegaanka adhi cadeeye wuxuuna aad ugu mahad celiyey
Maamulka Somaliland oo dhisida Saldhigan hirgeliyey,
Badhasaabka Gobolka Sool ee
Maamulka Somaliland ayaa dadka ku dhaqan deegaankaasi waxa
uu ku booriyey in aanay noqon kuwa dayaca Dhismaha
saldhigaasi,waxaa kale uu dadka deegaankaasi ka codsaday in
ay Saldhigaas u sameeyaan Dayr ama gidaar ku wareejisan
saldhigaasi.
Deegaanka adhi cadeeye oo
hoostaga degmada Yagoori ayaa hore waxaa maxaabiista
danbiyada ka gala la gayn jiray Jeelasha Laascaanood iyo
Yagoori.
Iskuul boodhin ah oo Markii u Horeysey Gobolka
Sool Dhismihiisa laga Hirgeliyey.
Waxaa Markii u
horeysey Gobolka sool laga hirgeliyey Iskuul
Boodhin ah, kaasi oo ay dhismihiisa lahayd
Shirkadda Dhismaha ee Shire Constraction Company,
Mar aanu Booqanay
Iskuulkan boodhinka ah ayaa waxaa uu ahaa mid ku
fadhiya Dhul Baaxadleh isla markaaana dadka ku
dhaqan guud ahaana G/sool ay si wayn u soo
dhaweeyeen dhismaha Boodhinkan
Iskuulkan boodhinka
ah ayaa laga hirgeliyey tuulada Adhi cadeeye oo
dhanka waqooyi ka xigta Laascaanood.
Inta badan Gobolka
Sool ayaanay jirin wax hore uga dhisnaan jiray oo
boodhin ah iyadoo dadka ku dhaqan laascaanood ay
waxbarashadda Dhanka Boodhinka ah u aadi jireen
deegaano kala Gedisan, Hayeeshee iskuulkan
boodhinka ah ayaa wax
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood.
webmaster@ceegaag.com
|