War Saxaafadeed laga soo saaray shirkii Khamiislaha ee
Golaha Wasiirada.
(Muqdisho, Sep 08, 2011
Ceegaag Online)
Shir ay
maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga
Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah
oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka
Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012, arrimaha
Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.
Golaha
Wasiirada waxay maanta warbixin guud ka dhageysteen Ra’iisal
Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga taasoo ku
saabsanayd habraacii marxaladda kala guurka ee sanadka 2011
/ 2012 iyo habsami u socodkii shirkii oo ay kasoo qeybgaleen
wufuud caalami ah iyo madaxda maamulada gobolada.
Ku-simaha
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha uga warbixiyay inuu shirka
guul ku dhamaaday, dawladdana ay ka shaqeysay sida ugu
wanaagsan inuu ku qabsoomo, waxaa sidoo kale warbixin laga
dhagaystay guddi hoosaadyadii shirka wadatashiga oo looga
kala hadlayay arrimaha amniga, dastuurka iyo hagaajinta
barlamaanka, dawlad wanaagga iyo dibuheshiisiinta.
Golaha ayaa
si gooni ah u falanqeeyay qodobka dawlad wanaaga oo gabi
ahaantiisba dawladda masuuliyadeedu leedahay, waxayna ka
doodeen arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ahmiyadda ay
leedahay in la sameeyo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo
ka mid ah hawlaha ku xusan habraaca soo afjarida marxaladda
kala guurka ah, waxayna ballan qaadeen in guddigaas loo soo
magacaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
Golaha
Wasiirada ayaa waxey si buuxda uwada ansixiyeen go’aankii
kasoo baxay shirka wadatashiga, sidoo kalena ballan qaadeen
inay sanadkaan kusooafjarayaan marxaladda ku meel gaarka ah
ee uu dalka ku jiray muddo dheer
Ugu
danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa sido kale warbixinno ka
kala dhageystay guddi hoosaadyada Golaha oo ku kula saabsan
arrimaha amniga iyo gargaarka xaaladda bani aadannimo ee
dalka ka jirta, wuxuuna go’aan ku gaaray in dhammaan
ajaanibta dalka joogta iyo shaqaalaha ka shaqeeya gargaarka
ay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|