Hay'adda samofalka Access oo 800-qoys u qaybisay
gargaar isugu jira raashin nafaqeysan iyo daawo. Hay'adda
Access for support & development centre ayaa gargaar kala
duwan oo isugu jiray raashin nafaqeysan, raashin caadi ah
iyo dawooyin u qaybisay barakacayaasha abaaraha ee ku
sugan magaalada Muqdisho.
Gargaarkan oo ahaa mid khaas ah oo loogu talogalay
caruurta iyo hooyooyinka ay nafaqodarridu hayso, waxaana
ka faa'iideystay 800 oo qoys oo ay ku jireen caruur iyo
hooyooyin nafaqo-darro la ildaran. Sidoo kale, dadka
gargaarka loo qaybiyay ayaa waxaa ku jiray caruur iyo dad
kale oo naafo ah, kuwaasoo ay haysteen xaalado nololeed oo
kala duwan. Deeqdan oo ay ku deeqday ha'yadda Access ayaan
ahayn tii ugu horreysay oo ay bixiyaan.
"Waxaan gabnay mas'uuliyaddii waalidnimo ee aan lahayn,
markaas bay dadkeennii ku habsadeen dhibaatooyin isugu
jira gaajo, arrad iyo cudurro," ayuu yiri Dr. Cali Sheekh
Axmed Abuubakar oo ah guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho oo
ka hadlay goobta barakacayaasha loogu qaybinayay gargaarka.
Barakacayaashan ayaa waxaa gargaarkan loogu qaybiyay
iskuulka Maxamuud Mire ee degmada Waaberi, halkaasoo dhowr
jeer oo hore barakacayaasha abaaraha loogu qaybiyay
gargaarro kala duwan. "Nabad abuure ayaa nolol
abuura... nabad ayaa naas la nuugo leh. waxaan ugu
baaqayaa dadka hubka sita inay u naxaan dadka walaalahood
ah ee dhibaateysan," ayuu mar kale yiri guddoomiyaha
jaamacadda Muqdisho.
Mid ka mid ah barakacayaasha oo markii gargaarka la
siiyay kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad
ugu faraxsan yahay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid ka
duwan deeqihii horay loo siiyay. Deeqdan ayaa ururka
Access waxaa gacan ka siiyay dhinaca dawooyinka dhaqaatiir
ka socotay jaamacadda Muqdisho iyo ardayda jaamacadda oo
si mutadawacnimo ah u qaybinayay gargaarka.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya