shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warbixin Waxbarashada heerka Jaamacadeed ee dalka China

(China,  Nov 14, 2011  Ceegaag Online)

 

Horudhac

Ka dib burburkii dowladeennii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991 kii ummaddii Soomaaliyeed waxay noqotay kuwo wax walba ay xadhig maran noqdaan hadday noqon lahayd waxbarasho, dhaqaale, siyaasad iyo nololba oo ku kala hadfay dunida dacaladeeda si uu qof waliba u raadsado nolol dhaanta tii markaa dalka taallay. Haddaba waxa ay ummadda soomaaliyeed inta badan dibadda u raadsadaan waxaa ka mid ah waxbarashada heerka jaamacadeed ah si ay aqoontooda u horumariyaan heer la arki karana uga gaadhaan. Sidaasi darteed qof walba wuxuu aadaa meeshuu is yidhaahdo allaylehe halkaasaa maanta aad aqoon iyo cilmiga aad rabto kasoo heli kartaa. Waddankan China marka wuxuu ka mid yahay waddamada ay Soomaalidu waxbarashada heerka jaamacadeed u aaddo waxaana dhihi karaa waa waddamada ugu horreeya ee ay soomaalida ugu badan wax ka barato qaaradda Aasiya maanta. Haddaba Chinow maxaad ahayd waa waddan caynkee ah?

 

China

China waa waddanka ugu dadka badan dunida maanta aan ku noolnahay wuxuuna ku yaallaa bariga qaaradda Aasiya. Waxaa lagu qiyaasaa inay ku noolyihiin dad ka badan 1.3 bilyan oo qof waana waddanka labaad ee ugu ballaadhan dunida baaxad ahaan. Waa waddan taariikhdiisu qadiimi tahay oo qiyaastii ilaa 250,000 sano ka badan soo jireen ah. Wuxuuna xad la leeyahay ilaa 14 dal sida India, Pakistan, Afghanistan, Russia iwm. China wuxuu ka koobanyahay 22 gobol marka laga reebo Taiwan oo chinuhu ku doodo inay tahay gobol isaga ka tirsan. Dhaqaale ahaan waa waddan dhaqaalihiisu si xawli ah u korayo wuxuuna bilaabay inuu xidhiidh dhaqaale iyo mid wada shaqaynba oo  toos ah la sameeyo waddama soo koraya ee African ka ah. Diin ahaan dadka ku nool china waxay kala haystaan diimo badan oo diinteenna islaamku ku jirto laguna qiyaaso ilaa boqolkiiba labo (2%) dadku inay islaam yihiin laakiin dadka inta badan waxay aaminsanyihiin China iyo dhaqanka gobolka uu kasoo jeedo qofkaasi oo diinba ma haystaan. Siyaasad ahaan waddankan China wuu u fur furanyahay caalamka beryahan danbe. wuxuuna safaarado ku leeyahay oo xidhiidh joogtaa la leeyahay ilaa 162 dal oo dunida ka mid ah. Dhanka aqoonta markaan ka eegno dalkan dadkiisu waa dad wax wada yaqaanna. 2007 dii qiimayn la sameeyey dadka Chinese ka ah ee ka wayn 15 jir 93.3% waa dad wax qori kara waxna akhriyi kara. Halka qiimayn kale oo la sameeyey sannadkii 2000 dadka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 24 ay 98.9% ay yihiin dad wax bartay. Hadal iyo dhammaan waxaan dhihi karaa waa dal maanta dhan walba ka horumaray hadday waxbarasho tahay iyo hadday waxyaalaha kalee muhiimka ahba tahay sida tignoolojiyadda casriga ee dunidu maanta higsanayso.

See loo helaa waxbarashada jaamcadeed ee China?

Helitaanka jaamacadeed ee dalkan wax adag ama qofku uu dhib kala kulmayo maaha sababtoo ah waddankan maanta Soomaali badan baa ku nool say doonaanba ha u joogaane hadday tahay waxbarasho  iyo hadday tahay ganacsiba waadna fahmi kartaa meel Soomaalidu ku badantahay haddaad aragtid inay tahay meel laga soo dhawaynayo oo ay si fudud ku tagi karaan. Marka Soomaalida halkan wax ka barataa inta badan waxay ka yimaaddaan dalkii iyo waddamada kalee dibaddaba. Qofka Soomaaliga ah ee haysta baasboor soomaali ee raba inuu yimaaddo waddankan China waxaa looga bahaanyahay inuu haysto:

1.     Baasboor Soomaali (kii hore ama ka cusub ee dawladdii danbe bixisay).

2.     Shahaadada dugsiga sare (oo afka ingiriisiga ku qoran)

3.     Sawirada kurka ah oo muuqaal fiican leh 2 xabbo (sida qofku inuu bilaahaa uu jaamacadda xaraysanayo gudahooda iska qaado)

4.     Waraaqda dhalashada (Inta badan muhiim ma aha) laakiin qofkii haysta way u fiicantahay.

Qofku markuu intaas is la helo jaamcad waa loo xarayn karaa si fududna waa lagu heli karaa. Inta badan marka la xareeyo jaamacaddu waxay kusoo baxdaa bil gudaheed (30) casho oo wakhti badan ba ma qaadato.

Jaamacadaha China

         Huazhong-University-of-Science-and-Technology

Waddankan waxaa ku yaal jaamacado badan oo nooc walba leh Soomaalidu inta badan waxay ka bartaan waa kulliyadaha Caafimaadka (medicine) noocuu doonaba ha ahaadee  iyo Injineeriyada (engineering) oo iyaduna kulliyada badan usii kala baxaysa sida civil engineering, telecommunication iwm.

Jaamacadaha soomaalidu inta badan dhigato waxaa ka mid ah:

1.     Huazhong-University-of-Science-and-Technology

2.     Wuhan university.

3.     Nanjin university.

4.     hunan university

 

Labada jaamacadood ee hore waxay ku yaallaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei. Halka jaamacadda seddexaad ku taal magaala Nanjin ee gobolka Jiansu. Ta afraadna waxay ku taallaa Changsha gobolka Hunan. Jaamcadahan kulliyado badan bay leeyihiin Soomaalidu inta badan waxay ka bataan injineeriyadda iyo caafimaadka. Jaamacadaha waxa la iska qaadaa waa ku kala duwan yihiin sannadkii tusaale caafimaadka waxaa la iska qaadaa $4000 ilaa $5000 oo dollar sannadkii (tuition fee) ahaan. Halka injineeriyadda la iska qaado $3000 ilaa $4000 sannadkii. Waxaana dhihi karaa marka waddamo kale oo badan oo Aasiya ku yaal  la bar bar dhigo qiimahaasi inuu sillooyahay maanta. Jaamacadahaasi dhammaan waxay leeyihiin dhismayaal ay ajaanibtu degaan khaasatan qofka aan rabin inuu magaalada aqal ka kiraysto dhismayaashaasu inta qol ee uu rabo ka kiraysan oo degi.Luuqadaha jaamacaduhu ku baxaaan Chinese kaa ugu horreeyaa laakiin jaamacadaha ajaanibtu dhigtaan afka ingiriisiga ayey ku baxaan oo lagu dhigataa. Luuqadda dalkana qofku isla markiibaa waa la qabsan karaa ku hadalkeeda waa laga yaabaa qofka inay ku adkaato qoraalkeedu laakiin ku hadalkeedu wax dhibaata ah qofku kala kulmi maayo oo 6 bilood guduhood wuu kula qabsan karaa.  Khasab maaha qofkii afka ingiriisiga ku dhiganaya jaamacaddiisa inuu barto laakiin wuu isaga baahnaanayaa si uu bulshada dalka u fahmo sababtoo ah waa luuqadda dalka.  Guntii iyo gabo gabadii waxaan odhan karaa maanta heerka waxbarasho ee China marayo wuu qancin karaa ummaddeennan soomaaliyeed ee waxbarashadeedii sare luntay doonayana inay sii wataan ama horumariyaan ilaa heer sare ay ka gaadhaan. Qof walbana aqoonta maadiga wixii la xidhiidha wuu ka heli karaa  noocay doonto ha ahaatee.

Wabillaahi towfiiq.

Dr. Abdulhakeem Ali Suleiman (Sancad)

Kamaal35@hotmail.com

Huazhong University of Science and Technology,

Wuhan, Hubei China

 

 

webmaster@ceegaag.com